Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Bahda Farshaxan EMAIL ..

Qaawanaan hadal

Asli Internet

Gabaygan waxa la yidhaahdaa magaciisa qaawanaan hadal, taas oo aad
moodo inay imika muuqato marka la eego sida ay u wada hadlayaan
siyaasiyiinteenu. Markaa waxay tidhi:

Qawlkii marxuumkii yidhaan qira u haynaaye
Qayliyo hadeer xaalku noqoy qawanaan hadal’e
Waxba la isku qaran maayoo la is-qadarin waaye
Xantii la isku quul-quuli jiray laysku wada qeexye
Qaybe ninkii qaaxo iyo qaaqda ina xaashi
Cawil oo qiyaas li’I u wada eray qardoofeedka
Ismaaciilka wuxuu qoonsadaba soo qaqabanaaya
Khatar iyo markuu xaalku galo qawyo kala oodan
Saleebaanka sida qaari sheekh qiil u bixinaaya
Dhowr nin oo qasaba baa dalkii qooqan kaligoode
Qacdoodiyo baftoodaad ibleys qaxaya moodaaye
Qulibaagedigan ay wadaan qaamilaad ma leh’e
Mid kaloo qobtala baa jiroo la isku qoofalaye
Qorsho xumada xoor-xoor ka daran qarax abaareede
Ma qaabeeyo shaygii bixiyo qaarashkii taga’e
Qandibuu ku uruurshaa la yidhi laguna qaadaaye
Qasnadaba ma geliyo baa la yidhi waana qariyaaye
Intuu kala qadhidho buu diraa qaybta ugu weyne
Qasriguu dhigaa baa la yidhi laguna quutaaye
Waa qubaaqas xaalkiisa guud nana qasaareeye
yaa ka qaban marsadii baa la yidhi qiimaheed dhimaye
Afartaa qa’da iyo wow’ga iyo qoyn ma ka higaadshay
Ma qotomiyey bayd-gaabku waa kala qaloocshaaye
Qayo-yaabay hadal aan maqloo qaatanoo dirane
Qunyar socod bulaalihii ahaa qaylo kor u taagye
Hadii uu masuul qaran ahaa qar iyo buur jeexye
Qisadiyo wareerku la yimi waa mid qaro weyne
Hadii qabow yar lagu sheegi jiray waa qalqaaliyey’e
Qalalaasuhuu barigii hore qayb isaga leexshay
Ee uu abwaan qaaliyiyo qaasim ku amaanay
Qaxarkuu ka hadhay buu rabaa inuu qaleeyaaye
Qudbaduu dhowaan jeediyaa wada qaloocnayde
Cabdina waa ka daba qaatayoo waa la qoorsadaye
Qunyar buu la beegsaday halkay qoontu kaga tiile
Meeshaa qafilan ee dadkaba qiiqa laga saaray
Ruuxii qodqoda waxa qabsada eedo qaro weyne
Qooriga jabuutaad qofkii maagay ku asqowye
Hadaadse aragto qaar buuqayiyo kooxo kala qayba
Oo qoloba qolo leeyihiin qolodanaa waalan
Oo halkuu qufacu kaga jiriyo qodaxda aad weydo
Anigaa qiyaasoo aqaan hebel qaloocshowe
Arinkood wax qabad maaha iyo qiiro iyo toose
Waxoogaa qadhaabaa jiroo la isku qaayibine
Markay hali u qalantahay badh baa la isku qoofaaye
Qaniyo allow noo gargaar qaadir baad tahaye.

Xigasho: Haatuf.com -Issue 598..

Xigasho: Somalilandcenter

Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.