Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Ismaaciil Maxamed-Cali | 

  Hordhac

Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan

    
    
        Taariikh Suugaaneedkii Abwaanka da'da yar ee Ismaaciil Maxamed-Cali
    
    
    Ismaaciil Maxamed-Cali waa wiil dhalinyaro oo u dhashay Somaliland,
    kuna dhashey degmada xagal, oo dhinacabari ka xigta magaalada
    Berbera .waxaanu dhashay taariikhdu markay ahay gu'gii 1980kii ,
    isaga  oo yar ayaa la keenay magaalada Berbera  oo uu reerkoogu
     hore u degenaa  aabihiina  alle ha u naxariistee dhexdeeda ku
     dhaqday geel halkaas ayaanu ku soo barbaaray.waxaa lagu daray
    malcaamada quraanka  la yidhaa  madarasatul falaax  halkaas  oo
    uu ku dhamaystay 30ka jis ee  qur'aanka kariimka ah.waxaa kaloo
     magaalada Berbera ku dhamaystay waxbarashada  dugsiga hoose
    ilaa  dugsiga dhexe.muddo ka dib wuxuu  bilaabay ganacsi sanadku
    markii uu ahaa 2002 waxaanu magaalada Burco ka furay dukaan mudo
    markii uu waday ayaanu joojiyey 2004 tii .
    Taariikhdu markii ay ahayd  2006 /2/2 ayuu ka soo baxay  dalkii
    hooyo waxaanu imid wadankan giriiga oo ilaa hada uu ku suganahay.
    Ismaaciil waa dhalinyarada aad u soo jeeda kana war haysa waayahay
    dadka iyo dalka , sidaa darteed ayaa hibo Ilaahay siiyey oo hido
    raac ah uu  ku cabiray dareenkiisa  xaaladaha dalka,sibir dhaqaaqa
    dhalinyaradii dalkeena ..iwm.
    Waxaa u suurto gashay inuu halacsado mareegtan farshaxan oo uu
    wax badan la wadaago waxaanu  yidhi isagoo la  ka hadlaya
    mareegtan u suntan ummadan  u heegan taariikhdeeda iyo suugaanteeda:
    
    Waa mareeg farshaxanoo
    Waa madal iftiinoo
    Maamuus u gaaroo
    Taariikhda mudan iyo
    Mahadhada abwaankiyo
    Murtida iyo gabayada
    Maansadiyo heesaha
    Macnahoodu culusyahay
    Midhahooda lagu qoro.
    
    Ismaaciil  wuxuu hido raacey reerka uu ka dhashay oo tiriya  maansooyinka,
    maansadiisii ugu horeeysayna wuxuu curiyey gu'gii 2001 ,wuxuuse sargooyey
    badhna ku darey  gu'gii bishii 1aad ee 2008.
    waxaaney aheyd Sidan iyadoo dhameystirana waynu soo gudbinaynaa :
    
     
Soomaliyeey Toos   Dib U laabo
    
    
    waatana  heesti:-
    
    
    Soomaaliyeey hooy
    
    Sifo guud dalkaagiyo
    
    Dhulka aad ku sugantahay
    
    Siigiyo dabayl iyo
    
    Sukhun iyo kulayl maleh
    
    saxariyo banaan iyo
    
    surmi iyo haraad maleh
    
    Silic iyo dhibaatiyo
    
    Safan iyo qabow maleh
    
    
    
    Soomaaliyeey hooy
    
    Sumcad waxad ku leedahay
    
    Sabadaada hooyee
    
    Calankaagu sudhanyahay
    
    Ma ogtahay sidaadaba
    
    Arladaad ku sugantahay
    
    Inuu soofka xoolaha
    
    Saatir uu ku badiyoo
    
    Sagxadiyo guntoodana
    
    Saliid iyo badrool iyo
    
    Khayraad ku suganyahay
    
    
    
    Soomaaliyeey hooy
    
    Xidigaha siraatiyo
    
    samadaa dusheenaba
    
    Ninka socod ku haybsaday
    
    Ninka qamar sanaaciga
    
    Saadaal kor ugu baxay
    
    Satalayd hawada dhigay
    
    Waa sagaal biloodoo
    
    Sidka waa wadaagtaan
    
    
    
    Soomaaliyeey hooy
    
    Waxa aad la socotaa
    
    Sakhiraada eebiyo
    
    Isa saacidaadiyo
    
    Samirkiyo dedaalkaa
    
    Samo iyo wanaag iyo
    
    Sumcad lagu haleelaa
    
    Sabadiyo dhulkaagii
    
    Adigaa ka seexdaye
    
    Soomaaliyeey toos.
    
