Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Maxamed Xirsi Guuleed | 

  Hordhac

Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan

    
    
        Taariikh Suugaaneedkii Abwaanka da'da yar ee Maxamed Xirsi Guuleed
    
    Maxamed Xirsi Guuleed wuxuu ka mid yahy abwaanada u kacay ummada ku
    hadahsa af Soomaaliga,degaan ahaan ka soo jeeda Wadanka Somaliland..
    
    
     
Gabre Iyo Gumaysane   Dib U laabo
    
     
    Gabre Iyo Gumaysane 	  
    Maansadan waxa allifay Maxamed Xirsi Guuleed, waxayna soo baxday 
    2008-03-02. Waxa ay ka warbixinaysaa sida uu yahay dhaqanka u 
    dhexeeya saraakiisha ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo jaalleyaashooda
    ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliyeed. Waxay curatay markii la faafiyey
    dharbaaxadii quudheed ee ka dhacday Villa Soomaalia, Muqdisho.
    Kama madhna taariikh iyo saadaasha sida uu xaalku ku dhammaan karo.
    
    Wuxu yidhi:
    
    Gabre iyo Gumaysane
    Iyo beri gadood dhacay
    Gabay inan ka tiriyaa
    Geeraar ka mariyaa
    Way ila gudboontee
    Waxan soo gudbinayaa
    Murti layla garan karo
    Warar laysu soo guray
    Iyo guud mar waayeel
     
    Wax la yidhi Gumaysane
    Gabannimo yaraantii
    Gob ayuu ahaan jiray
    Geelbuu lahaan jiray
    Gaawuu sidsidan jiray
    Ha yeeshee gadaalbaa
    Cudur aan la garanayn
    Dhiiggiisa galayoo
    Guudka sare ka soo baxay
    Isna wuxu guddoonsaday
    Dadka gebi ahaantood
    Guri guri dhammaantood
    In bukaanku wada galo
    Xeeshaase lagu garay
    Gacal iyo shisheeyaba
    Dadkii gees ka wada mare
    Goobtuu yimaaddaba
    Gujo laysku fahansii
    Sanka gacanta lala boob
    Guclo orodna lagu dhaaf
     
    Dabadeed galiilyada
    Cuqdad gaadhay xididdada
    Waxa uu goŽaansaday
    Inuu geeshku baabaŽo
    Guunyada la cidhibtiro
    Godob laysu wada dilo
    ilaa cudurkan gaamuray
    Dadku kaga gataan lacag
    Guul iyo xil loo qiro
    Garbo shaashle lagu tolo
    Gondihiisa lagu shiro
    Gadhwadeenna laga dhigo
     
    Guntay oo is xayd xayd
    Sidii neef la gawracay
    Hadba geedo sii jiidh
    Hadba gebi ka sii duul
    U gal aakhirkii cadow
    Guluf soo abaabule
    Hadba guuto soo dire
    Ku hungoowyey dhawr goor
    Mar ay talo gabaabsiday
    Wiil Goondhar lagu dhalay
    Gabre looga magac dhigay
    Gosha bidix ku soo qaad
    Garab iyo u noqoy xoog
     
    Gabre waa habaarqabe
    Dadka Goondhar joogaa
    GURRAC! bay yidhaadaan
    Gobolkuu degaabay
    geeridu hadhaysaa
    Guriguu yimaaddeey
    Gaajadu u hoyataa
    Inta cudurro gooniya
    Guudkiisa lagu wadhay
    Tiro laguma garan karo
     
    Kuye waar Gumaysane:
    Aan kuu gargaaroo
    Dilka aynu guullee
    Godobtaada ii sheeg?
    Inta ay ku gadanteed
    Ku gamŽayso ii sheeg?
     
