Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Ismaciil Mire | 

  Hordhac

    Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Alla Tuug    Dib U laabo


1974 Cabdullaahi Dhoodaan markii uu eegay xaalka Soomaalidu sida
uu yahay: dhulkii Soomaaliyeed oo qaar gumayste gacantii wali
ku dambeeya, dadkii la rabay inay raacdeeyaan oon usoo jeedin,
dhalinyaradii oo si xun u wada ilbaxday oo sigaar, turub, iyo
qaad la ruugo door biday, dumarkii oo asturaadii iyo xishoodkii
ka xuubsiibtay, sakadii oo la bixin diiday, culumadii oo la
istikhfaafsaday, ayuu wuxuu dacwadiisa u bandhigay Ilaahay
oos waydiistay inuu ummadda soo hadeeyo, kheyrka iyo wanaagana
kusoo dabaalo.
Wuxuu yidhi:

Boqoroow Allahayoow adaa, baaqiyoo jira e
Bari iyo adigaanay Galbeed, kula balaadhnayne
Sawaariikhda adigaan ka baqin, oo iska soo baxa e
Adaanay bir orod dheer ku helin, amase baabuure
Baylood  cirkaa mari adaan, buur ka hoos galine
Adigaa wixii aad burburin, berina joogayne
Baryadayda ii yeel adaan, kuu bandhigayaaye

Barashada cilmiga diinta yaan, baafiyaa waliye
Masaladii la baadhoo dhan baan, baal ka taagnahaye
In aad diinta ii badisid baan, kaa baryahayaaye

Nin waliba bilaadiisa wuu, barako maalaaye
Baradaydii gaal baa fadhiya, buuran tabartaye
Mana badheedhi karoo ninkaa, baaqsadaan ahaye
Inaad iga bixisaan rabaa, oon kaa baryahayaaye

Boqollaal rag oo wada fadhiya, badhaha suugyaasha
Oo turubka baandhayn hayoo, adigu ii baaq leh
Oon baabka waysiyo salaad, boqonta maydhaynin
Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye
Umad baylahda u diid yaan, kaa baryahayaaye??

Bangi lacag ah geel badan rag loo, adhigu uu buuxo
Oo aanay baahiyi haynoo lo'dii, bowdka miranayso
Oon bakhaylnimo sakada, barina dhiibaynin
Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye
Ummad bixisa oon diidin baan, kaa baryahayaaye

Xeroow aan bilowgii cilmiga, baran kitaabkiisa
Oo imaamyadii wada billaa, balah u sheegeeya
Isaguna inuu baastar yahay, baabka lagu sheegye
Barqankaa inaad bi'isid baan, kaa baryahayaaye

Barbaar aan cibaada Alliyo, Boqor adeecaynin
Oo baarka siinaay kalkii, bal u budlinaaya??
Oo buuri nuugoo ilkaha, dabarku uu buuxshay
Inay bohosha naar galahayaan, baabka lagu sheegye
Dhallin aan ibliis bi'inin baan, kaa baryahayaaye

Bogga kale haweenkiyo haddaan, baal kale u leexdo
Iyadoon Billaaahi iyo Islaanimo, ku buuraanin
Asturkii kolkii laga baxay bay, sii burburiyeene
Waxay baratamaayaan kob aad, uga ba'aysaaye
Boggaa qaawan bowdada cad iyo, naaska badhidiisa
Barta xaluska kaga taala iyo, bari dabkii gaadhay
Adoon baadhin baad heli kartaa, booska uu yahaye
Hablo badanka soo wada qarshaan, kaa baryahayaaye

Beeshii haddii aan wada marayoon, baal walba u eegay
Biyo lagu rogyaa iyo Jibriil, baalka mariyaaba
In halaag kusoo beegan yahay, baabka lagu sheegye
Bulsho kheyrka wada raadisaan, kaa baryahayaaye
Amiin

				

Aaweeti   Dib U laabo




Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane
Waxaad adigu caabiyi kartaa, ciidhoo noo taraye
Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e

Adigaan cirriyo geeri iyo, cudur ka yaabayne
Adigaan cadrana guursan oon, ciyaal dhaline
Adigaa waxaad camal rabtaa, kugu cuslaanayne
Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e

Adaan cudud laguu sheeganayn, amaan cabsoonayne
Adaan ciidan loo qayshadiyo, caawimaad rabine
Col wax yeelo gaystiyo adaan, cadaw ka yaabayne
Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e

Cunto kaa dhamaatiyo adaan, caydh ka baqanayne
Calal xidhasho uma baahnid iyo, cuud la foofsado e
Ku cayiliyo adigaan ahayn, shay mar caato ahe
Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e

Adaan canug lasoo dhalay ahayn, ama ciyaal reere
Adaan barina meel kula cawayn, cuur filkaaga ah
Cashiiriyo qaraabiyo adaan, ciirsi deydeyine
Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e

Aan cabbaar tilmaamaha cuddoon, sii carcooriyo e
Caddaan fiila cawl iyo guduud, amaa cillaan miida
Casaan boosa maarriin canbara, ama cawiif booda
Madoow culaya sugul caynaba, oo ciiriyo bay leh
Xareed calasa ciid iyo asal, ama cagaar dooga
Caarcaar shabeel ama sidii, calawyo giirgiiran
Cir guduud qaboonoo kaliyo, cawo iyo maalin
Cadar ama cadceedoo kaliyo, sidii roobab curanaaya
Caadkiyo daruuraha dhulkiyo, ciirigii badaha
Codcod subaga caaniyo baruur, cuddo iyo jiidhba
Laan caaradeed shay ka baxa, ama curdaan yeesha
Wax la cuno ama aan calashaniyo, waxaan cabbaynoo dhan
Wax codkiisu yeedhiyo waxaan, ciyi aqoonaynin
Calaamiyo wixii midab ah ee, caalamka u muuqda
Cabbirkaaga shay lihi ma jiro, ood la caantahaye
Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e

Adigaa cilmiga soo dajiyo, diin ciraab badane
Cabdigaagii adigaa ka dhigay, nabi carfoonaaye
Cadadii qur’aankiyo adigaa, curiyey Liilaafe
Ilaahayow casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
Cindallaahi ruuxii qabee camal, fashee fiican
Een Nabiga caaradin unbaa, kheyr cantoobsada e
Halaag bay cantuugaan kuwii, aad u cadhootaaye
Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e

Janna caaliyaad suubisay oo, laga cabbaayaaye
Cadaabkiina adigaa dhisiyo, naar ciqaab kulule
Ciyoon baad dhamaysaa wixii aad, cidhib tiraysaaye
Kaad caawinaysana dhaqsaad, u camiraysaaye
Cazaa Wajala waad og tahay, caynka aan rabo e
Adaa siiya laydh caafimaad, gaal ku caasiyeye
Caascaasna adigaa ku rida, sheekh ku caabudaye
Nina inaan cadaadshiyo ma rabo, inaan cidhiidhyaaye
Carrabna kuma idlayn karo waxaan, kaaga soo cabane
Rabbul Carshul Cadiim waad og tahay, caynka aan rabo e
Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e

Inkastoo cad shaydaan qalbiga, caajis galinaayo
Calooshayda kama goyn inaan, Eebe caabudo e
Citiraafay Nabigaygii oo, caashaq baan ahaye (csw)
Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
Cimrigay intaan noolahee, aan carrada joogo
Ceebtiyo waxaan ugu necbahay, ciil na daashada e
Mana lihi awood celin kartiyo, xoog cadaadshaba e
Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane
Inaad adigu naga caawisaan, kaa codsanayaaye


Calaamo   Dib U laabo




Waa taan Cadaadley ka guday, xalay cawayskiiye
Caado iyo intaan Sirow tagaan, caano geel dhamaye
Cosob iyo markaasay Maryama, ila ciyaareene

Citiraafna waan helay sidii, dawlad caadila ahe
Waana lay casuumaday sidii, caalim soo dagaye
Ragna inuu catrado ii dhisuu, iila ciil qabaye

Cisigaa anoo heli karoo cudur, la'aan seexday
Turumbadu markii ay cidee, waaguna caasaaday
Cirkii iyo camuudii markaan, cayn kastaba dhawray
Rag calool xun goortaan arkiyo, calalo taanbuug ah
Carmis inaan ag joogaan gartiyo, wali ciqaabtiiye
Caku aniga ee goormaa wajaaf, laygu soo celiyey

Carradii biyaa iga xidhay oo, waxaan cabaan waayey!
Cadar bay ahaydoo intaa caga, gubyaa i haysay!
Cagaag baa i mudayoo kabaan, cidhibta saaraa dheh!
Shan nin bay casuumaysayoo fiidkii, ma cashayn dheh!
Batar Ceerigaabaan ku jabay, mana ciyaarayn dheh!
Cirka iyo baqoolaan ku tagay, Cadale meeshiisa
Cusbalayna waan soo mariyo, Ceelis gudaheeda
Cimrigayna meeshaan fadhiyo, kama carraabayn dheh!
Cawdaan ku jiifiyo hurdada, caawa kama toosin
Sidaan u caweysimahayuu waagu, ku caddaan dheh!
Niman bay canaantoo haddana, ii calaalcala dheh!
Ceeb baa la ii faafinoo, la ima caayayn dheh!
Hadalkaa calaamada leh waad, la cajabaysaane
Caynkaana waxa iigu wacan, ciilka aan qabo dheh
...


