Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Amman Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Abwaanka Caalamka

Cabdi Aadan"Qays" oo Lagu Daray Diiwaanka Hal-Abuurada
iyo Abwaanada Caalamiga ah ee Dunida


Xaflad sifiican loo soo agaasimi ayaa lagu qabtay Jaaamicada ku taala Magaalada Lund ee Dalka Sweden Shalay 12/05/2003.
Xaflada ayaa ahayd mid lagu soo gabagabeeyey Barnaamij ay Jaamicadu soo diyaarisay oo Magaciisu ahaa (Xulkii Gabayada Caalamka ee labaatankii sano ee Tegay)

Tirada Gabayada oo ahayd 150 Gabay oo laga soo uruuriyey Dunida oo dhan, laguna turjumay shan luqadood ayaa Gabay uu Curiyey Abwaan Abdi Adan Qays uu ku soo baxay kaalinta koowaad.

Gudoomiyihii Gudida Qiimaynta ee Barnaamijka Professor Martin Himilton oo ah Ruug-caddaa Murti-ruug ah iyo Gabyaa
una dhashay cariga Ingiriiska kana socday Jaamicadda Caanka ah ee Oxford ayaa Khudbadii uu ku furay xaflada ku faahfaahiyey sababihii uu Gabaygani ku mutaystay kaalinta Koobaad iyo macnaha ugu weyn ee u jeedada Gabaygu xambaarsantahay.
Professor Martin ayaa yidhi Abwaanka curiyey Gabaygan oo Magaciisu yahay Abdi Adan Qays oo kana soo jeeda Dalka SOMALILAND (waa waqooyigii Somalia) ayaa Gabayga ka tiriyey dareen xoriyad la'aaneed oo ay dad iyo Duunyo wada wadaageen, ( waa neef Dameer ah oo ay ku wada xidhnaayeen Abwaanka Xabsi ku yaalay duleedka Magaalada Muqdisho).

Gabayga intiisa badan Dameerka ayaa kaga xog-waramaayey Xadhgiisa iyo Cadaalad darida kaga timi Taliskii kaligii taliyihii Siyaad Bare ee soo xidhay.

Sababaha Gabayga loogu Qiimeeyey Kaalinta koobaad.
1-Gabayga oo dareen wadaajiyey laba Maxbuus oo kala ah Dad iyo Duunyo oo waliba dulmi iyo xaq-daro lagu soo xidhay.

2-Gabayga oo ka turjumaayey, Qiraayeyna in Darxumadu, Dulmigu, Dawlad xumidu, Dawlad la'aantu, Cadaalad daridu, Sharci la'aantu iyo Sharci jabintu ay dhamaantoodba ku xuyihiin oo isku si u saameeyaan Dadka iyo Duunyadaba.

3-Gabayga oo xaqsiiyey una garaabay Dameerkii oo isla markaana metelaayey dhamaanba Duunyadii iyo Mayeedhaankii kale ee ku xidhnaa Xabsiyadii Taliskii Dalka Haystay iyo waliba kuwii kale ee ku noolaa Xaaladaha Qalafsan ee bilaa naxariista ah ee ku baahsanaa dalka oo dhan.

Professor Martin ayaa khudbadiisii ku soo afjaray Abwaankan Murtidiisa ayaa ku Qiimaysan Heer Cilmiyeysan oo Caalami ah, laga bilaabana maanta ku biiray Diiwaanka Abwaanada iyo Hal-abuurada ee Caalamiga ah.
Sarkaal isna ka socday Hay'ada Amensty International oo ka waramay Jiidh-dilkii iyo Ciqaabtii Abwaanka ka soo gaadhay Xabsigii Taliskii Siyaad Bare ayaa yidhi waxa Gabaygan lagu Qiimayn karaa Hubkii ugu khatarsanaa ee lagu jabiyey markii lala dagaalamaayey kaligii taliyihii Dalkaa ka jiray.

Abwaanka oo aan Munaasibada joogin waxa ka wakiil ahaa oo lagu soo casuumay xaflada, Turjumadii Gabaygana Qayb-libaax ka qaatay Afhayeenka Xisbiga Udub ee Waqooyiga Europe Mudan: Osman Abdillahi Sool.

Wixii Faahfaahina ee ku saabsan Gabaygii oo Qoraala waxaa kala xidhiidh kartaa Wargayska Maandeeq oo kugu xidhiidhin kara Abwaan Abdi Adan Qays oo iminka jooga Hargaysa.

Waxa soo diyaariyey: Somalia Radio Denmark Copenhagen.


Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.