    Wuxu yidhi Gumaysane:
    Gabre gacan macaanoow
    Galti awliyaadoow
    Marka hore gargaarsiga
    In Giyoorgis lagu daro
    Gaalada buruudka leh
    Gurmadkeenna loo waco
    Baaderiga gaadhsii
     
    Marka xiga garaadoow
    Gabannimo yaraantii
    Markaan geela hayn jiray
    Nin i gawdhiyoo beri
    Gego igu legdaa jiray
    Waa in aan ka goostaa
    Qudhna uuma garan karo
    Ha gubteene idilkood
    Ku garaac madaafiic
     
    Dhanka kale guyaal hore
    Markuu  cudurkan gaamuray
    Sidaad aragto ii galay
    Iimay gargaarine
    Way igu giriifeen
    Cidlay igaga guureen
    Anna waxan goŽaansaday
    Taa  inan ka gooyaa
    Gondahayga keenaa
    Lay wada garaabaa
     
    Gabre sheekadaa dheer
    Gocashadaa raqiiska ah
    GARTAY! kaga jawaab celi
    Gacantana u soo tag
    Duqan gees ku ciirka ah
    Ballan inu la sii galo
     
    Kuye waar Gumaysane:
    Waan kuu gurmanayaa
    adna awrka gaadiid
    een ku guuro maad noqon?
    Ciilka igu gaamuray
    Markaan taada garab dhigay
    Godobtaadu waa sahal
    Haddday taadu gelin tahay
    Taayadu geyood ma leh
    Nimay Gurey lahaayeen
    Mar uu beeshayada galay
    Wuxu geystay waa hore
    In aan goosto mooyee
    Guul kuma xisaabtamo
    Geeridaada dabadeed
    Gulufkaygu wuu socon
     
    Sidaa laysku gacan qaad
    La gal duul warmooge ah
    Gobol nabada weerare
    kumannaan qof gawrece
    Galacleeyey dhiiggii
    Guryihii qurxoonaa
    Laga yeel gabaahiir
    Gurte duunyadii tiil
    Shabackina gumaysiga
    Geeri bay ka doorteen
    GoŽaankii dullaysiga
    U daruure gaashaan
    Gabre iyo Gumaysane
    Goolkoodi dhalan waa
    Afartooda geesood
    Kaga ciye gantaalladu
    Fahme inay goŽdoomeen
    Guuldarro iyo caadkeed
    Iyagii is gooddiye
    Gefaf laysku eedee
    Gacan qaad la soo sheeg
     
    Goolaaftan dirireed
    Galab laysu soo baxay
    Dad gumaysi diid ihi
    maalin ay gadoodeen
    wuxu yidhi Gumaysane
    Gabroow geesigiiyoow
    Geestaa waxa dega
    Niman gacallayaalee
    Garab aan ka dhigannee
    Ka yaree gantaalada!
     
    Gabre cadho is girangiri
    Ku gadood af shaydaan
    Gacantiisa kor u qaad
    Ku bilow Gumaysane
    Ku gaggabi dhirbaaxada
    Isagina galgalashada
    Gabbashiyo gargaar dalab
    Gacmihiisa taag taag
    Gasariir ku yidhi heeeeeee
    Gabroow waan ka tegayaa
    Gefkaan falay muxuu yahay?
     
    Kuye inan gumeedyahow
    Soomaali gibil-madow
    Yaa kala gur kugu yidhi
    Giddigiin qushaashaa
    Midna gacal ma noqon karo
    Adiguna garaad xume
    Gaadiid-qaadkay baad tahay
     
    Gabre maaha kii hee
    Is gamaarintii daa
    Galka seef ka soo sar
    Geddii lagu aqoon jiray
    Gole loo dhanyahay keen
    Wuxu yidhi goŽaan culus
    Magal YAA Gumaysane!:
    Askartayda gaarka ah
    Wixii gaadha qoomaal
    Kuwa gaarka kuu aa
    Laga goynayaa qabo
     
    Waxan kaloo goŽaansaday:
    Gabdhihiina quruxda leh
    Oo wada gashaantiya
    Goortaan u baahdaba
    Gelbis inaad ku keentaan
     