Daba La'   Dib U laabo


1976 ayuu Cabdullaahi rakibay gabaygan isagoo ugu jawaabayey niman
dawladii Af-weyne ergo u ahaa oo gabayo usoo diray, nimankaa ood
badankooda magacyadooda ka heli doonto gabayga dhexdiisa.
Wuxuu yidhi Macallinku:

Asalkiina hadal aan dadnoo daahle, inaan sheegno
Iyo ku aan daboolayn inaan, dibadaha u saarro
Labadaa dariiq baa miduun, dawga ku haboone
Markii docadocays loo waday, daala dhaaf imane

Sidaa iyo darted maansadii, layska daba keenay
Ma diidaniye qaar waan hubaa, daw inuu yahaye
Hayeeshee badhkeed waa daleen, amase deel-qaafe

Kama dhigin macnaha doodif iyo, deero ka hal wade
Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is dabayaacay
Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa’imaan garane
Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duq baan ahaye

Deleb iyo shax labadaa mid baan, dheel u degayaaye
Dixiyo dareemiyo ridhmiyo, duurba kala jaade
Cagaar roobkii dayr hore baxshiyo, dogobna waa geede
Haddaan damal ku weydiinayood, dhir isku duudqaado
Dur iyo daabacay kala noqdaan, haysku daar toline
Ninkii awr dibjiray goobayoow, duunyo hay odhane!

Inaad doomanaysaan kolkii, gabay la doonaayo
Hal duwaaya dulucdaad rabteen, looma daawado e
Adoo xubinta sii daawadayoo, tii macna leh doortay
Waa in midhihii lagu daabacaa, ha is dabooleene

War maansooyinkuu diray Siyaad, amuu dabayl raacshay
Ragga dookha Ina Ciise lee, dumarada u heesa
Halkay daaranayd waa sidaa, dulucdu Caynleeye
Mar labaad kolkaan dayo tixdii, deel ku soconaysay
Kollay damacu waa fiican yahay, oo ku diirsadaye
La durduri fariintaad lahayd, xuurtii dalandooshay
Walow ujeedada duleed kaa, dadaal noqotay
Waxaa jiray odhaah kaa dustoon, laga digtoonaane

Doqonimiyo badow laysku sheeg, oo dacaayad ahe
Kaftankii duleedada markaan, taa isaga deyno
Daliil run ah markii lagu socdeen, daacadda u baydhno
Diirdiiranaanshaba haddii loo, dacwiyo maanta
Amaan lagu danbaabayninoo, beenta laga daayo
Taariikh aan dumayn baa, u taal degalladeenaase

Siyaadoow dadkeeniyo cabsidu, waaba kala duufe
Hundo Dixa dul iyo dooxo iyo, duudo iyo laago
Docda Nogob ah togag soo durdura, daacadii webiga
Hadday tahay dhul reeruhu degaan, amase daaqeen leh
Ama dooggii haro buuxsantiyo, ceel diraac-shubad leh
Maansada dhulkii daraf ka daraf, Yuusuf kaga daalay
Dabdhac geesinimo loo qiraa, waa intuu dego e
Geerina dadkeenaa ma jiro, ruux ka didayaaye
Cabdi Walina aan kuugu daree, tuu dareerinayey
Kelmad dalab lahayd buu yidhi oo, waan dareensadaye
Dogob iyo gidaar kugu dumiyo, daad ku jiidanaya
Naftu wixii dardarayoo kalay, dhaax ka durugtaaye
Marse hadduu dad kula qayr ahaa, sharaftii kaa diirto
Siday kuu dulleeyaan haddaad, cadho la diihaasho
Adoo dibinta ruugiyo isagoo, kibir la diidaaya
Darbad kugu gubyaa iyo dibtaa, dacar ka leeftaaba
Waa inaad dubaha qaadatood, kaga dig siisaaye

War duudkaaga ceeb saran iyo, diilintiyo jaaha
Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufa ahe
In kastood difaacdo oo warmaha, lagugu daaduunsho
Siday kuu danqaan nabaradaa, diifta kugu reebay
Isagaba dilkaagaa u dhibiyo, dakharadaadiiye
Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e

Daafidaanse kaa qubi kaa tidhee, digirta siinaysay
Kamaad daadinayn dheef duxliyo, doobi caano ahe
Waaba digo ka saydh taasi oo, darib u geedeeye
Wararkiinii daanyoon markii aan, isla doondoontay
Rag dayuurad iyo taangi loo, Saam ku diriraaya
Oo ciidan soo dumi karoo, dawladnimo haysta
Iyo qalab rag daydayan hayoo, dalal xoraynaaya
Oon dunida loo sheeginoo, doocba laga haynin
Oo hoosta laga duugayoon, dibadda gaadhaynin
Oon deeq rasaaseed helayn, daynna cidi siinin
Oo wali dakanadii maqnayd, diilalyo u hayso
Oo dabar xanuujiyiyo hoggaan, lagu dadaabeeyay
Labadaa dariiq baad miduun, degashanaysaane
Dubaaqiinu suugaanta maag, walise diimoone

Ina Biixi hooskii dayacay amuu, kasoo dayrshay
Malaha wiil kun-doofaarre oo, maal dudada buuxshay
Oon weligii doog iyo abaar, darar ka waayaynin
Inuu buur dilaacshana karoo, xoog dardar ah haysta
Oo guurkii dacar loo marshayoon, dumarba eegaynin
Doob-guun sidaasuu rabaa, inuu duraantaaye
Yuusufna waaba dow inuu yidhaa, da’ Allay badaye
Nin da’ yari hadduu soo tirshooy, maanso xagal-daacdo
Daldaloolkii ay yeelataa, laga dulqaataaye
Kuwa lala degdegiyee dhawaan, dilaya taariikhda
Haddaan madaxu idin daalanayn, amaan la doorsoomin
Hal delagan maxaad ugu darteen, waa duntii gabaye

Wararkiinii dayraa markii aan, isku duudqaado
Haddaad dayr rimaysiyo haddaad, been durdurinayso
Dabalaay inaad gugan dhashaa, taladii loo daystay

Dalxiis   Dib U laabo

Gabaygan Dalxiis, abwaanku wuxuu kaga hadlayaa hodanimada
iyo qaninimada dhulka loo yaqaano Ogaadeenya ama Soomaali Galbeed.
Wuxuu gabaygu ka mid yahay gabayada nadir ka ah ee Dhoodaan.

Wuxuu yidhi:

1.   Dalkayaga dabeecooyinkii, Eebe ugu deeqay
2.   Dulwareejis guud baan tilmaan, kugu dawaarsiine
3.   Ila daawo oo gabaygaygan waan, kugu dalxiis gayne

4.   Hanfi, dab iyo duufaano maleh, ama diraac dheere
5.   Madaayaan daruurtiyo cirkuba, waana di-i-taane
6.   Oo daafyahaa saraa noogu badan, karan darroorteed e

7.   Umana doollin doog iyo xareed, wali dadkiisuye
8.   Mana dookhdo duunyadu dhul kale, sidan daraadeede
9.   Inta Dahare, Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
10.  Ee daan Galbeed iyo kor baan, kuu dalaandalinne

11.  Waana dul iyo diillaha dhixiyo, duudo iyo buure
12.  Durdur iyo dad haro uu qotiyo, kali daf oo buuxa
13.  Tog durraaba laagaha dixdiyo, wabi kasoo daacye
14.  Biyaha daadka dooxiyo hundaba, way dindimayaane
15.  Markaasuu qofkii doonayaa, dalaga beertaaye

16.  Madardarin farsamadii shacbigu, tacab ku doontaaye
17.  Harqodkii dagtay kootar adag, dacal u saaraane
18.  Jiqirtidaan dabcayn nugi durtiyo, kooshi noo dadabye
19.  Minaaq daloolay bay marashadii, loo dusinayaane

20.  Digiraday dabfiin iyo irfidaa, la isku daabtaaye
21.  Minaaq daloolay baa marashadii, la isku daabtaaye
22.  Xadhko dunniyo suun iyo qoryihii, layska wada duubye
23.  Sango dacayan dagaal kaa u sudho, lagu dabaabeeye

24.  Markaasay dullaha qaadannooy, daba istaagaane
25.  Alaabtaa carada jeexi bay, dibidu jiidaaye
26.  Ciid abuurkii lagu daadinbay, kala dilaacshaane

27.  Dhulkuna daahimaayee sidii, lagu dareemaayey
28.  Durba midhihii oo doog noqday buu, soo dalacayaaye
29.  Oo dheelidaa dabayluhu lulaaan, maalmo dabadeede
30.  Hadana way ka dabargoyn ristiyo, caws dugsiinkara e
31.  Doc katuure laamuhu sabuul, firi dahaadhnaaye
32.  Waliba shay darxumo keeni baa, laga duwaayaaye
33.  Waxay ugu dikeeyaan sariir, daakhilkeeda ahe
34.  Doofaarraday kaga ceshaan, amase daanyeerre
35.  Wadhaf bay ku daafici shinbiro, duulayaa jira e