    
    
    
    
     

Dalmar    Dib U laabo

    
    
    waxaan idiin soo gudbinayaah maan so magaceeda la yidhaah  DALMAR.
    maan sadan waxaan tiriyay bishii 7 ee 2007 ,  sababta aan u tiriyay waxa
    weeye nin aan saaxiib nahay ayaa tagay wadankamida yurubta isaga oo
    rafaad badan u siimaray kharash badanina kaga baxay waxaa uu iiga soo
    warmay inuu kala kulmay dhibaatooyin wadankii uu tagay, dhibaatooyinkaas
    oo ay ka mid yihiin.
    Midabtakoor ,islaam nacayb, xoriyad la aan iyo dhaqan xumo kale
    dabeeto waxa uu ogaaday inuu qofku haybada iyo sharafta uu ku leeyahay
    wadankiisa hooyo
    markaa waxaan ka tiriyay maansadan anigoo ku halqabsanaaya nin aanu
    saaxiibnahay oo la yidhaah c/risaaq dhaydiid (gadhay)
    
    waana tan maan sadii dalmar:-
    
    Bismilaahi deelley
    Hore waan u daaye
    Inan maanta dabagalo
    Dani baajin waydaye
    Gadhayow da lagu yidhi
    Kani waa dabiiboo
    Waa daawo culusoo
    Nin digtoori uu qoray
    Waa gabay da waynoo
    Dusha sare ka yimiyoo
    Beryo dabaqa saaraa
    Waa dalawa geeloo
    Darartoo magowdoo
    Laga buuxsho doobiga
    Waa degelka howdoo
    Dirikii ku hooroo
    Maansheeyay daadkii
    Waa dood macaanoo
    Qof dabaala mooyee
    Ninka ragi ku diirsado
    
    Afartaa digtaydii
    Danab dhacay sidiisii
    Murti lagama daalee
    Aaraar makuu daray
    
    Heestayda diirkiyo
    Daaha aan ka qaadee
    Nimay hooyo dihataba
    Inkastuu nin dooryahay
    Marmarbay ka durugtaa
    Taladuba ka duushaa
    Saaxiib dadnima iyo
    Dabci iyo wanaag iyo
    Deeq iyo waxgarashiyo
    Darajiyo aqoon iyo
    Lagu hubo dulqaadoo
    Daacadnimo u dheertaa
    Waa hore ilduufoo
    Diga rogashadiisii
    Dalshisheeya ugu kacay
    Wuxu yidhi dul badaniii
    Nin dalmaray allahayow
    Dareen lagama waayee
    Waxan duulimaadkii
    Daruuraha hilaaciyo
    Hogolaha darooraba
    Dusha sare kalalijiray
    Inan daafta cararoo
    Aan hoos u soo dego
    Kolay diidimaayoo
    Dani seeto weeyee
    Waxan buurkasoo degay
    Waxan dabin ka soo baxay
    Waxan diif kasoo maray
    Dalanbaabi socodkii
    Daalaa dhacaygii
    Dayrkaan nafmoodee
    Dirirada ka soo galay
    Waa daar qabya ahoo
    Daadbaa ka soo jabay
    Waxuu yidhi dalkaygii
    Degmedaan kunoolaa
    Duunyadii an dhiqi jiray
    Doobigii an sidan jiray
    Dihin weel lagali jiray
    Danbarkaan kalisi jiray
    Daawad caanaheedii
    Intan dayacay maandhow
    Meeshaan dalmoodee
    Dugsashadaka soo biday
    Way daloola badatoo
    Dabaylaa ka soo galay
    
    Afataa dareen guud
    Gabayada digniinta ah
    Taariikhda duuga ah
    Diiwaan halagu qoro
    