    Wuxu yidhi Gumaysane:
    Gabre geesigiiyoow
    Askartaada gaarka ah
    Cidda looga aar gudo
    Marna kama gilgilan karo
    GoŽaankaasi hadal ma leh
    Dhanka kale gabdhahayaga
    Guurdoon haddaad tahay
    Waa wada gayaankaa
    Aw cali-gadhoosiyo
    Sheekh Aadan good baa
    Meher kuugu gawsiin
     
    Gabre cadho is girangiri
    Ku gadood af shaydaan
    Gacantiisa kor u qaad
    Ku bilow Gumaysane
    Ku gaggabi dhirbaaxada
    Suxulkana  ku gaw sii
    Isagina galgalashada
    Gabbashiyo gargaar dalab
    Gacmihiisa taag taag
    Gasariir ku yidhi heeeeeee
    Gabroow waan ka tegayaa
    Gefkaan falay muxuu yahay?
     
    Kuye waar Gumaysane
    Nin garaad xunbaad tee
    Gaabsibaan u baahnee
    Guurkiina yaa raba?
    Maydinkaa geyaanba ah
     
    Isagoo Gumaysane
    Iska dhigaya guulwade
    Gabre raalli gelin kara
    Gudan kara xilka u qoran
    Wuxu yidhi garaad-xume;
    Gabre ina Zenaawoow
    Geesigaannu xididnoow
    Gallad Eebbe weeyee
    Gabadheheenna sharaftale
    Anaa soo gudbinayee
    Gelbintooda dabadeed
    Gabannaday inoo dhali
    Gabre maw bixbixinnaa?
     
    Gabre cadho is girangiri
    Ku gadood af shaydaan
    Ku garaacyey feedh-jilib
    Gacantiisa kor u qaad
    Ku bilow Gumaysane
    Ku gaggabi dhirbaaxada
    Isagina galgalashada
    Gabbashiyo gargaar dalab
    Gacmihiisa taag taag
    Gasariir ku yidhi heeeeeee
    Gabroow waan ka tegayaa
    Gefkaan falay muxuu yahay?
     
    Kuye waar Gumaysane
    Goxoshyahow habowsani
    Garacyada sideebaa
    Gabre loogu bixiyaa?????
     
    Kuye hadal goŽaanlee
    Gabre geesigiiyoow
    Galabtaad aroostee
    Gasho macatabkaagii
     
    Waxaas oo gef lagu falay
    Kuma duxin Gumaysane
    Ma garwaaqsan xaajadu
    Inay soo gurracantahay
    Hadba gabadh yar doon doon
    Hadba gaari raadcee
    Hadba guuto dhan u dalab
    Garbaduub mid lagu wado
    inay golaha keenaan
    balse guul lamay hoyan
    Gabadh dhoorle xiitaa
    Laga waayey gobolkii
    Giddigood jihaadkay
    Geesta uuga biireen
    Guubaabadooday
    Geesiyadu ku dirireen
    Shicibkana gadoodkii
    Hadba goosan sii biir
    Gurmadkoodi soo baday
    Gulufkoodi weynaa
     
    Isagoo Gumaysane
    Gacma madhan la yuurura
    Oy geeso tubanyiin
    Gaaraayucuuntii
    Gefka kala shaqayn jiray
    Gabre yimi abbaartii
    Gaafkiisa laga waday
    Gebgeb iyo mashxaradiyo
    Gelbinbuu filaayee
    Afka juuqda gabay arag
    Iyo geeri muuqeed
     
    Kuye  aawey gooshii
    Aad ii gelbinayseen?
     