36.  Mudayba laydh dabaalane kolkay, diircadaad noqoto
37.  Qof dibjiray haduu soomariyo, socoto diifaysan
38.  Looguma daree beerta waa, laga daryeelaaye
39.  Wixii deeqi karay baa martida, looga sii dubiye
40.  Qofkii aan dagmada gaadhin bay, sii dibiriyaane

41.  Qodaal darisa waa lagu ogaa, daawo iyo xeerre
42.  Way ugula dillaamaan mandado, kii dalbada guute
43.  Bakaar duugte xero ood la dayr, oo karoodsada e
44.  Qofba wixii dorraad kayd u yiil, wuu diq-diqayaaye

45.  Dhulkani deeq allaalehe intuu, naga durduursiiyay
46.  Wixii Daa'in naga dheefshay iyo, qaar ku sii dihinba
47.  Dibno kuma idlayn karo sadkuu, noogu daabacaye
48.  Duuduub ahaan saricii waan, kuu dulleed mariye
49.  Dabrocelinta hoos iyo Bari baan, kuula daadagiye
50.  Tanna ila day waa daaqsintiyo, geestii duunyada e

51.  Inkastoo daraanshihii batay iyo, dacatigii maalku
52.  qof daman oo kuwiisii dacniyay, ama darbaynaaya
53.  Isba caydh dagaagtiyo fakhribay, dani u gaysaaye
54.  Danga malaha duunyadu hadaan, layska daayicine
55.  Ma darsaan damiin jaahil iyo, doqontu waa mooge

56.  Iyaase dahalkii aan damcay, tani duwaysaaye
57.  Maansada dariiqii horaan, kuugu daadihine
58.  Gu iyo dayr dabaylood xagaa, ama diraac goodle
59.  Afarta xilli dacalka Bari, waa isdabajooge
60.  Dagmadiyo siday ugu dhaqmaan, ceel-shubkiyo dooga
61.  Durdur iyo magaalaba anaa, kugu dalxiis gayne

62.  Hadalkii aan lagu daalin baa, daawo miidhan ahe
63.  Waxba yaanan kuu sii daldalin, sheeko dabadheere
64.  Ma daynine dulkaasaan hadhow, daadah kaa odhane
65.  Maantana halkaa noogu daa, haysku sii diline
66.  Diyaar noqo hadana saadanbaan, daqaqamaynaaye

Gardaro   Dib U laabo

Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e
Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye
Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e
Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye
Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye
Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e
Adiga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene

Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay
Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane
Gaag baa uso hadha kollay, ruuxii kaa gudo e
Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye

Adaa gaanbiyaay howl yaraan, soo galaangala e
Adigaa dhibaato u gasba oo, reer gadaafo ahee
Adaa garab ku taaglee yidhaa, geesi baad tahaye
Gaasaar nin kale beertay baad, guro tidhaahdaaye
Markaasuu garbada kii lahaa, gama'a diidaaye
 Anaa gaafidan lahee iiga guur, golal markuu sheegto
Anaa galabta jooguu yidhaa, gocondho shaydaane

Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane
Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba
Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba
Xeerbeegti guushaa waxay, hadal gudoonshaanba
Gabogabo dhigoodii markii, lays af garan waayo
Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago
Guracanihii gowdhaafayey baa, aad u goodiya e

Garaarteey dabeed kaga dhegtaa, kii la gaabsadaye
Inuu golol cadhoodaana waa, ficil gadiisiiye
Isagooy guduuteen indhuhu, oo gilgilanaaya
Guushii iyo geeridii oo markaa, is garab yaala
Labadaa midood inuu galuu, goosan dabadeede
Guntashada xigtaa waa dagaal, ha u gardaadsado e
Nin gabadayse cadhaan guurta hayn, ama gurguurtaaye
Gurxanka iyo goohaba intuu, gununuco oo reemo
Ways kula ganaa waa ninuu, ciil ku gaaxsamaye
Goorada intuu kaga dhaco oos, guudka kaga boodo
Oo gadh iyo laba daan qabtoo, gudub usoo tuuro
Markuu aad u galalaatiyo ees, dibir gawaan raacsho
Lafihiisii waa inay gotaan, giigtirnaan jiraye
Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo, gulibidaa dheere
Oos war i gunaanada yidhaa, gaal kastuu yahaye!

Guubaabadaadii wataa, say ku gorortaaye
Kuway gibishu kuu saaran tahay, waa gaday mudane
Caqligaad gamuun kala heshiyo, gudumodaadiiye
Indhahana go' baad kaga xidhaa, ood ku gunudaaye
Dhagahana gufaad kaga jartaa, kuna gamuurtaaye
Halkaad gaysanaysaaba waa, god iyo booraan e
Waa kaad gandaalka u sidaa, ood u godoshaaye
Waa kaad goofaadhidaa, eed gagabisaaye
Waa kaad gafsiisaa ra'yiga, eed ka gudhisaaye
Gallad inuu qabuu moodayaa, waase ruux gab ahee
Adaaba guuldaro usoo sidee, wuunan garanayne

God aan laga baxayn iyo waxaad, goof u qarisaaba
Gabal dhiciyo saad dooni waa, meel gudcur ah keene
Garab bay lahayd daadah iyo, maliyo gaadaane
Nabsi qabaha guubaabiyaay, saa adoow galiye

Biyo gororay goortay dagaan, waa halkii godane
Kibir bay guntaadii dhanayd, gow kusoo tidhiye
Oo geedada waxaad kaga jirtaa, kii gumaysta ahee
Gobonimo qofkii doonayaad, garab-wagliishaaye

Iyadoon barwaaqadu gudhayn, gu' iyi jiilaalba
Oo gayiga Soomaaliyeed, Gureey u baaqaayo
Gayigaanu joognaba wixii, soo gashaad tahaye
Gamuunkoo mariidliyo intuu, waran ku googooyey
Gaashaanka tii lagu dhuftayee, gowda laga saaray
Ee guutadii qaabishiyo, gabaska hayn weyday
Ee jeeray gacmaha hoorsadeen, gaasku daba joogay
Ee ay waraabaha u gogleen, gudurideey loogtay
Ee uu gabaabsiyey qabkii, meesha daran geeyay
Gugumana codkiisaad ahayd, geedo qaaqla ahee

Muddo gaaban gaar iyo intaad, gooni naga joogtay
Gashin kale adoo muujiyey oo, galab caraabaaya
Gadmataye haddana goor dambaad, noola timid guuxe
Subaxdaana geesh dhaartayoo, gaydh u diriraaya
Oo Maxamed guubaabiyoo, gabayada u sheegay
Gamaankiina soo fuulayoo, dhab u gadoodaaya
Iyo gobol Daraawiish ahoo, geeddanaa yimide

Wuxuu galalafkeenii batoo, la is garaacaaba
Markii gulufkii Soomaaliyeed, libin ku geeraaray
Isticmaarkii noo soo gudbay baa, goob xun joogsadaye
Ganba dumarta waa tay xidheen, Reer Galbeedyaduye
Ninse gataati dhacay waa inuu, gadangadeeyaaye
Muddo gaban ah shaale intaan, gowle tumanaynay
Waxaad soo gadiday baa ahaa, gooshi xeel sida e

Waase god aan ilduufnoo kale iyo, leylo goboleeye
Mar aan gama' sanayn iyo mar aan, gole ka doodnaaba
Siddii dhays lo' gugeed buuxsamiyo, ama shinkeed gaadhay
Geed qariya saakaan lahayn, ciil gadhoodhsamaye

Gumiciyo bilaawaha naftii, lagala giigaayey
Gaaguun tirkeed wakaa, loo gudoonsadaye
Is gaacoodinaysaa danbuu, gaaruf kuu imane
Galaayuuska xiimiyo intaan, gaylab kugu heesin
Gurmo-go'anba waxaa kaa samayn, goodirada howde

Murugada guraabaastay baa, kugu galaydhyeyne
Goorahana saadaashu way, kugu gandoodaaye
In aad kaalintaa gabtay buu, galowgu sheegaaye
Guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey
Isba gamashigaaguu arkiyo, gaajo kuu imane
Sababtaadii oo gaamurtiyo, gabawar kuu baaqye

Garuun wadkaa sitaa, guul fadhiisiya ahe
Boolidu goggay naaxisay buu, golongol haystaaye
Gamboor weeye geedkuu cuniye, haw malayn Godore
Galaxsigiyo kaa waw bilaash, gaawe buuxsiguye

Waxa lagu ganbiyayaaba waa, gorofti caydheede
Gasac iyo geraax diiday oo, dhimatay googaaye
Goonkiyo guxuusaagii aad, kala gunaynaysay
Guulaamadaa muuqataa, soo gabaanadiye
Oo daadkaa gufaacada wataa, kaga gariirsiine
Ganbiiraashkii aad soo bartiyo, gool cunkaa hodaye
Dhaaxuu libin ku geeraarayee, goojaduu barane

Is gundhin iyo guul guul haddii, laga gayoon waayo
Gabgablayni kuma caawisiyo, faan gobshaysiguye
Nabadii garoobaysay ee, loo gayaxa duubay
Kol haddaan gidiba loo helayn, amay is guunguuntay
Ninkay godobsanaysaa intuu, laad usala gaabsho
Waa in uu gadaamada jaraa, ooy galgalataaye
Markii laga gilgilo baydidaa, kii gunada haystay
Goros iyo is gaylamaan iyo, gadhadhac mooyaane
Inuu giriftamaa waa waxaan, goorna la arkayne
Waase gogosha doonkii intaa, kaad galaafanuye
Gardarooy ninkaagii adaa, gowracaa badiyee
Gardarooy ninkaagii adunbaa gowracaa badiye

Duraaqsi   Dib U laabo

1982 markii ay ururo badan oo mucaarad ahi ku kaceen dowladii Af-
weyne,jabhadihii gobonimo doonka ahaa  ee Soomaali Galbeedna ay
amarkiisii diideen, arintuna ay ku ciirtay ayuu wuxuu is tusay
in sidda kaliya ee ay dawladiisu ku badbaadi karto ay tahay in
uu Soomaalida iska horkeeno oo uu qolo qolo iyo qoys qoys u
qeybiyo iskuna dirro.  Wuxuu haddaba abaabulay dicaayad ah in
dowladu Daarood tahay dadka ku kacsanina ay yihiin Isaaq iyo
Hawiye.  Wuxuu Daaroodkii ugu dacwooday in laysku dirayo, in
la falay, in la asmeeyey, iyo in uun iyaga duulaan lagu yahay
oo la baabi'in doono.

