Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Maxamed Cabdi Xaashi

    
    
     Waxay ahayd arrin aan in badani ogayn qaradka laga lahaa jeexida xuduuda ingiriisku
     calaamadinayay xuduuda u dhaxaysa somaliland iyo ethiopia. Qaybsiga dhulka ee
     gumaystaha waxay u eekayd laba qaydhin ku qaybsaday bisayl-ka iskuma cawryaan,
     laakiin ta aan marnaba maanka gellin waxay ahayd qaybta libaax ee ay xabashidu ka
     heshay dhul boobkaa. Jeexida xuduudan oo dadka qaarkii xilligaa u macnaystay in
     dhulka daaqsinka ah iyo dhul deegaanka loo kala seeraynayo, halka dadka qaarkii u
     arkayeen in waddo toobiye ah loo samaynayo, laakiin gabayaagii dareenkiisa ka
     fiirada dheeraa intaas ee la odhan jiray Maxamed Cabdi Aw Xaashi oo isaga ka biyo
     diiday jeexidaa  ayaa ku cabiray dareenkiisa gabaygan""Qoonsada halkaas waxa ku jira"
     wuxuuna yidhi:
    
    
    
     In dhaweydba waataan qarsaday,  qiimigii gabaye
    
     Waa laygu soo qaadayaa , waan ka qaw dhigaye
    
     Abidkayba goortaan qabtaan,  qurux u yeelaaye
    
     Qaafada horteediyo shirkaan,  qun uga sheegaaye
    
     Bal qiyaasa caawana halkaan, uga qormaynaayo
    
    
    
     Qoof weeye laba gaal hadday, talo qorsheeyaane
    
     Hindigay qafaasheen beryey, qaran ahaayeene
    
     Qarni malaha Yawguba markuu qaatay keenada,e
    
     Waatii Suweys uu qabsaysay, qamac dharaareede
    
     Waxa horteen sidaa loo qarribay boqol quruumoode
    
     Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne
    
    
    
     Qoto iyo Taleexbaa la simay, qaydkan seeraha,e
    
     Sidii qaalmo booliya dhulkii waa la qaybsadaye
    
     Isba qiil banaysuu u yimi qoortan dooga lehe
    
     Wuxuu kuu qabtaba daaye wuu idin qalaayaae
    
     Sin qooreedkan lay dhigay wadadan lay qoqobadeeyay
    
     Hadii aw qushuucdeen berruu qaadan waa imane
    
     Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne
    
    
    
     Qunsulkaa la dhigay ceelka Herer qiil kalaa xigiye
    
     Waxba yaanu ii kala qarradhin qoolashaan dego,e
    
     Markuu geed qalloocsamaba waan sii qandhanayaaye
    
     Qayrkay haday toban yihiin qodob ma riixeene
    
     Qanjo uma lahaadeen halkane qaar ayaa wada,e
    
     Qoqobaha dhexdiinaba marbaysugu qudh beeshaane
    
     Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne
    
    
    
     Jarmalkii qadiimiga ahaa qoon uunbaw baxaye
    
     Isagaba qasaarii la baday quusay oo sabirye
    
     Waa wixii qatalay reer hindiya quudhsili,idaase
    
     Idinkuna qab laydiin dhigaa moodaysaan quruxe
    
     Markaan qawl idhaahdaba anaa i qabsanaysaane
    
     Waa qasuumo iyo yaab afkaa qidhim i siiseene
    
     Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne
    
    
    
     Murtidaa qallooca u rogteen qaradna loo yeelay
    
     Waa qiiro gelinoo dhulkaa laysu qoonsadaye
    
     Aan ku baro qiyaamada ninyahaw ninkii qaalin kaga maalay
    
     Qayrkii ka hadhe waxa tihiin qaday habeenkiiye
    
     Qarqarkaaga marimaysaba igu qardoofteene
    
     Qacdaan anigu eegaa indhaha qaraf ka duulaaye
    
     Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne
    
    
    
     Qoomiyad ninkii garanayaa ima qilaafeene
    
     Hadii gaalku uu i qabsado uu qoorta iga gooyo
    
     Qawl nimaan la laabmaynin oon qoofinbaan ahaye
    
     Dadkiise aan u qaysho islahaa qaafilnimadooda
    
     Qufulbaa ku jabanoo ma oga qoonta igu taalle
    
     Qasaaraha ninkii ogi haduu qaban lahaa taase
    
     Quruuntani Allaa garan kolkay qaadan waanada,e
    
     Qodaxdaa xanuunkeedu waa qaamud kuu maqane
    
     Ha qosleene daa ! waa dhawbuu qaxar ka
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    Gabaygii 2aad ee ku saabsan xuduuda iyo dareenka abwaanka:
    
    Maxamed  Cabdi Aw Xaashi ka dib markii uu ku cabiray dareenkiisa gabaygiisa qiimaha
    badnaa ee "Qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad weyne," ayaa muddo ka bacdi  wuxuu
    ka digayey toos loo wada arkay. Baando iyo Talyaani ayaa dalkii qabsaday. Waxaa la
    yidhi Isaaq hawd laguma arki karo. Isagoo soo qaxiyey geelii ayuu keenay meesha Tuur
    loo yaqaan. Dabadeedna gabaygan oohinta ah ayuu tiriyey isagoo ku halqabsaday
    inankiisii curad ee Cali wuxuuna yidhi.
    