    La ye garanba maynee
    Bal weydii Gumaysane
     
    Isaguna Gumaysane
    Gargariir ku yidhi hee
    Gobolkeena oo idil
    Laga waa gashaantimo
     
    Waaryaa gumaysane
    Dadkii kaleba garannee
    Gabadhaadi aawey?
    Gabre ugu jawaab celi
     
    Meel aan la gaadhayn
    Iyo gobol shisheeye ah
    Ayey guudka fidhaysaa
    
    Gurxan hoose ugu sheeg
    Gabre taasna liqi waa
    Ma garaysan hadalkaa
    Gogol badinse ugu celi:
    Waaryaa gumaysane
    Kuwan geesta kaa tuban
    
    Gabdhohoodi aawey?
    Intuu yara gunuunucay
    Wuxu yidhi gumaysane:
    Waddamada galbeedkay
    Geysteen dhashoodo
    Kama gaadhi karayaan
    Inay galabta keenaan
     
    Kuye maqal Gumaysane
    Dhaxaad gidhiishiyo
    Been iga gadaysee
    Usgagbaa I gubayoo
    GamaŽ jiifsan maayee
    Haddii aan lahayn gabadh
    Adba aan ku guursado!!
     
    Haddeer fahan gumaysane
    In aan guul dambayso
    Gabre laga filaa jirin
    Naxdin labada geesood
    Gasariir u daymoo
    Arki waa il gacaloo
    Ka gilgilata ceebtaa
    Dhidid leŽeg galaasyada
    Guudkiisa sida roob
    Gabax uuga soo yidhi
    Ilmo goboŽle lagu arag
    Gocay boqol xasuusood
    Iyo wuxu gef soo falay
    Gaarkii isula hadal
    Alla geeri, waa hore
    Godka maan u jiifsado
    Alla yaa I gawraca
    Muu gurigan baas dumo
    Dhulku aniga ila goŽo
     
    Isagoo halkii gegan
    Gabre weedhi ugu celi
    Guntigiina soo furay
    Gogoshiina loo fidi
     
    Hayeeshee GIG lagu toos
    Goortaa tilmaanta leh
    Waxa dhacay gariir culus
    Madfac gawle baa baxay
    Guushii Allaa timi
    Shicibkii gadoodaa
    Soo dhaafay gaadhkii
    Waxa laysla soo galay
    goobtii xilka lahayd
     
    Goblan tala adduunyooy
    Waa kaa Gumaysane
    Ku galbaday nasiib xumo
    Waa kaa godkii galay
    Nin gumayste raacaa
    Gaarka u lahaan jiray
     
    Maxamed Xirsi Guuleed
     
     
    
    
     

Maanso Labaad    Dib U laabo

    
    
    Gabaygani wuxuu soo baxay 17-04-2007 waxaanu ku saabsanyahay
    xaaladda coladeed ee ka oogaan Geeska Afrika gaar ahaan 
    Soomaaliya/Muqdisho ee u dhexaysa gumaystayaasha isbahaystay 
    iyo gobannimo u dirirka Soomaaliyeed ee culimadu horkacayso.
     Wuxuu yidhi:
    
     
    
    1. Gabay Maxamed Caliyoow1 beryahan wayga gaagaxaye 
    2. Sidii geel irmaan oo libaax, gaadaya ujeeda
    3. Ma gudhine wuxuun bayga tegay godolkii maanseede
    4. Sidii loo gembiyey dawladdii guusha badan keentay
    5. Gooh iyo waxay ii ahayd gibil madoobaade
    
    6. Gobolladay fadhiday dawladdii looga wada guuxay
    7. Ee gebiga soomaaliyeed gacal walaalaysay
    8. Ee nabaddii loo gaajo qabay gaar dadka u siisay
    9. Rag uunbaa guddoonsaday inay guluf ku qaadaane
    10. Gefna laguma haynine, samaan Geeska loo rabine
    11. Guulaha islaam lagu helaa, reer galbeed dhibaye
    12. Gaadaha colaaduhu markuu gubayey ciiddeena
    13. Gurmad nooma keenine dabkay gees ka shidayeene
    14. Wuxuu gaalku wayraxay markaan gaadhnay nabaddiiye
    15. Gama’ kalena may ledin ilaa maydku geyllamaye
    