Wuxuu haddaba isugu yeedhay niman badan oo gabya, xaafado ayuu goglay oo
lagu hilbo qashay wuxuu Siyaad Barre amray nimankii gabyi jiray inay gabayo
tiriyaan kuna raad goobaan midnimada Daarood. Waa kaligii taliye iyo
gadiisiiye, wuxuu damcay inuu shacbiga Soomaaliyeed isku mashquuliyo oo uu
dabadeed isagu dhex ku bari noqdo.  Waa madax weyne oo runbuu sheegayaa bay
is yidhaahdeen oo sidii uu faray ayey yeeleen.

Gabayo badan bay tiriyeen.  Waxaa kamid ahaa kuwo ay ugu yeedheen Deyro
Abwaan, Dood Nin Leh, Durbaan Dhiilo iyo mid kale.   Gabayadii waxay ugu
wada yeedheen Ergo Daarood.  Cajalad bay ku duubeen oo dabadeed mashriq iyo
maqribba u duuflaaliyeen.  Abwaan Cabdullaahi Macallin Dhoodaan oo mudo
dheerba ku kacsanaa mucaaradna ku ahaa dowladii Siyaad Barre gabayo badan
oo canbaarayn ahna ooda kaga soo qaaday ayaa cajaladii loo geeyey isagoo
joogo magaalada Diri Dhabo.  Haddaba kadib markuu abwaanku dhagaystay
cajaladii ayuu jawaab halkaa kasoo diray oo intuu cajalad kusoo duubay usoo
dhiibay safaro Xamar usoo jeeday.  Gabaygii jawaabta ahaa ee uu Dhoodaan
tiriyey wuxuu u bixiyey Duraaqsi oo uu ula jeedo in aysan dhibaato kale
Soomaaliya ka jirin ee ay tahay uun xukunkii Af-weyne oo cantatabay dhinac
uu u ciirsadana la'a,  Soomaalidana inuu isku habaabiyo oo uu Irir iyo
Darrod, Isaaq iyo Darrod iyo wax noocaas ah u qaybiya rabba.

Ergo Daarood iyadoo dhan ayaan ku haynaa sanduuq kaydka ee doollo.com,
laakiin nasiib daro siiqada uu ku qaadayo ninka duubay daraadeed way adag
tahay in wax badan laga fahmo.  Waxaanse isku dayi doonaa in aan soo galino
intaan ka fahano, amaba iyadoo dhagaysi ah.  Haddii aan halal kooban kuusoo
qaadno waxaa ka mid ahaa Ergo Daarood:

Daarood Ismaaciil sidii, deero kala yaacye
Mare lagu dareershiyo falbaa, deegta loo sudhaye
Waryaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye

Falastiin halkii lagu dagaan, daaqad ka arkaaye
Iyaguba darxumaday qabaan, dar Alla ma ahayn
Dukaamadiyo beertii kolkii, daarti laga iibshay
Ee dalkiiba laga saaray bay, dibad u yaaceene
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

Raggaa faraska doolaal ah iyo, goolkiibaa dagan leh
Sharafteenii bay doonayaan, inay dumaalaane
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

Darajada walaalkeen sitaa, waa mid noo dan ahe
Waxba yuusan deeq badan kusiin, ama duubaax hooye
Hadduu kuu daraadana nin kale, kaaga...................
Shisheeyuhu kol uu kaaga dido, duubkuu kuu xidhane
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

Haku darina diraceena go'ay, kaa dudada taagan
Intii laysku kiin diri lahaa, idinku daaweysta
Dubaaxdaad shisheeye u kadeen, siiya doqonkiina
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

Qofka duday waxuu ka duday, doona xididkeeda
Nin rag ahi dudii kalama hadho, geel hadduu dido e
Anna dooda maansada tolkay, baan ku dumayaaye
Inuu daawo yeeshaan rabaa, ubadka Daarood e
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

Gabayo sidaa u socda ayey ahaayeen Ergo Darood.   Jawaabtii Dhoodaan
waxay ahayd sidan Hoose, isagoo abwaanku su'aalo u badiyey gabaygiisii.

Wuxuu yidhi Dhoodaan:

1.    Muqdishiyo docdaa gabay dhawaan, igaga soo duulay
2.    Gabay daallan aadna u dalfaday, oo durqumi taan leh
3.    Gabay dood abwaan loola baxay, ama durbaan dhiilo
4.    Oon kuba dareerayn xilliga, doorku yahay maanta
5.    Oo doola bay soo dardaray, waanan daawadaye

6.    Soomaaliya intaynaan u dagin, teedi daakhiliga
7.    Nimankiina darandooriyee, gabayga soo duubay
8.    Falastiin gumasigi dafaad, uga daraateene

9.    Dalkan Yurub Israa'iil dajine, xoog duldhige Naato
10.  Uma dixan-dixaysaan agow, waad ku digateene
11.  War xoolaha damaankiyo, sidii qalab dukaan yaala
12.  Danbiil lacaga, doolar iyo dahab, ma gooyaane
13.  Dhulkuna ma aha daaqada dhariyo, daas qof leeyahaye
14.  Umadaa cayda loo diiqayaa, ma aha dawgoode
15.  Ha iskana dulqaateen anaa, xaal dagdaga siine

16.  Soomaaliya ku soo durug, bal aan dayno Falastiine
17.  Dagmo, balad, in dallag beeratiyo, daaqsatada guurta
18.  Shacbigaan danqaabiyo dhex ool, dira-diraa toona
19.  Shacbiga isu deexdee kalgacal, wada dalxaynaaya
20.  Umadaa wadaniyiinta eed, dooni sharaf tooda
21.  Walaalahan isdaaraynin ee, ooda wada dayrta
22.  Maxaa loogu doolaabayaa, duhur in lays boobo?

23.  Kuwase qaar falbay nagu dabreen, cid u dareensiiyay
24.  Waxna furdaamis bay dooni yidhi, sixir la daandaamay
25.  Danbigooda lama dhaafayaal, waysku dilayaane
26.  Soomaalina danteed kama hadline, waa dariiq lumise

27.  Kaa dunuunucaayow adoon, duulal kale caayin
28.  Adoon daala dhaaf iyo af xumo, qaar dacaayadinin
29.  Soomaalida dalka u siman adigoon, kala dambaysiinin
30.  War duuf iyo dhaleeciyo adoon, ceeb dusha u saarin
31.  Danbas aad ku saydhiyo adoon, deeb marmarinaynin
32.  Kaad durraamanaysiyo intuu, deeqi hadal kaagu
33.  Eed Daarood kusheegayso maad, aayar daydayatid?
34.  Dafdaftiyo maxaa meel kadhaca, idin dabaalsiiyey?

35.  Kuwiinaa dardaarmiye lahaa, aafadii darartay
36.  Ee Daarood sidii sheekh digriyi, ugu garaar daayay
37.  Ma tu laydin dirayaa dirqigu, waa ba dooc kale?
38.  Mise waa dubaaq iyo waxay, damacday laabtiinu?

39.  Xukunkii dakhaakhulay uunbaa, show duraaqsadaye!
40.  Ragga gabayga dirayow hadaad, nabad ku doonayso
41.  Ood xumaha diidoo samaan, ugu dacwoonayso
42.  Soomaalida maxaad uga duwdeen, idinba Daaroodka?

43.  Dacdariyo dareenbey ogtahay, dhiilo danantaaye
44.  War qaylada dannaaniday, anoon daalacba u raacin
45.  Dad Soomaliyaa wada lahaa, calanka doogaayee
46.  Maxaa keenay Daarood haday, dowladnimo joogtay?

47.  Hadiise dacayda loofuray qabiil, sidanna loo daaco
48.  Duntiyo kay wadaageen jinsiga, ama degaankoo dhan
49.  Soomaalidii aan Daarood ahayn, dibad miyey aaday?
50.  Mise roobab duufaanle baa, daad iyaga qaatay?
51.  Dadyowgii kalee Dir u badnaa, tolow damiin yow ah
52.  Kolkaanse baaqa loo dirin ayaga, maw dardaarwarisay!

