Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Ilyaas Maxamed Sh. Faarax | 

  Hordhac

Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan

    
    
       Gayingeenna guud ahaan waxaa ka jiray, gumayn iyo gaf lagu hayo dadkii
       Hargeysa daganaa, Waxaa la watay diyaaraddo aan loogu meel dayeen oo
       dadka lagu xasuuqayey, Wakhtigu saas uma uu dheerayn, waa 2O Gu' ka hor
       sannadkii 1989, Isla gu’gaas waxay dhalashadiisu ku beegnayd, Abwaan
       da’yar oo lagu magacaabo Ilyaas Maxamed Sh. Faarax, oo ku dhashay isla
       Hargeysa, waxaanu ku bar-baaray isla magaalada Hargeysa, Ilyaas sida aan
       ka warqabno waxa uu waxbarashadiisa Qur'aanka kariimka ka bilaabay
       isla magaalada Hargeysa, isagoo fasalkiisii koowadna ka bilaabay iskuul
       lagu magacaabo Sunshine oo ku yaalla Galbeedka magaalada Hargeysa,
       oo ilaa hadda maraayo Dugsiga sare, Ilyaas waxa uu isku dayaa inuu
       sameeyo Gabayada, isaga oo markasta Jecel inuu Maansoodo, Hamigiisa
       uga waynina waa sidii uu u noqon lahaa, Allifaa leh Maansooyin badan ,
       taas oo uu ku talo jira in isaga gayiga somaliyeed oo dhan laga aqoonsado,.
    
    
    
     
Xumaanta qaadka   Dib U laabo
    
    
    Xumaanta qaadka
    
    
    
    Duco waalid oo dhan
    
    Dhibtu kaga baydhaa
    
    Dhakhso lagu tarmaa
    
    Dhasha lala jeclaada
    
    Hayeeshe dhismaha guud
    
    Dhayal kuma barbaraan
    
    Sanqaadku waa dhaxal
    
    Dhib uma arkaan
    
    
    
    Aduun waa dharartaa
    
    Waxaad kaga dhacdiida
    
    Dhimashada ka hor
    
    Kii dheef maaliyo
    
    Ka la dhuubtay gaajada
    
    Dhuunigay hirdamayan
    
    
    
    Dhambaal kaan ku sido
    
    Inkastood dhalaan tahay
    
    Dhalandhoolka waayaha
    
    Qofba waa dhankiisa
    
    
    
    Dhibtu qaadku leeyahay
    
    Bulsho dhalanrogeediyo
    
    Dhaqankiyo iyo islaamkiyo
    
    Burburkii dhaqaalaha
    
    Dhiilo cafimaadiyo
    
    Inuu qaad xumaan dhalo
    
    Qoyska kuu dhisan buu
    
    Dhakhso kaga dumiyaa
    
    Dhimirkaad ku beesha
    
    Jidhkaagu dhilaayo
    
    Waa dhaawac ku yaala
    
    
    
    
    
    Ha ku dhiiran qaadkoo
    
    Ha dhadhaminin bulshooy
    
    Waligeen ka dheerada
    
     

Sunshine    Dib U laabo

    
    
    Maansada Sun shine
    
    
    
    qofba wuxu samaysta
    
    ama saaka jooga
    
    dhigta kala socdaa
    
    cadceed soo baxdoo
    
    loo wada sacibiyoo
    
    sun shine weeyi
    
    
    
    sumadiisu waxay tahay
    
    arday soo kalahdoo
    
    safka ku xaadiroo
    
    saddex macalina
    
    sullub a horreeye
    
    sareeye uga sheekayo
    
    suuganta u yara taabto
    
    casharada loo saaro
    
    xiisadaha soo qaato
    
    fassaxaad soo rawaxoo
    
    basisi sii dhuftaano
    
    si diran loo dhigo
    
    sun shine  weeyi
    
    
    
    sumadiisu waxay tahay
    
    snackbar qurux badanoo
    
    laga wada suneeyo
    
    dadka saaka jooga
    
    si fudud u galaano
    
    saanbuusaha iyo buskudka
    
    saanweejka iyo shaanida
    
    laga soo qaato
    
    sun shine  weeyi
    
    
    
    sifiihsu wuxu yahay
    
    subaxdaan u soo kacaba
    
    arday soo qulqulaysoo
    
    ku socda maamulahoo
    
    iskuulada soo maroo
    
    ku danbeeya kanoo
    
    sun shine  weeye
    
    
    