    Wuxu yidhi durduradii
    Dalshisheeyo orodkii
    Waa duni la yaaboo
    Waagii dilaacaba
    Darsibaad ku aragtaa
    Ma ogide degmadayada
    Midabkaa la doortaa
    Diirkagaya madowga ah
    Dadku way la ayaabaan
    Daymadaa la necebyahay
    Waxuu yidhi durduradii
    Dalshisheeya orodkii
    Waxaan dacal ka soo galay
    Nin iblaysku duufsaday
    Nin dereewal loo yahay
    Nin dijaalka shaydaan
    Marba gees isaga duwo
    Nin darooga iibsada
    Nin dayaysan waligii
    Nin dumaaya abidkii
    Nin dareenka laga muday
    Wuxu yidhi durduradii
    Dalshisheeye orodkii
    Goobtaan daraadeed
    Duruufaha u soo maray
    Culimaa udiinkiyo
    Dacwadiyo kitaabkiyo
    Xaqa waa ladiidaa
    Duudsigiyo kibirkiyo
    Dulmigaa la badiyaa
    Danbigaa la jecelyahay
    Wuxu yidhi durduradii
    Dalshisheeya orodkii
    Meeshaan daraadeed
    Ilaa daayin abidkay
    Dalandoolka u ahaa
    Dumarbaa kataliyoo
    Amarkoodu duulaa
    Raga waa la diidaa
    Duqa iyo waxgaradkiyo
    Diraciyo fariidkiyo
    Ninka dooda badanee
    Magaciisu dooryahay
    Irbadbaa la durayaa
    Maskaxdaa ladoorshaa.
    
    Axmedow daliilkiyo
    Dawgaan u jeexiyo
    Dulmarkayga maansada
    Doqonbaan fahmaynine
    Nin da wayni uu garan
    Dulucdiyo ujeedada
    Waxan uga danleeyahay
    Doodaydu hadalkuna
    Waa iga dardaarane
    Waxa aan u digayaa
    Ninka iga danbeeyee
    Dib u joog xariirow.
    
    Durkinmaayo gabaygee
    Aan soo dabaaloo
    Duco aan ku gooyee
    Daa'imow allahayow
    Dirirkoo hilaacoo
    Dunidaba ku hooroo
    Doogiyo ugbaadkuna
    Dacalka islagaadhoo
    Duunyadu ku fooftoo
    Nimco lagu dabaashoo
    Farxad iyo damaashaad
    Dadku ayku noolyiin
    Dalka nooga wadayeel
    Daa'imow allahayow
    Dugsanmaayo reer hebel
    Durkin maayo qolokale
    Dugsi maleh qabyaaladi
    Qabiil doonimaayee
    Dadka uur fayowoo
    Daacadnimo ku dheertahay
    Dalka nooga wada yeel
    Waxaan kuugu darayaa
    Duni laguma waaroo
    Dib unoqosho weeyee
    Qofkastoo danbaabow
    Imikaba isdaba qabo
    Maalintay u darantahay
    Jahanabi dab shidantahay
    Janaduna diyaartahay
    Dadku laba bahaood yahay
    Qofna aanu duunyiyo
    Dahabtoona dhigi karin
    Qofna aanu dood iyo
    Dacwad toona furi karin
    Qofna aanu dayr iyo
    Dalow toona gali karin
    Qofna aan dadkiisiyo
    Tolku aanu daba socon
    Qofna aanu derajiyo
    Dabaqsare u bixi karin
    Ma qofbay ka dedantahay
    
    Daa'imow allahayow
    Dariiqii rasuulkiyo (scw)
    Kuwa nabiga daba gala
    Naxariis dushiisiyo
    Nabadgalyada lagu deday
    Kuwa midigta daalacan
    Laga siiyo deeqdee
    Daaraha naciimana
    Xuural cayn ku daawada
    Durdurada fardowsana
    Weel malabka loo daro
    Ku danbeeya naga yeel
    
    Daa'imow allahayow
    Debada iyo gudahaba
    Dusha sariyo hoostaba
    Dacalada hor iyo gees
    Dambe iyo horaysaba
    Deeqdaada nagu dhowr.
    
                 dhamaad
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
Calankii Dalkeygoow   Dib U laabo

    
    waxaan hambalyo iyo salaal sharaf badan u dirayaa bahda mareegta
    farshaxan aniga oo uga mahad celinaya sida wanaagsan ee ay ugu
    dadaalaan uruurinta iyo soo bandhigida suugaanta.
    hadaba waxaan idiin soo gudbinayaa maanso uu magaceedu yahay
    CALANKII DALKAYGOW CAADILOW KUNABAD YEEL  waxaanan utiriyey
     calanka dalka somaliland maansada waxaan tiriyey bishii
    tobnaad 2007.
    waanatan maansadii CALAL.
    
    
    calankayga nuurow
    waagii cadaayee
    aan caad lahaynow
    cimri dherer ku taagnow
    kii caanka ku ahaa
    kalmad aad uculusee
    tawxiidka cidhif sare
    calaamad looga yeelow
    calankii dalkaygow
    caadilow ku nabad yeel.
    