    16. Geeridii Cadaado iyo Mudug, shicibka loo geystay
    17. Aheey gobolka Hiiraan markii guudka laga toogtay
    18. Gudaha Bay, gadaal Buurxakaba, godanka Iidaale
    19. Gobollada jubbada hoose iyo Gedo xuduudkeeda
    20. Raggii Gaasta lagu buufiyee goobta lagu dhaafay
    21. Gadhacasta wayday meel ay galaan dunida guudkeeda
    22. Culimadii la gawracay ayaan laga geyoonayne
    
    23. Maantana gumaadkaa dhaacaan giida la hayaaye
    24. Raqda xamar goglani may ahayn guuto weerara eh
    25. Wax-ma-galabsatiyo waa haween Gaal ku xoogsadaye
    26. Guryaa dumay gidaarrada burburay, qaxiyo guurguurka
    27. Gabdhaha ay kufsanayaan ragga Goondhar laga keenay
    28. Waa sida gumaystuhu, halkuu galo ka yeelaaye
    29. Geddii weeye ay kula tageen gobolladeeniiye
    30. Bal garoo marbay HERER ahayd guri islaameede
    31. Gacmadheere, Diinaari iyo geeljir Cali Jeelle
    32. Iyo Geeddi waxan ay faleen, garanba mayaane
    33. Godobtaase lama saamaxee geliya diiwaanka
    
    34. Gurigiisa nimuu mayd u yaal gamasna loo haysto
    35. Oo loogu gooddiyey inaan sina gar loo siinin
    36. Ninka gogosha ugu baaqayoow geed xun baad tahay
    37. Gardarrada nin taageerayoo gees jiraad tahay
    38. Garbaduub inaad maagantahay garannay xeeshaase
    39. Gaashaandhiggii iyo intuu Xamarba gaal joogo
    40. Ee gobollo Soomaaliyeed Xabashi gooshaayo
    41. Waa kuu garaad li’i inaad shirar u guuxdaaye
    42. Golaa IGAD, gumaysiga madow, Yurub gargaaraysa
    43. Iyo kii gantaallada la dhacay geel cidla u foofay
    44. Guryahoodi waa nabad kuwaa geystay eedaha eh
    45. Godobtaase lama saamexee geliya diiwaanka
    
    46. Al-shabaabka soo giirtay iyo geesiyada dhaartay
    47. Culimada go’aansaday in aan gaadhka laga reebin
    48. Ee cadowga dhuunta u galoow gaar idiin ogine
    49. Haddaad geeriyootaan jannaad boos ka gadateene
    50. Haddaad guusha hanataanna waad, laba gar daaqdeene
    51. Gama’ yaanay abidkood ku ledin, goxoshka soo duulay!
    52. Soomaali gebigeedu waa gacallayaashiine
    53. Isu geynta Daarood, xattaa gobol Majeerteena
    54. Gelimays kol ay tahay kuwaa Godey ka hooseeya
    55. Hawiyaha gadoodiyo Jareer, geeshash Raxanweyna
    56. Gabooyiyo tumaaliyo ashraaf, ganaya liishaanka
    57. Garre iyo Ajuuraanka iyo gibilcad dhawr jaad ah
    58. Dirka goob kastaba yaalla iyo gacalka qiiraysan
    59. Gobta reer Isaaq, Ciise iyo beesha Gudabiirsi
    60. Gurgure iyo jaarsiyo qolyaha dega galbeedoo dhan
    61. Intaan gees maree badan dhammaan gebiga Soomaali
    62. Giddogood waxay doonayaan guul aad dhalisaane
    63. Gurmadkiina way jecelyihiin gacani waa toose
    64. gabdhihina ducuunbay intaa gawda ku hayaane
    65. Gaaliyo waxay diidanyihiin Geeddi iyo yey eh
    66. Gobanimo dagaalama is dhiib, waa gunnimo weyne 
     
     1-Eng Maxamed Cali Cibaar
     
     
     
     
     
    
                 
    
    
Calankii Dalkeygoow   Dib U laabo

    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo
    
    
    
     
      
     
      
     
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.