Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Ismaciil Sheekh Axmad "Cagaf" | 

  Hordhac

    Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Waa Mahad Allee    Dib U laabo




Ismaciil Sheekh Axmad "Cagaf"

    Heestani waxay ka mid tahay heesha tirada badan e uu
    abwaanku curiyay. Heestan wuxuu gaar ahaan ugu alifay
    gobanimadii ka saqiirtay Somaliland ee 26kii Juun1960kii.
    Heestan uu akhristuhuu macanaysan karo waxay faahfaahin
    ka bixinaysa natiijooyinka laga helo madax banaanida
    guud ahaan.
  Heestan midhaheeda waxa ugu deeqay Hoyga suugaanta:Maxamad Suudi

Waa mahad allee
maantaba dunida
ka mid beynu nahoo
mijaheen iyo
madaxeen bannaan

Waa mahad allee
magaceen ha jiro

Waa mahad allee
mugdigii ileeys
lagu meeriyoo
maantaba ileen
waan muuqannaa

Waa mahad allee
madaxeen bannaan

Waa mahad allee
magac yeellanoo
maamuus helnoo
mudane iyo marwaa
maantaba tihiin

Waa mahad allee
magaceen ha jiro

Waa mahad allee
rag la miidhay oon
miilaawi hayn
maantaba hadday
mayalka u hayaan

Waa mahad allee
madaxeen bannaan

Waa mahad allee
magalootigii
meesha daran ka yimid
maantaba hadday
miidaamiyeen

Waa mahad allee
magaceen ha jiro

Waa mahad allee
moodka iyo nool
maatada kuwii
ka maroorsan jiray
maantaba haday
ina magansadeen

Waa mahad allee
madaxeen bannaan

Waa mahad allee
malabkaa dhulkiyo
miidda noo fadhida
waa maalin dhow
taynu muudsannaa

Waa mahad allee
magaceen ha jiro

*Chorus/dhextaal

Waa mahad allee
magaceen ha jiro
waa mahad allee
madaxeen bannaan

Collected by. Msudi





 
             
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Hoyga Suugaanta

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.