    cidhifyada aduunyada
    waagii cadaadaba
    bilicdiisa caanka ah
    kii lala cajabayow
    midab caynba caynoo
    dhexdu ay cadaantahay
    kii xidigta caanka ah
    calaamad looga yeelow
    calankii dalkaygow
    caadilow ku nabad yeel.
    
    dhulka oo cagaaroo
    midho canba cayniyo
    canab wada bislaadiyo
    cosob iyo barwaaqo leh
    geeduhu caleemaha
    cidhifka isla gaadheen
    kii midab cagaarana
    calaamad looga yeelow
    calankii dalkaygow
    caadilow ku nabad yeel.
    
    caruur iyo ciroolaba
    ciideena hooyiyo
    cidhifyada dalkeeniyo
    carigeena oo nabad
    lagu wada caweeyoo
    digriyayso culimadu
    kii midab cadaanana
    calaamad looga yeelow
    calankii dalkaygow
    caadilow ku nabad yeel.
    
    haddii ay colaaduha
    carrigeena daaraan
    kii caanka ku ahaa
    cudud aan jabayn iyo
    geesiga cadaawaha
    iska caabiyaayow
    kii midab casaanana
    calaamad looga yeelow
    calankii dalkaygow
    caadilow ku nabad yeel.
    
    
    
Hanti Weeye Maandeeq   Dib U laabo
    
    
    anigoo ah ismaaciil maxamed-cali  kana mid ah bulshada reer somalilanad
    ee ku nool wadanka giriiga magaalada athens waxaan halkan hambalyo iyo
    salaan sharafbadan ugu soo gudbinayaa  bahda farshaxan sida wanaagsan ee
    ay u xushmeeyaan una soo bandhigaan  suugaanta
    
    Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaah  maanso la magac baxday HANTI
    WEEYE MAANDEEQ.
    
    Maansadan oo aan tiriyay bishan afraad ee sanadka 2008ka , kulana
    hadlayo  xukuumada iyo mucaaradka labadaba  uguna waramaya
    dhibaatooyinkii  wadanka loo soo maray, uguna sheegaya in uu maanta
    wadanku u baahanyahay horumar iyo hogaan dalkiisa dadkiisa iyo
    diintiisaba u dacaada.
    
    maansadan oo an kuna taageerayo maqaalkii shalay  uu soo qoray
    muwaadinka somalilander ka ah  ee magaciisa la yidhaah ciise awmuuse
    adan.
    ee ku qornaa hadhwanaagnews.com
    
    aad iyo aadna waan ugu hanbalyaynayaah  fikirkiisa wanaagsan ee uu soo
    bandhigay waanuu ku mahadsanyahay
    
    
    
    
    
    waatan maansadii HANTI WEEYE MAANDEEQ:-
    
    
    
    Hal abuurka gabaygiyo
    
    Hawraarta maansadu
    
    Hibo eebe keeniyo
    
    Hida dhaxala weeyee
    
    Cabdiyow hasheenii
    
    Waagii halowdee
    
    Muddo badan lahaybshee
    
    Cadow lagu hujuumee
    
    Lagu hoogay diriree
    
    Lagu waayay hanaddee
    
    Lagu dilay halyayee
    
    Hoga lagu daboolee
    
    Nafta loogu hurayee
    
    Hanti loogu bixiyee
    
    Hingaf loogu qaadee
    
    Dhiig lagu hagoogtee
    
    Gudin iyo hangool iyo
    
    Hootadiyo warankiyo
    
    Hubka lagu dhacsiiyee
    
    Gaajiyo haraad iyo
    
    Hanfi iyo kaliil iyo
    
    Holac iyo kulayl iyo
    
    Loo maray habaasee
    
    Horor iyo shabeel iyo
    
    Aar hamaansanaayiyo
    
    Halaq iyo abeesiyo
    
    Inta bahal hadaafiyo
    
    Loo jiidhay hawdkee
    
    Lagu helay dhibaatada
    
    Wixii hawl igaadhiyo
    
    Waxa haara kugu yaal
    
    Anoon haakah odhan iyo
    
    Adoon diifi kaa hadhin
    
    Markii aan hargeysiyo
    
    Xaruntii ku hooyee
    
    Xeradii ku hubiyee
    
    Kahadhgalay cadceedee
    
    Ku hakaday ardaagee
    
    Uhogeeyay gaawaha
    
    Ninba meel ka how yidhi
    
    Ninba meel ka hanqaltaag
    
    
    