53.  Soomaliyi makala daah adkayn, dayro iyo deeqe
54.  Diif hadduu badh qabo reer majiro, daranyo beelaaye
55.  Dacatigiyo waa loo sinaa, deexsi nololeede
56.  Inta qaar ladaayacay miyaa, gobol la baar daajay?

57.  Dubbayn uga ma jeediyo macnaha, sii dacaayadiye
58.  Dabroo celi su'aalihii madayn, ii dihnaa waliye
59.  Dhulka waad kasoo dayriseen, daakhil kiina ahe
60.  Dildilaacintoodaan rabnaa, wararka dihimoonee
61.  Dakaniyo haday timid colaad, lays ku wada dooxday
62.  Dabbow duur gub hoosaa jirtiyo, ollol dareemooye
63.  War duumiyo, dabayl cudur ah iyo, durrayga yaa beeray?
64.  S-du haday dabbuur tahay, D-dana eega lagu doorsan
65.  Soomaaliya dabeed lagu badalo, magacan Daarooda
66.  Ma qabyaalad baa dami kolkaa, sow dallici mayso?

67.  Dayaxa Afrikaad baan nihiyo, Xamar qabiil duugtay
68.  Maba durugsanayn taa kolkay, soo daldalayeene
69.  Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo?

70.  Is durraamad kiinaa bixiyo, dhawr dublaa jirada
71.  Ku darsoo iblays darajaliyo, doofillaa wadaye
72.  Dhibaatada daryaantee sidii, danab u yeedhaysa
73.  Balaayada markii lala dardhaday, dakharka yaa gaystay?

74.  Ragiise loo dabaaldagi jiree, Xamar ka doobyaaya
75.  Inay nabada daanyo u noqdaan, ma isku dayi waayay?
76.  Badhkiin eray duxluu noogu daray, tii uu daabacaye
77.  Waxaana maansadiina u da' wayn, doona xididkii e
78.  Qofka dudaya duulbaw gafaye, sheeg ninkii didiyay?

79.  Dallanbaabigiyo oohintiyo, ciil la dabandeebka
80.  Sida lagaga duudsado hadaad, wax u dabiibayso
81.  Horta dibada maad soo dhigtaan, kii danbiga gaystay?

82.  Doxor iyo danaystaa ku jira, dayrka reeraha e
83.  Taliskii dakhaakhulay unbaa, show duraaqsadaye
84.  Idinkaa duliga sheegayiyo, dacarta kii qooshay
85.  War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay?

86.  Hadiise maamul daadihinayaa, dulin abuuraayo
87.  Daalimiinta iyo daacadii, ha isku duubina e
88.  Kuwa idin dakhaakhullahayee, ruuxba ruux dubo leh
89.  Ee dhaardusmayn jiray miyaa, idin leh Daarood dheh?

90.  Dibindaabyadii laga cawdiyo, dawgalkiyo eeda
91.  Markaan dayay ujeedada ku dahan, tiina dulucdeeda
92.  Saw malihid Irrir baa isku dira, qoladan Daarooda?
93.  Hadalka qaar diciif kaa dhigiyo, dawdar baa jira e!

94.  Tol baan dumida aad leedihiyo, daawo maan xidhano
95.  Haday malab dibnaha kuugu tahay, qaarna wow dacare
96.  Ma dalliil cadeeyaad i siin, taa in lagu diirsan?
97.  Mise doobabkay badin, inay dacawada u loogto?

98.  Daleel madhan ciyaar looma digin, kaydun deydeyi e
99.  Markuu didayo Daarood sidii, deeradiyo cawsha
100.     Dhaqankiyo dabeecadu ma ridin, dayradaa culuse
101.     Waxaan daayinkood horay u dhalan, yaa dorraad curiyay?
102.     Diilintiyo maxaa gubadka dhigay, dagaladii beesha?

103.     Xeradii dugsiya een lahayn, diga xajiimaysa
104.     Ardaagood dab weyn ugu shiddiyo, dogob la soo jiiday
105.     Haddaan neef libaax kaga dhex dilin, amaan col duubaynin
106.     Sidee nimanka deydey lahow, geelba uga daatay?
107.     Kolse haduu dilaamihii kacayo, sii dardaro bowdka
108.     War geelii dudada jeexayee, dibadaha u yaaca
109.     Ninka soo dabaal yidhi miyaa, saamo dabo jiiday?

110.     Haddaan waliba doocdoociyeen, tiina uba daayo
111.     Dayac tiridba how dacal ordiyo, damici shaaleeye
112.     Ma daryeela wawga dari, dhay madaacuhuye?

113.     Dumar iyo da’ waayeeshay iyo, diliq caruureedba
114.     Durduriyo bilaash kuma neceen, dagalladoodiiye
115.     Maba daqaqamaynine shacbiga, yaa dagaajinaya?

116.     Xagiinaba kuwii faras dalbaday, ama dorraad fuulay
117.     Iyaba way kusoo daba socdeen, kuguma diimayne
118.     Waase daabad loo wada sinaa, nin iyo doorkiise
119.     Ragga calanka doolaab ah iyo, goolkii baa dagan leh
120.     Haduu iguday yidhi waaba daw, inaad u daysaaye
121.     Xil uu daadahayn karo maxaad, kowdii ugu diiday?

122.     Xoriyad doomanaysneyd intaad, dawliska u ridato
123.     Shubaal lagu daliiqiyo adoo, maaxdii dawdabaya
124.     Kolkaad doqonka Daarood tidhaah, wada dibaax siiya
125.     Soomaalidii kalaa dulmanoo, daris ahaydeene
126.     Miyaan diric kaleetiyo wadani, daacad ihi joogin?

127.     Duunyaba halkii lagu darbayn, waa ka durugtaaye
128.     Gardaro iyo daandaansi ba'an, qoomkii lagu doontay
129.     Hayeeshee dulqaataye idaa, maanta dabadeed leh
130.     Raggii dilay darbadahaa kolkuu, waana daminwaayo
131.     Ficil lala dirganayaa jiroo, way digiigaxane
132.     Ku danqaaday mid kibir diidsanaa, waa la diriraaye
133.     War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay?

134.     Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo
135.     Duq dhixiyo hadaad daanyo, tahay ood dacwadi qaado
136.     Dar Allaaban kugu dhaarin iyo, diinta Eebahaye
137.     Dahaadh maleh cadaaladi gartee, labada kee dow leh?
138.     Dagaal waajib ma u yahay kuwii, dhiiga laga daadshay?
139.     Mise dabar go'ooday sugaan, jeerkii laga daalo?
140.     Oo way dagdagi baad odhan, la isma daafoco e?

141.     Dabci jaahil baan sii daniyi, meeluhuu duriyee
142.     Diyaar siduu difaac ugu yahee, duurxul uga yaabi
143.     Dulalaati buu dalaq odhan, waa ma laydagiye
144.     Kuwaa gabayga daranyayn jiree, deelka fiirsadayna
145.     Xigmadaan durduursiini waa, kaga digtoonow e
146.     Taliskii dakhaakhulay wakaa, sii duraaqsadaye
147.     Ka diidanee ku daran jiidhayoow, dan iyo yeelkaaga

Falladkii   Dib U laabo

Gabaygan khatarta ah wuxuu Macallinku abuuray horraantii
sanadkii 1973kii.  Ma furfurin abwaanku gabayga oo siddaa duuduubka
ah ayuu u socday. Dowladdii Afweyne iyo falaadxumaday kula dhaqmaysay
dadka Soomli Galbeed (Ogadenia) ayuu yoolka ugu wayn ee gabaygu ahaa.
In kasta ooy adag tahay in gabayada Dhoodaan mucdooda iyo macnahooda
qaaliga ah aan wada fahano, haddana waxyaalo badan ayaa ku tusaya
xariifnimada iyo aragti dheerida uu isticmaalayo Macallinku si uu
u mucaarado dowladii manaxdada ahayd ee uu hoosteeda ku noolaa
xilligaa isaga ah. Meertada dambe la soco.

  Wuxuu yidhi:



Falaadkii adduunyada haddaan, fiiro ugu laabto

Ilaahay farsamadiisu waa, ta ugu fiicnayde

Eegana haddii laga fakaro, say u fududaatay

Fasahaaad inay gaadhay baa, laysu furayaaye



Waxse kuma fillee meel xunbuu, fallagii haystaaye

Fahmaddii wareer baa ku dhacay, faylasuufiga ee

Garashadu markay foorarteey, faalo dhimataaye



Kol hadday finiish iyo fanaash, geed walba u fuushay

Danba haatan kii faalin jiray, woow fadhiyi meele

Fooruhu ayaantuu kacee, fiintu ciyi wayday

Fiidmeerta shaadhkii maxaa, looga wada fayday?



Caanaha falleedha leh maxaa, loogu fura gooyey?

Isagoo faraadhyo leh maxaa, udubkii loo fiiqay?

Fongor buuxda sowtii lahayd, fanaxda yoow jeexay?