    
    
    
    
    
    
    1.Caliyoow adduun lagu dhintoo dheeliyaan ogaye
    
    2.Ma dhadhamiyo caanaha liska ah sida dhukaameede
    
    3.sidii dhagar aan qabo oo xabsiga la iga dhawraayo
    
    4.Dharaar iyo habeen faalladan dhabanka haystaaye
    
    5.Dhag markaad tidhaahdaan hurdada, maba dhakoolayne
    
    6.Ka dhabriiray haasaawahaa dholonbiyeyseene
    
    7.Dhalinyaradu hadalkii naxwa ah dheg uma qaadaane
    
    8.Nin dhamaaday baa garanlahaa dhaabadaan odhane
    
    9.Bal dhagaysata caawaan rakibay dhidibadiisiiye
    
    10. Kol haddii dhulkeenii xadkaas dhereran loo yeelay
    
    11. Oo moodhikaar lagu dhibtiray wada dhabbaynaayo
    
    12. Dhallaan weeye kii haybiyaa dhaqasho xoolaade
    
    13. Dhuuryadan dusheenaa garnayl dhacayey saarraaye
    
    14. Waxa dhambaalka lala roorayaa dhinicii Tuureede
    
    15. Dhalankii Hawiye loo qabtaa lay dhexmarayaaye
    
    16. Sidii dhoocil awraan ka baqan dhaan in lay raro’e
    
    17. Baandadan dhabbada joogsatiyo qoriga dhawr qaad ah
    
    18. Inaan dhaxal wareegnaa kuwani meesha loo dhigaye
    
    19. Hadday dhiillo meel soo gashoo khabarka loo dhiibo
    
    20. Dhan kastaba haddii ay tihiyo dhulaan la gaadhaynin
    
    21. Baabuurro dheeraynayaa lagu dhaqaajaaye
    
    22. Oo dheehadoodii isweer lagu dhab siiyaaye
    
    23. Oo dhiidhi kii lagu tuhmana lagu dhirbaaxaaye
    
    24. Dhayal hayga moodina caddaan dhaarsanbaa yimiye
    
    25. Waa duni ninkii dhumuc lahaa dhaatay oo kacaye
    
    26. Af-warqeba cishaa lagu dhugtamay ciidankuu dhuraye
    
    27. Is dhootaalintii reer Walliyo dhirifki beenowye
    
    28. Wuxuu Xayle dhoofka ugu kacay dhuumashuu bidaye
    
    29. Ka dhaqaaqe daarii Shawiyo dheregii fiicnaaye
    
    30. waatay dhalaankiyo hureen ,ooryaha udhaxaye
    
    31. waatii galbeed loo dhuftayey, dhamal u yaaceene
    
    32. Dhirbaaxadii Talyaaniga ayey dhego barjoobeene
    
    33. Annagana dhulkii aan lahayn dhaafabuu yidhiye
    
    34. Habaryoonis oonbay u dhiman dhibica dayreede
    
    35. Geediga caleenweyn ku dhacay dhaafi kari waaye
    
    36. Kuwii harada dhalandhoobin jiray dhamacda jiilaalka
    
    37. Ayey gaaladii dhiifatooy siraw la dhaaftaaye
    
    38. Caynaashihii dhiirranaa dhacarti loo diidye
    
    39. Reer sugulle dhaantada digweyn kagama dheelmaane
    
    40. Dhalooshii farcaamood xeryaha uma dhameeyaane
    
    41. Dhiilaha karuurka ah martida looma soo dhigo’e
    
    42. Dhegcaddii madheedhkiyo la waa dhuubkii geedaha’e
    
    43. Reer daahir beel kama dhisaan dhinacii beereede
    
    44. Dhudhubo iyo buuhoodlayaal laga dhawaateeye
    
    45. Dhulbahantii fallaagada ahaa waa la dhaawacay
    
    46. Halkuu nugulku dhacadiiday iyo dhooddi laga qaadye
    
    47. Aduunyadan ninkii aan ka dhiman dhaygag baa diliye
    
    48. Kolka dhool da’aa Ciidagale kor u dhaguugaaye
    
    49. Iyadoo dhegows iyo burcada dhaayin lagu foofshay
    
    50. Ma dhambalo qolkii gaanihii dhogorta xiisnaaye
    
    51. Dhaameel tolkay wuxu ku furay dhabarkan Tuur weyne
    
    52. Imakay nirgihii dhaadhyi jiray badi u dhuubteene
    
    53. Hadba waxaan ka dheelimanayaa dhabarka raaxayse
    
    54. Dhegxumada ku noolow  waxaa dhaanta geerida’e
    
    55. Waagaan dhawaaqaayey een dhego la’ii yeelan
    
    56. Dharaartii hadday ila gartaan lama dhaqaajeene
    
    57. Maantooy dhanaanaataybay dhabanka haystaane
    
    58. Dhammaantiin soomaalaay hadday dholo’di joogtaaye
    
    59. in qiyaamihii dhawyahoon ,dhegiba noolaanin
    
    60. iyo gaalka inaan dhoofinoo,dhidibka loo saaro
    
    61. Labadaas mid uumbay u dhici dhaaxa lala yaabye
    
    Maxamed Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee waxa uu geeriyooday 1942.
    
    gabayadan waxa laga duubay abwaanka weyn ee MASMAS.
    
    Waxaana  soo bandhigay :
    Bahda Mareegta Farshaxan
       oo fadhigiisu yahay Yurub:
    
    Abdoul-Fatah Ibrahim Hassan
    School of Physics (Geophysics)
    University Science Malaysia
          11800 Penang
            Malaysia
    
    
    
    
    
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.