    Murti iyo halhays iyo
    
    Maah maah nin hore yidhi
    
    Hadduu geelu baratamo
    
    Duqda iyo horwayntuna
    
    Ka hor orodo qaalmaha
    
    Aarankuna ma hadhayaa
    
    Hadalkaasi waa maya
    
    
    
    Anoon hebel ujeedada
    
    Hebel kale u jiidayn
    
    Hadafkiyo ujeedada
    
    Hees aan ku sheegee
    
    Ninka jecel hogaankow
    
    Ninka raba hashaydow
    
    Ka kalee ku haystow
    
    HANTI WEEYE MAANTEEQ
    
    Haween iyo caruur iyo
    
    Danyarbaa u heegana
    
    Waxa maanta hagi kara
    
    Waxa maanta hayn kara
    
    Waxa magac kuheli kara
    
    Waxa sharaf ku hanan kara
    
    Haaneedka qaban kara
    
    Hadhuub xoorle shubi kara
    
    Taariikh la hadhi kara
    
    Ninka daacad lagu hubo
    
    
    Allaa mahadleh
    
    
    
    
Dhawaaq   Dib U laabo

    
    
    dha da gabay hadraawow
    
    suugaanta dhumucda leh
    
    ninka kula dhamin jirey
    
    ina dhamac haduu yahay
    
    aniguna dhanbaan degay
    
    
    dhul gariir   tixdaadii
    
    dhawaaqbaa kadaba timi
    
    labadaba dhamaysow
    
    nin dhagaystay fara badan
    
    ninse dhuuxay mooyaan
    
    nin dhukanina uu jiray
    
    nin dhagoole heesaha
    
    maansooyin dhaadheer
    
    murtidiisa ugu dhigay
    
    inkastuu ukala dhilay
    
    erey qudhi umuu dhicin
    
    isaguna wax uma dhigin
    
    
    adiguna dhawaaqiyo
    
    midhahaaga dheefta leh
    
    hadii aad ku dhici tidhi
    
    nin la dhacay xaqiisii
    
    hadal waad dhamaysoo
    
    waxa waliba kuu dheer
    
    dhinicii abwaannimo
    
    codka waad ka dhiibtoo
    
    samana waad ka dhigataye
    
    haku dhawro eebe  e
    
    allaylehe wax maad dhimin
    
    
    afartaa dha leyda ah
    
    marhadaan dhanbaal culus
    
    ugu dhigay farwaaweyn
    
    bal aan hoos u dhaadhaco
    
    
    xaajadu  dhabweeyee
    
    umadaa la dhibay iyo
    
    dulmigaa dharaarsaday
    
    marku dhiil ka buuxsamay
    
    aniguna   dhankaygii
    
    dhega dhega hadaan idhi
    
    dhacdo weeyo yaabloo
    
    waa dhabana haysoo
    
    waa dhiilo culusoo
    
    waa dhiig lasahashaday
    
    waa umad la dhaawacay
    
    waa umad wax loo dhimay
    
    waa umad dib loo dhigay
    
    waa umad la dhayalsaday
    
    waa umad qof aan dhicin
    
    waa umad cid aan dhibin
    
    
    umad weeye dhaladoo
    
    dhaqankoodu wacanyahay
    
    dadnimana  u  dheertahay
    
    marka dhabidhabteedtahay
    
    dhagidhagi ciyaartiyo
    
    dheeldheelka laga tago
    
    dhuunigeeda xaaraan
    
    wali dhoosha may galin
    
    
    waa umad dharaaraha
    
    jiilaalku dheeryahay
    
    marka xaajo dhabaqdee
    
    dhiidhiga  la  jiifsado
    
    dhadigiyo labkooduba
    
    meel kugula dhiman kara
    
    
    maalmihii dhanaanaa
    
    dhulka iyo dagaalkii
    
    hala dhiciyadeenii
    
    ninba dhoonbirkiisii
    
    dhamacdiyo rasaastii
    
    dhiniciisa kaga riday
    
    markii laysu jilib dhigay
    
    waa kuwii nafta udhigay
    
    
    waa umad la dhibayoo
    
    laga toogtay dhabarkoo
    
    dhimashana qarka uyaal
    
    noloshuna udhawdahay
    
    sakaraad udheeryahay
    
    samirkuna ku dheeryahay
    
    rabbina wuu u dhawyahay
    
    
    ha is dhigan nin noolow
    
    dhib waxaad samaysiyo
    
    waxad dheef la timibaa
    
    ilaa dhiilka aakhiro
    
    meel laguu dhigaayoo
    
    dhaxalkeedu kuu yaal
    
    
    
Wabiin   Dib U laabo

    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.