    
    
    arday soo galaysaa
    
    salaan laga qaadaa
    
    soo dhawow lagu yidhaa
    
    sooryo loo fidayaa
    
    arday sii tagaysaa
    
    sacabka la maqashiiya
    
    haflad baa loo sameeya
    
    waa loo sare istaaga
    
    markay soo galayaana
    
    ubax baa la saara
    
    sawir iyo xusuus baa
    
    laga sii reebtaa
    
    habeenkaa sidaasa
    
    waa arday socotee
    
    ducaa lagu sogootiyaa
    
    sacad iyo sameeraay
    
    iskuulkeenu waa  sidaas
    
    
    
    yaa suudh iyo shaadh
    
    macalimiinta u sudha
    
    yaa caydaruus  iyo saxiibkee
    
    sucuudiga yar geeya’
    
    yaa macalinka soomaliga
    
    suugaanta ka yara  barta
    
    yaa sullub iyo mamulaha
    
    midba sawir la gala
    
    allow yaa magaca iskuulka
    
    sacabka nagu qora
    
    
    
    waligaa socod iyo
    
    Subject: dayn maysid
    
    Duni seerkaleey
    
    Qalin waa sareeya
    
    Laysu dhaafay tacliin
    
    Seero iyo qabiilkeed
    
    Laga tagay sanad hore
    
    
    
    Marka hore schoolkii
    
    Loo yaqaanay sun shine
    
    Marka xiga siduu yahay
    
    Waxa aadmi siri kara
    
    Nin saaka aqoonle
    
    Aqoonyahanada sarsariyo
    
    Salaandiinta iyo uqaasha
    
    Inay saf  ku galaano
    
    Soomaali oo dhan
    
    Inay ku soo tilmaamaan
    
    Ayaan rabi ka sugayaa
    
    Sidaa iyo sidaa weeyi
    
    School wanaagsan weeyi
    
    Sun shine weeyi
    
    Ifka ayaamo sii joog
    
    Sii dhisnow sii nagaad
    
    Sii fid sii durug
    
    Allow sii wanaaji
    
       Aamin Aamin
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
Aaway Dhalinyartii   Dib U laabo

    
    Aaway dhalinyartii soomaliyeed
    
    
    
    Baryahanba da’da maanso
    
    Waayahan ma daadshin
    
    Imikaan dulucdiisiyo
    
    Daaha ka furayaa
    
      Haddan maago dabib
    
    Sida loo duduubo
    
    Dacal dacal loo saaro
    
    Daruus baan ku qaatay
    
    
    
    Dhalinyar is doortaaa
    
    Intay duhur fariistaan
    
    Intay diger iibsadaan
    
    Ayey saacado doodaan
    
    Maalintaa happy iyo daal
    
    Baa lagu kale dawgalaa
    
    Bogta daashay dhalinyarta
    
    Waa daalib baa dhoofay
    
    Cabdi baa dhalasho dubay
    
    Shalay loo soo diray
    
    Dabadeedna maalintaa
    
    Farxad iyo damashaad
    
    Baa dul hadheeya
    
    Daahirow saxiiba
    
    Dubay baan u socdaa
    
    Ka dib inayn dhaafo
    
    Ayaan ku tali jiraa
    
    Saxiib daahirow
    
    Soo ducee salaam
    
    
    
    
    