Ragaad bay fadhaayeen shantii, wiiga fooraraye

Kuwa falanfalxada maalayaa, ha isu fayteene

Beertii faraacida haddii, faashka lala seego

Qudahay fajaastee biciid, ma u fangali wayday

Fiddidiinka cawshaan hadduu, fiidkii soo tagaye

Wayba faraxsanaayeen kolkay, ceebta fuliyeene

Kii u feedha buurraa sidday, Faadumo u diiday



Fanacowdu qaarkood armay, ficil darro u gaysay

Shirkii dooda culus faanbiyee, dooda kulul faagay

Fagaaraha dhaxdiiseey dorraad, kala faqaayeene

Arintaa fadhoociga ku jirra, yaa fashilin doonee

Fardo gulufa bay fuushan tahay, oo fariin wada e

Hayeeshee ninkii fiirsan jiray, faalkii garan waaye

Feedh bay ciyaar ugu jiraan, fuusto riixyaduye

Gugii Furuqle fooxay shideen, qiiq fatahi waaye

Hilibkii fantada loo karshaa, xuudku faanbiyeye

Jinni fuudkii laga daadiyoo, fiixdi laga boobye

Sheydaankii fuuqsaday waxbaa, foodda kaga yaale

Kuma jirro findhicilkaad ogayd, foolasha Iblayse



Waxaa faanka lagu eedayaa, faarafaaraha ee

Farsamooyin adag bay dhashaa, fookanayntuba ee

Falxad bay u haystaan wallee, gaal fashiista ahee

Doofaar finaaqeey hadhow, furar ku maaleene



Wataa subaga faarka leh cuntee, faraxal yoow dooni

Iyadoo fidoo kala baxdeey, qaar u fidhayaane

Fayoobaanta Eebow kariyo, inuu furdaanshaaye

War faa’iido waa tii Allee, ha i fadqalalaynin

Gabaygu ma dhamays tirna oo intan in la eg ama ka badan ayaan maqan.
Haddii aad hayso ood jeceshahay inaad nala wadaagto fadlan nala soo
xidhiidh.

Qalbi Karbaash   Dib U laabo

Dad yar oo kooban ayaa waxay Dhoodaan ku eedeeyaan inuu dawladii
Af-weyne durba mucaaraday oo uu collaad xun u qaaday kadib markuu
ka wiswisay falalkii foosha xumaa ee ay kula dhaqantay shacbigii
Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya.  Dadka sidaa aaminsani waxay
inta badan daliilsadaan gabayada faraha badan ee uu Dhoodaan
ku fadeexeeyo dawladii Siyaad Barre, gabayadaa oo ku noqday
Af-weyne iyo xukuumadiisiiba falaadh ka tagaan wadnaha garkiisa.
Waxay haddaba dadka Dhoodaan ku eedeeya arinta noocaa ah ilowsan
yihiin ama ay ka ilduufeen qeyb weyn oo ka mid ah taariikh
nololeedkii iyo taariikh halgameedkii abwaanka.
Wuxuu abwaanku ka mid ahaa amaba uu calanka u hayey
hal-abuuradii Soomaaliyeed ee soo dhaweeyay dawladii militariga
ahayd ee Soomaaliya ka dhalatay 1969.  Dhoodaan isaga oo ka biyo
diidsan xukuumadii rayadka ahayd ee ka hor 1969 dalka ka jirtay,
ayuu wuxuu ku casuumay kuna soo dhaweeyay kacaankii gabayo badan,
gabayadaas oo isugu jiray digniin iyo tusaalayn uu lee yahay
dalka iyo dadkiisa wax haloo qabto yaanan xoolaha dadweynaha la
xalaalaysanin, Soomaalida maqanna hala raad goobo oo Soomaali
Weyn hala mideeyo.
Waa kuu lahaa:

Gabayaal caraabin ah intaan, kugu casuumaayey

Allow talis cidhib goo ma odhan, caawa ka hortoow e

Ceefado aan yeeshiyo dacwada, mid aan ku cayntaarsho

Iyo waxaan ugu cafaariirsadaa, caawa ii baxaye

Haddaba Dhoodaan markuu wax dheg u dhiga waayey, talooyinkii iyo
tusaalayntiisiina waxba laga soo qaadi waayey, dawladii Af-weynana
ay musuqmaasuq iyo khayaamo kula dul wareegaysatay danihii
Soomaaliyeed, dadkiina laysku habaabiyey lana iska hor iyo daba
keenay, culumadii ay Maxkamad jaa'irad ahi raasaas howda kaga
saartay, wax garad iyo aqoonyahana waxba laga maqli waayey, ayuu
abwaanku wuxuu arkay inuusan Af-weyne u haynin wax maslaxo ah
umadda Soomaaliyeed ee jamhuuriyada ku dhaqan gaar ahaan, guud
ahaana Soomali Weyn iyo halgankii gobonimodoonka ahaa ee uu
Dhoodaan horseedka ka ahaa ee lagula jiray gumaysiga Itoobiya.
Markaa ayuu mucaarad dalacay oo uu col xiira-xiira ah ka noqday
danbi-falayaashii iyo dawladii dhiigmiiradka ahayd ee Xamar
ka jirtay.

Qali Karbaash waa gabay ka mid ah gabayadii uu abwaanku ku dhiiri
galinayey xukuumadii Soomaaliyeed una sheegayey inay waddada
toosan qaadaan haddii ay rabaan guul iyo gobonimo waarta.  Wuxuu
Cabdullahi carabka ku dhufayaa bilowgii horre ee Kacaanka waxyaalo
badan oo uu qabtay sida qoridii Afka Hooyo, Ololoyaashii
Horumarinta Reer Miyiga, Isku Tashi iyo Iskaa Wax u Qabsadii la
dhiiri galiyey iwm. Dib bayse ka cantatabtay oo ay cagta marisay
dhamaan wixii wanaag ahaa ee ay samaysay, markaas weeye markuu
Dhoodaan diiday inuu wax ka dhagaysto ama uu ku biiro raggii
durbaanka u tumayey Af-weyne.
Wuxuu yidhi:

Abwaankii buxuur ahi markuu gabayga baandheeyo
Bidili weeye bayd uu ka tagay ood bedeletaaye
Rag horaa bisleeyee halkuu gun iyo baar sheegay
Markhaatiga bakhayl yaanan noqon uga ba’aayaaye

Barkhad Casba sidduu Feberweri bacawnimo u saaray
Sannadda isku buuxda intay kaa dul bilanayso
Mid bay bilidu kaa foorartaa oo balaayo ahe
Midna badhaadhiyo khayrkii baa lagugu beegaaye
Bishan ay tilmaameen iyadoon dhawr kal barakownay
Mar ay laba tobnaad buuxsantay ooy barina sii dhaaftay
Birmadkiyo kacaankii dhashay ee baylah tiray ciida
Ee booli quutaha eryiyo kii shacbiga boobay
Ee gacal isbiirsada ka dhigay beeshii kala guurtay
Ee banaanka maatadii qubnayd beer cunto leh geeyay
Ee inay sirteenu baxdiyo baadi ka ilaashay
Ee baankii noo soo dhacshiyo waliba batroolka
Ee yidhi bilaash nama dhaqdee aan runta u baydhno
Ee yidhi xaqiyo baadhilkii aynu kala baadhno
Ee yidhi ninkii boobayoow joogso bi’i waaye
Ee webi butaacsada na yidhi oo baryada diida
Ee yidhi dhaqaalaha badh bay naga bulaayaane
Inaba beero aan yeelanee badar inoo shiida
Ee yidhi jahligu waa balee aan tacliin barano
Ee yidhi baryadu way xuntee beero aan falano
Ee boqol kun baadiye u diray oo buraashado leh

Raga bigilka dheer noo tumiyo madaxda noobaaqday
Barwaaqo iyo guul baan Ilaah uga baryeynaaye
Iyagiyo bishay noo kaceen waa wax loo bogo e

Haddaan nahay bad iyo hawlwadaag bacad kasoo guuray
Amaan nahay walaalihii la baxay tawrad barakaysan
Burgada saan baqoolaha filkeen baac u wada dhaafno
Waa inaynu boogtoo dhan iyo bararkii doonaaye
Dabeedna ay bogsootaa halkii cudur la buurrayde

Balan adag sidii loo dhigtay een daacad ugu baaqnay
Amase hawsha laysugu bartiyo barantanka u yaacnay
Bilcan iyo duq boosh ah iyo dhalaan ama barbaar wiil ah
Nin beerliyo nin baadiya jiriyo balad wixii joogay
Burhaantii aan soo marshiyo baaqii daba joogay??
Bayaan amarkii waataan u faray badhaxna ma ahayne
Laakiin bishimo gaabnihii dib u biqlaynaayey
Ee bariba nooca u ekaa haatan soo badaye

Burjuwaasigii ciil qabay baa buul madoow galaye
Hadba wuxuu mid soo buufiyaa amuu bilkeydaaba
Badhar jaad ah madax loo gadoo biir cabtuu helaye

Markaasuu barkimo u dhigtoo been ku duufsadaye
Basarkaa inay suubiyeen waxaa buruufkii ah
Ha bariidsan beec qaaliya iyo badaw cabaadkeeda
Barbar kale markaan fiiriniyo suu dadku u buuqay
Billaahi baan ku dhaartiyo Allihii baaqiga ahaaye
Gardaro loo badheedhi baa jirta oo laga baroortaaye

Shaqaaliyo reer balad qofkii bayr la garansiiyo
Madaxduna u baantaa xafiis wuu ka baygagiye
Xaq bidhaamay oo jira qofkii laga bacaad saaro
Wax baan kuu banaanayn haddii lagula soo boodo
Waa si ay niyada baariga ah uga baduugaane
Berri maxaan sameeyaa unbuu baaqi ku ahaane
Inkastuu bad qabay ruuxu soo dan u bukoon mayo?
Oo qalbigii budh weyn lala dhacaa, soo burburi maayo?

