Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

  

Maansada Ammaal

    Jiiftadan waxaa curiyay Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza]
    waxeyna jawaab u tahay suaalaha ka immanaya akhristayaasha suugaanta
    Abwaanka, gaar ahaan kuwa la xiriira maahmaahyadi cusbaa ee saddaxleeyda
    ahaa ee uu allifay. Wuxuu Hal'abuurku ku ifinayaa dulucda murtida oraneysa
    " guur sokeeye waa inaad ka gadooddaa". Ogoowse jiiftadu waa mala'awaale.
    Waxeyna soo baxday 12/7/2004. Tixdan wuxuu Stanza ku cabbiray waxa ka 
    dhalan kara guur sokeeye oo fashilmay iyo aflagaadada dhidibada aasan karta.
    Akhristoow ha u qaadan dhacda Abwaanka ku dhacday ee waa sida sare ku
    xusan mala'awaal, afka qalaadna waa [fiction, not fact] ee la soco dulucda.
     
                                   AMMAAL
     
    Ammaaleey Ammaaleey
    Ammaaleey abbaayooy
    Anoo ina-adeerkaa
    Amma ehel dad kuu xiga
    Abtirsiinadeennuna
    Meel ku wada aroor tahay
    Oo aad iigu dheertahay
    Isir iyo walaalnimo
    Ayaa lai ambiyayoo
    Aflagaadda lai baday
    Hayeeshe'e Ugaasooy
    Waxaan aarsan doonnaa
    Ayaantii qiyaamaha.
     
     
    Dab-abuurayaal baa
    Ina kala irdheeyeen
    Uurnugul walaashayeey
    Ina kala asqeeyeen
    Marna nagu inshaareen
    Wuxuu uurku ladin karin
    Marna nagu asteeyeen
    Af wuxuunan qaban karin
    Aragtida u rooneey
    Ma wax loo adkeystaa?
    Hayeeshe'e Ugaasooy
    Waxaan aarsan doonnaa
    Ayaantii qiyaamaha.
     
     
    Dhibka kuwi aloosee
    Galiilyada abaabsheen
    Alle wuu arkaayoo
    Marun bey ku ooljabi
    Arrinkeygu ma aheyn
    Inaan gocosho ooyaa
    Balse ooggi-waaguu
    Xaley uurku igu yidhi
    Waa inaad oddorostoo
    U abtirisa maansada
    Hayeeshe'e Ugaasooy
    Waxaan aarsan doonnaa
    Ayaantii qiyaamaha.
     
     
    Waxaan aamusnaadoon
    Dibnaheyga awdaba
    Sidii geel irdhabankii
    Saqdi ololka reemaba
    Afgobaadsi maagoon
    Ammakaag la toosaba
    Waxaan eed ka cararoon
    Gacal kala ilduufnaba
    Saw afgaabsa maan oran
    Oo afeef ma laasimin
    Hayeeshe'e Ugaasooy
    Waxaan aarsan doonnaa
    Ayaantii qiyaamaha.
     
     
    Nafteydaa la uladubay
    Waxaan u ololeeyaba
    Illinta iga gobo'leyn
    Oogadeyda qoysaba
    Aqalkaad ku nooshahay
    Waxaan dabin afmeeraba
    Sidii hooyo ubadkeed
    Mudda ku agwareegaba
    Adna ina-abtaayeey
    Iimma aad araareyn
    Hayeeshe'e Ugaasooy
    Waxaan aarsan doonnaa
    Ayaantii qiyaamaha.
     
     
    Sidii ubixi nuuraay
    Noqo ruux adkeysi le'
    Waxaan kugu agloolaa
    Asluubtaada gabadhnimo
    Ukhtii iga yareyd baad
    Ammaal iiga dhigantahay
    Dhiiggu waa ka adagyahay
    Biyo aburinaayaan
    Waxey ili arkeysuu
    Aqliguna rummeeyaa
    Hayeeshe'e Ugaasooy
    Waxaan aarsan doonnaa
    Ayaantii qiyaamaha.
     
     
    Ninba agabka xeeshii
    Murti iyo aftahankii
    Aniguna abwaannimo
    Erayada ku faaqiday
    Adduun laguma waaroo
    Xaqu wuu iftiimaa
    Ayaan bey addoomuhu
    Idil wada kulmaayaan
    Ammarkuna Allahaweyn
    U sugnaani goortaa
    Hayeeshe'e Ugaasooy
    Waxaan aarsan doonnaa
    Ayaantii qiyaamaha.
     
     
    
    
    
    
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.