    Taaba waxa ka daran
    
    Danyar walaashi ku yidhi
    
    Ininyahay la doorta
    
    Deeqa loogu yidhee
    
    Dibadaha joogtaa
    
    Doorkii haweenka
    
    Iyo dulucdii hadalka
    
    Miyaad dabnaha xidhatay
    
    Daruustii aan dhigtayiyo
    
    Daacadnimadaydiyo
    
    Waxbarashadii aan daabacay
    
    Dulqaadkii aan yeeshay
    
    Wali dollar kuma hayo
    
    Deeqadii iga yaradeey
    inaad maanta duciyo
    
    Habaar kala doortaa
    
    Yaa dhaqankii dadka
    
    Dib ugu yara noqda
    
    
    
    Taaba waxa ka daran
    
    Islaan ku tidhi dibjirkii
    
    Yaa gelbiskayga deeqa
    
    Yaa meeluun ila daga
    
    Abidkiis daranyiyo
    
    Inuu dad tuugsado
    
    Ka dabin saarayo
    
    Dibjirba hadlaayo
    
    Yidhi daa’imkii ku uumaa
    
    Qurux kugu daleeyo
    
    Ku dayn kari maaye
    
    Dariska ma usheega
    
    Fahantay dulucdii
    
    Tidhi dee hee
    
    Adigoon is damqin
    
    Amaantayda ku daalin
    
    Danta ma ka hadalnaa
    
    Ku jawaabay dibjirkii
    
    Haye dabuubta dheh
    
    Guri waa dagane
    
    Anaa sariir iyo daaqad
    
    Daah iyo fadhigiisi
    
    Soo dhigayee daa
    
    Ku filaanee daa
    
    
    
    
    
    Taaba waxa ka daran
    
    Dhalinyartana ku dadatay
    
    Badda iyo dukaalkee
    
    Dawakhday ee waalatay
    
    Ku hamiyey inay daataan
    
    Badda inay  ku dabashaan
    
     Darisaan xayawaanka
    
    Dadkana badankiisuna
    
    Ku dul suuxan badda
    
    Dabadeedna maydkii
    
    Lagu tuuro dariiqa
    
    Waa su’aal dareenle
    
    Dawgee la xadhaa
    
    
    
    
    
    Lama dagaanow heedhi
    
    In dalxiisku been yahay
    
    Dhibaato iyo diif yahay
    
    Dhimasho daran yahay
    
    Dadka yaa u sheega
    
    
    
    
    
    Dunida dhamaanteeda
    
    Dadka loo dhoofayaa
    
    Horta wax ma dumalaan
    
    
    
    
    
    Qof aanayd ku daalin
    
    Daryeelkiisa  u haynin
    
    Cilmigiisa u daliila
    
    
    
    
    
    Dadku inay yidhaahdaan
    
    Dalka waxba ma yaalaan
    
    Dil iyo dhacbaa yaala
    
    Dibjir iyo tuug baa yaala
    
    Dagaal xun baa yaala
    
    Dhibaato daran baa taala
    
    Waxaaso daadsan baa yaala
    
    
    
    Dadqal khataraa joogata
    
    Dadbay raadinaysaa
    
    Hawdkay diraacanaysaa
    
    Cunto diiran bay rabtaa
    
    Inay ku dubatey rabtaa
    
    Inay ku dakhartay rabtaa
    
    Furash iyo daah bay rabtaa
    
    Inay kula duushay rabtaa
    
    Dabayl inay ku saartay rabtaa
    
    God inay kuu dirtay rabtaa
    
    Inay ku dishay rabtaa
    
    Dollar iyo shilinbay
    
    Maanta kaa doonaysa
    
    
    
    
    
    Waa duni waalatee
    
    In dastuurka lagu daro
    
    In askariga loo diro
    
    In qofka la dabiibo
    
    Dantaa tidhi sidaa
    
    
Soo SOcda   Dib U laabo
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
Soo SOcda   Dib U laabo

    
    
    
    Soo Socda
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.