Boqno gooye saas ah baa jiroo meel u baarqab ahe
Dhawr badatay iyo reer haddaad bahal ka oodayso
Bilcil iyo haddaad geed quwaax buuran ku adkayso
Dugaagii baruur cunni jiraa bawd ka soo dhiciye

Buntukhaagii fiicnaa adigoo boodhka ka afuuftay
Bariisada haddaad raadsatiyo waaga barigiisa
Cagta bagafsan meeshuu dhigiyo buruqdii kuusnaydba
Buur iyo dhul baadlaba intaad bixiso raadkiisa
Barbarkii dabayshiyo urtana aad isaga buusto
Isagoo bogga cadaynayoo geed barqadii jiifa
Intaad bidix kasoo toogataad balaq ka siisaaye
Sidaasaad libaaxii ba’naa kaga badbaadaaye

Kuwa baday dadweynaha sidaa amaan ka booyayno
Raggiina aan baqayninoow inaad baafisaa jid ahe
Oonu booca sidaad ugu dhagtaan baga nidhaahnaaye
Haddii kale baq dhay lagu daraa barradii noo yaale
Buqbuqood hadduu subag burcada dhali baxnaaneeya
Tusaale   Dib U laabo

Gabaygan la magac baxay Tusaale wuxuu Macallinku ku
muujinayaa farshaxannimadiisa xagga fanka iyo suugaanta ah.
Wuxuu dabada isugu xidhay maahmaahyo Soomaali ah oo badan oo
uu kasoo saaray gabay qafilan oo hal xaraf ku socda.
Wuxuu danihiisa ku boganayaa gabay maahmaah miidhan ah.
Bal hadda si fiican u dhuux:

Inaan tiriyo geeraar markay toogo iiqabato
War taariikhahaan fiiriyaa saacaday tahaye
Kolkii uu teembadii iyo wakhtigu kay isugu tooso
Halka tuhumadaydu jirtaa gabay ku toogtaaye

Saakana midaan taaban waan sii tilmaansadaye
Tulud baratay laba geel dhurwaa suu tafta u laaco
Awrkii tagtooy ahna libaax suu u kala tuuro
Ama tuug dharaartii la helo saan u turuq goyno
Ama taarkii loo dhigay dawaco say isagu taagto
Ama taqalka qoortii la sudhay say u tananayso
Dabeed habarta naysheeda tabi say tib ugu boobto
Taariikhda saas ah oo miyiga taallay waligeedba
Tabtaas oo dhan ooy tahay baad wada taqaaniine

War maahmaah tisqaad ah baa jirtoo aanan talaabayne
Murtideenii toosnaydna waa in aan tixraacnaaye
Ninka yidhi qof tiisiii dayacay tallo ha waydiinin
Qayrkaana wixii u tabcado taranso oo yeelo
Tubtuu mara lahaa iyo kolkaa wuxuu tilmaamaayey
Waa qaryrkiin ha tuugina macuhuu taaban hadalkiiye

Dhagaxse taabashiyo tuujin iyo inaad tantoomayso
Saddexdaa midaad ula tagtaa waa isu taage
Nin wixii la toosani mid unbuu tuur la leeyahaye

Oo waanada abuurkaa tirtira oo ka tabar roone
Qofka aan tirininse maalkiisu waa wada tasoobaaye
Maradiisa kaan tolan dhaqsay uga tifmaysaaye
KA tashiilan waayana ma dhalan suu ku taajiro e
Anoon toobiyee hadalka iyo tooxsi uga jeedin
Taasina runtay inay tahay baad wada taqaaniine

Tafaraaruq nimuu gaadhay oo bari tabaaloobay
Rag murtida tafniidaa wuxuu jeer kasoo tabiyey
Dadkaygu baahi buu talaf la yahay waana caydh tubane
Tartiib xumana maalkaygiibaa teer ku baylahaye
I taageer oo gacalkayoow yey la talinaaya
Talankiyo ninkaa Xabashadii taxadka gaadhsiisay
Tacadi buu wixii mutaye uma timaadeene
In tabaabushiyo beeshu ay dhaqashadii tuurtay
Ooy waliba taab gaaban tahay idin tusaysaaye

Hadday shinidu malab toonsato oo meel tif kaga siiso
Intay tuduc walaalo ah tahay eey toobada u joogto
Geedaha taraxan kama naqaan mid ay ku taalaaye
Markayse talaqi guurayso eey balo taftaafayso
Tu waliba anaa talin hayeey kob isla taagtaaye
Markaasay dhawaaq tay odhan midiba taagteede
Xiinkeedi baa u taga dabeed cadow ka taag roone
Oo reerkay tigtiganaysay baa toobke loo guran e
Sidaan loogu turin baa dabeed wada taqaaniine

Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye
Ninkiise taag leh waa kii la yidhi tahar buu goostaaye
Soomalida taxaabkiyo tabciyo tuur qabsiga keentay
Turuq sheegadkeediyo waxeer lays tumaatinayo
War taashkeedii noloshaa intaa loo tartamayaaye

Dadkiise taag yaraan lagu arkaa tuubo loo ridan e
Soomaaliya rag bay tabi inay taabka galiyaane
Tuugiyo badheedh cayn kastay noo tamadiyeene
Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye
Taagtiyo tawaankeen haddaan badino towfiiqda
Itoobiya in ay ina tixgalin yaa tolaahayahee
Aadan iyo Xaawa   Dib U laabo

Gabaygan lagu magacaabo Xaawo iyo Aadan, dadka qaarkiina laga yaabo
inuu u maqlay Abuuristii Aadamiga, wuxuu ka mid yahay gabayada
Dhoodaan ooy runtii adag tahay in la kala jeclaysto kuwa loogu jecel
yahay xilligii uu soo baxayna loogu dhagaysi badnaa.  Sidda caadada
gabayada Macallinka oo dhan ah, waxaa dhex yuururta gabayga xikmad
gaamurtay.

Waxaa igu maqaala ah in Macallin Dhoodaan horraantii sagaashanaadkii
uu cusbitaal ku yaala Nairobi duleedkeeda oo indhaha insaanka lagu
daryeelo lana yidhaahdo Kikuyo Hospital tagay si uu bal u eego
aragtidiisa.  Waxaa la sheegay in abwaanka iyo niman markaa weheliyey
ay makhaayad shaaha laga cabo qaxwo u fadhiisteen.
Waxay makhaayadii kala kulmeen mucjiso iyo yaab.  Waxaa makhaayada ka
shidnaa oo qolo Kikuya ahi ay dhagaysanaysay gabaygan Xaawo iyo Aadan.
Haddii la waydiiyey oo la yidhi "waa maxay waxan aad dhagaysanaysaan?"
Waxay ku jawaabeen waa xikmad af qalaad oo aanaan aad u fahmayn ku
socota laakiin aanu dhagaysano kuna raaxaysano maqalkeeda.
Sheekadani in ay sidan u dhacday iyo in kale waan soo xaqiijin doonaa,
Eebe idankii.  Tan iyo sanadkii gabaygaba soo raadi adiguna.

 Wuxuu yidhi Macallinkii:

1.     Ilaahay markuu dunidan godey ees giraangiriyey

2.     Isagoo quruumana gadiyey oo gab kaga siiyey

3.     Sow Aadan oon gacal lahayn gegi masoo taagin

4.     Sow Xaawo Feedha godan ugama soo goynin

5.     ……………………………………………….

6.     Ninba sow geyiga Eebbahay geesta kama raacin

7.     Goosan waliba meeshii uu tegey sow rag kama guulin

8.     Oo Geeska Afrikaad sow annaga Guulle nama keenin



9.     Adhiyo geel gammaan iyo lo' iyo geedo kala jaad ah

10. Biciid gees leh garannuugta iyo goodirkiyo cawsha

11. Geriga iyo deeriyo gunburi goray hadaafaaya

12. Golcasta iyo dabataagta iyo guunyo dananaysa

13. Gabbadow shabeel gaatamiyo haramcad guuxaaya

14. Maroodiga gollaha daaqayee wada gaboodyeystay

15. Afka laguma wada gaara iyo gaar u kala sheege

16. Waxaan godollo waxaan gowracniyo qaar an gadannayno

17. Iyo gurada qaar laga koroo orodka gawsiiya

18. Iyo dhul aan gasiirado lahayn guguna seegeynin

19. Oon dabeyli guri kaa rideyn dahabna guurtaas ah

20. Durdur aan go'ayn goof bir-qod ah webi gufaacaaya

21. Iyo beer dhaqsaba kuu go'doo godadka loo jeexdo

22. Sow gorodda Eebbahay waxaa nooma soo geline



23. Guud ahaan Soomaalidii sow gees isuma raacin

24. Diintuba gallade sow Furqaan laguma gowriirsan

25. Gaban iyo gabow sow qur’aan gawda kama saarin

26. Waqti gudub waqtina gaadh waxay goortu noqotaaba

27. Barwaaqadii garoodhiyo nimcadoo gililicdaa haysa

28. Shayddaan giblani waysagii xeebta soo galaye



29. Gardarriyo waxay suubiyeen caado gogoldhaafe

30. Rag bay inay gadh qaataan rabeen amay gumeystaane

31. Geedaafadaana Soomaaliyey waan ka gubanaaye

32. Axmed Gurey intuu subax guntaday sow shir uma guulin

33. Sow gulufku qaylada dhulkii guure kuma jiirin

34. Sow Gal iyo Caameer farduhu gaasas kama keennin

35. Geeridu xaq weeye sow cabbaar la isma guubaabin

36. Gamuun dhoobe leeb iyo gantaal xadhigga loo giijo

37. Garmaqaate gaalleef mindiya gudimmo xiireysa

38. Gamas waran billaawaha gayaxan seef gal laga jiito

39. Iyagoo hubkaa gacanta iyo geesinnimo haysta

40. Sow gaashaandhig weeye dagaal uma garwaaxeedsan



41. Nacabkii garbuhu sow ma jabin way gaggabiyeene

42. Gorgorkoo cuniyo sow darxumo goobti kama raacin

43. Sow gaardaymoode ee cabsiyu kama gariirsiinin

44. Guryihii faqriga sow kolkaa dani ma gaarsiinin



45. Kama gudose geed baa la yidhi neef la gowracaye

46. Goommane dugaagguba ma karo goobis kala jiife

47. Intii wiil gaboobaa nimani way gabbanayeene

48. Goonyaha dhulkeenniyo waxay badaha gaaftaanba

49. Illayn tuug dadkoo gama'san waa soo galbanayaaye

50. Gasadeenna iyo sow ma iman ciidda gudaheeda



51. Sayid Maxamed sow kama gilgilan xumihii loo geystay

52. Sow gabayadiisii nafluhu kama galiilyoonnin

53. Gurmadka iyo sow qaylo dheer lama galaayuusin

54. Kolkaa sow fardaha gaamuriyo geenyo lama fuulin

55. Af-gumaas shanlaha goyska iyo giirre labammaar ah

56. Jigre-gaab hilqadlaha gadhka leh godane maadhiinka

57. Wajaf gowso weyniyo rasaas gumucu qiiqaayo

58. Iyagoo gunaanaday naftoo weliba gaadiid leh

59. Geyr kulul Daraawiishtu sow uma gadaan saarin.



60. Cadaawihii galdaasayey sow lama gawaanraacin

61. Ha galgalato sow laguma dhigin way gasbanayeene

62. Sow guduri xuurti ihi ma cunin waa geddii hore e

63. Kolkay taladu gow joogsatayoo ciiddan laga giigay

64. Gafuurro-cadde sow Reer Galbeed ficil ma soo goohin

65. Giddigoodba sow maalintaa nooma gacanqaadin



66. Dusha guudka xarunteenii sow lagama soo gaadin

67. Dayuurado garnayl tuuri sow weerar kuma gaacin

68. Taleex sow gelgelintaa ma noqon ama gabaaddiirta

69. Gambo xidho ma yeelaan kol bay gobise liicdaaye

70. Gujo qudha xornimo kuu jirtana waad u geyllamiye

71. Inaan gibisha tuurnoo caqligu naga galoofoobin

72. Sow rag is galaalaa mar kale uma gallaydhyeynnin



73. Guhaad baan qabnaye sow indhaha looma guruxsiinnin

74. Ha Noolaato geeraarkii sow laguma soo gaabin

75. Galabtii caddaankii ogaa goobta Dhagaxtuur ah

76. Galow ciyey haddii ay maqlaan ama galool foodhyey

77. Sidii gaban carruureed ilmadu sow ma gobo'leynnin

78. Hashiise dhowrka jeer gaaggaxdee layga gudhinaayey

79. Lixdankii anoo gool ah sow gaaxdi kama maalin

80. …………………………………………..



Soo dhamaystir saaxiib.

Xuuraa Baf   Dib U laabo




Baadiye raggii joogi jiray, balad markuu aaday
Hargaysana u baysala-dhawdiyo, taa Baandiraba
Boqolaal waxay igu tageen, been iskaga noole

Budhcad suuqa maraysatoo, badan kuwii raacay
Ilbaxnimadii lagu baaqyeey, baro yidhaahdeene
Bandarada asluubta leh iyagoon, wali la baashaalin
Hal bootaalaa jiita iyo, koox ba’naano ahe

Badh saaqida iyo tuug miidhan bay, baasha ka ordeene
Badhaysaha warkii lagu qubay, barako moodeene
Barbarkii xumaa bay ileen uga bilaabeene

Wixii edebta lagu beelayee, bi’in lahaa ruuxa
Loo baratan waxay moodayaan, buro la dheeraaye
Basarxumo magaaloo dhan baa, u biirta dabadeede

Beryo iyo kolkay bilo jireen, baarqab la ismoodye
Markaasay qalbiga buuxisaa, inay wax boobaane
Babaw bay noqdaan iyo markaa, xuurta baalka lehe

Kuwii baabadaa lagu ride, booca dheer lulina
Isma bixiso booraan libaax, inay ka baydhaane
Bahalay sidaa kaga dhigeen, beer walaal cuniye
Bani-aadminimadii wakaa, loo badalayaaye
Berri garasho uma dhaafsaniyo, uurta buuxsada e
Barkhad iyo balaayana ma oga, kii bishaaro lehe

Midkii boolaxooftiyo la kaca, baanis iyo guuxba
Durba waa ka baybaysadiyo, camal barooreede
Marna waa ka booboodayee, soo batarin dheele
Isagoo rag kala baayacday buu, boqor ismoodaaye

Baguu odhan hadduu badhi liqana, baarri buu noqone
Haddii nacabkii baabi’in lahaa, beesada u dhiibo
Ballan qaadna loo raaciyiyo, biro dhalaalaaya
Ujeedada ma baadhiyo inay, boogi daba taalle
Ma baaldhigo xuduudka babcan een, laga dul boodayne
Farxad iyo bislaysaa gashoo, wuuba bararaaye

Shir bilaada laysaga wiciyo, talo la baandheeyay
Hadba baalna laysula rogoyoo, buuqii lagu daalay
Barta laysku raacee wanaag, badi la doormoodo
War waa taa in lagu beegsadiyo, xaajo loo bogaye

Arrinse buug lahayd oo ma jirin, gaadhay beeshanuye
Dhulkan fadhato baahnayd sidii, loogu galay bowdka
Dal bannaan u yaallay heleen, deedna boolyada e
Baabsiguna taasuu ku yimid, uma badheedheene

Innagoon baraarugin kuwii, buunka noo tumayey
Intay diratay niman buufinno ah, ooy barjaha siiso
Ooy baagamuudiyo gurteen, wiilal baadiyaba
Ooy baaxadsooriyo dhigeen, badaha xeebtooda
Buntukh iyo banbaanadii dhulkiyo, waliba baasuuke
Baas iyo balaayaba intay, badaw usoo dhiibtay
Is burburiya waa waxay ku tiri, oo is baacsada e

Innagoose dad weynuhu badqabo, bulannay laakiinse
Budda waxaa na dhigay weerarkay, nagu butaacsheene
Iyo baaqigii lagu dirqiyey, Bii-Emkii gubaye
Ama baylahsigii xoolahay, bililiqaysteene

Markay baqatay xuuraa baftii, ina baduugaysay
Barbaar fulaya baayacmushtari, boorso jiidanaya
Oday boxosh ah balabaadka iyo, baanda jaahilaba
Nacas buunshe leef ah iyo hangool, ay billado siisay
Oo balanbal reeraha bada oo, ba’an ma waayaane

War birmadkay isagu sheegiyee, lagu bilkaydaayo
Iyo cadowga booriniye shacbiga, baygagshoo dila e
Ballidu qaadi maayaan kollay, beelahaa idile
Adhyo badan lo’dii balaqsigiyo, boqolka geel dhaafay
Iska daa barmiil loo gadiyo, baaldi loo horiye
Birqodkoo bilaashayba qaar, balalo gaystaane

Biyo ceel barwaaqaqda dhulkiyo, meel bur iyo doog leh
Barkad lacag ah kii uga raree, beecso yidhi jaalle
U bakhtii buktiyo xaaluf iyo, oon busaarad ahe

Kuwaasaa shacbigii baaba’shoo, waa bas taladoode
Baqoolahay xaggaa uga rareen, bacadkii jiilaale
Biji dheer hangool lagaga xidhay, bawdadiyo qoorta
Baagada wakaa loogu qoray, boqon dhawgoodiiye

Inkastoo bur-ciid lama madhshee, saa naloo buriyey
Dhagaxa buuraha kama yaree, waa bidhbidhateene
Mana baraad la ee way barteen, kii boqnaha goyne
Billowgeeda qolihii leheey, godobtan baahaysa
Rag badheedh xumaan ugu tabcooy, buubsataa jira e
Ummaddii badbaada jarteen, nabad u baahnayna
Waxba booqan maayan iyana, baan ma sugayaane
Bulshadii abuurtte colaad, baaji laga waayey
Is bariinta diidee cidday, buurato aan dhawro



Soo Socda   Dib U laabo


---------------------
             
Dib U laabo
Xigasho: Mareegta Doollo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.