Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Maxamed Maxamuud C/laahi  | 

  Hordhac

Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan

    
    
       Taariikh Suugaaneedkii Abwaanka da'da yar ee c/raxmaan xuseen cumar (tallaabo)
    
    August 8, 2009 
    
    c/raxmaan xuseen cumar (tallaabo)
    
    
    
    C/raxmaan Xuseen Cumar (tallaabo) waa hal-abuur da’ayar oo Reer Somaliland 
    ah,cabdiraxmaan  tallaabo waxaa uu ku dhashay deegaanka gobolka saaxil 
    sanadku markuu ahaa 1983 waxaa uu waxbarashadiisa   hoose /dhexe ku qaatay 
    magaalada Berbera.
    
     
    
    (Tallaabo)  waxa uu kamid yahay dadka uu ilahaay hibada hido raaca usiiyey  badaha
    
    maansooyinka iyo gabayo faraa badan leh Waxana uu inta badan dareenkiisa ku cabiraa.
    
    Oo uu kahadlaa xaaladaha kala duwan ee dalku iyo dadkuba maraayo  ilaa hada
    
    waxa uu ka hadlay. Dhaqanka.  Hiddaha. Jacaylka, iyo xaalad kasta oo markaa taagan.
     
    
    Murtidiisu waxay in ta badan taabataa xaalaha kala duwen ee bulshada 
    reer s/land ku sugan yihiin
    
    
    
     
dadweyne(SCW)   Dib U laabo
    
    DADWAYNE
    
    Maansadani waxay la hadlaysaa sadexda xusbi ee ka jira jamhuuriayda 
    Somaliland, waxaana ay dhamaantood leedahay xilka iska saara danta
    qaranka.
    
    Waxaan ahay dadwaynii dalka eebe siiyee
    Ugu deeqay sharafkee
    Dibindaabyo jaan iyo ka ilaasha dulinkee
    Digrigii ilaahiyo towxiidka ugu dara
    Dalkan waxaan la soo maray
    Dakhariyo xanuun iyo
    Daal iyo dhibaatiyo
    Dihaal xanuun badan
    Ma ogoli danaystiyo
    Ninuu  damacu qaadoo
    Keligii danaystoo
    Kursi doona keligii
    Inkastaynu durugnoo
    Dimucraadi jaan iyo
    Diin gaallo raacnoo
    Debed aynu cararnoo
     
    U dareenay meel baas
    Horta daahirow maqal
    Hadaad mooday daartani
    Inay tahay dumaal  uu
    Duqii kaaga tegay oo
    Ama derejo gaaroo
    Dadka kale  lahaynbaad
    Keligaa ku dedentahay
    Damacaasi waa been
     
    Anagaa ku diranoo
    Kugu deeqnay sowdkoo
    Dadkaa kaa jeclaano
    Na daadihi ku nidhi oo
    Dalka mesha ugu mudan
    Kula doonay keligaa
    Anagaa si daacad ah
    Dadka kaaga xulanoo
    Dacalkaaga nimankii
    Ka dabaldegaaye
    Doonaayay  Maddaxnimo
    Dib u liqa cadhuuftoo
    Iska daaya nidhi oo
    Duhur kaaga qaadnee
    Duuduub ku qaado
    Hadalkani ha kuu dego
     
    Waxaan kuugu doortee
    Dunta iyo  xariirtiyo
    Shaalkiyo duraaxado
    Ugu wadhay dushaadee
    Derejada hoogaanimo kuula
    Doontay  waxay tahay
    dalka haruumarkiisiyo
    Ictiraaf la dooniyo
    Inaad dunida gaadhee
    Ma moodayn danaystiyo
    Dib usocod inad tahay
    Waxaan kaaga digayaa
    Marna iga dardaaran ah
    Xiligaan ku doortiyo
    Way durugtay
    Maalimii  dadk kuugu darayoo
    Waxaan kuugu sii daray
    Ha ka dayrin shacabkii
    Codka kuugu deeqee
    Dorashada xalaalee
    Afartaa  dareen iyo
      waa farrin da,waynoo
    shacbigiyo Dadwaynuhu 
     dira nagu yidhaahdeen
     
    Qolyaa  debeda jooge
    Weli dowladnimadiyo
    U duddaaya derejada dalka lagu hogaanshee
    Codka noogu deeqiyo
    ma na dooranaysaan nagu daalinaayow
    Waxa naga dardaaran ah
    waxa xamar duleeyee dakharada xanuunka leh
    ilaa boqolka dayrood
     dusheeda uga muuqdaan
    daarihii qurxoonaa  degelada u moodaaa
    waxa laysu dilayaa   danno gaara weeye
    bal daymoodaa deriskii dulligiyo
    dhibaatada  kursi doonka leeyahay
    waxa naga dardaaran
    dalka nabar sokeeyiyo
    dulin iyo colaad iyo
    dakhar iyo wax yeeliyo
    dulli ha u kaxaynoo
     doon doonka maddaxnmo
     
    dadka yaanay kala didin
    inagaa dayownoo
    dalal reer galeed iyo
    gaalada ku dayanoo
    kuwii nabigaa dayrshiyo
    daba cararnay gaaloo
    diintoodaa raacnoo
    dimucradii jaan iyo
    distoor lay xariiqiyo
    meel darran u jeestoo
     
    daayinkii ilaah iyo
    nabigeenii doornaa
    dadkii ay necenee dilla nagu
    yidhaahdeen
    u durbaaan tumayno
    dariiqoodi raacnnee
    allahayow na daawee
    allahow dariiqiyo
    dowgii saxa ahaa
    nagu dooji eebow
    iyadoo la daaloo
    dullin iyo aabaar
    iyo diif iyo xanuun iyo
    dibindaabyo lagu jiro
    dadka oo harraad iyo
    dulli iyo xanuun  qabaa
    adigaa nadoojoo
    cirkoo dayroo dhaafo
    lagu arag daruurtii
    adigaa daqiiqadu
    fadad wada da,ayiyo
    daruur wada hillaacliyo
    dihin nooga yeeloo
    dhulka daaqsin wacan iyo
    deeggaan ka yeelloo
    adigaa daraadaa dadka oo
    hurdada le,day sheikh u daakiraa oo
    intaad adigu doontiyo  dadka
    kii hanuunsani loo wada ducaystaa
     
    adigaa dugaagiyo
    kuwa duurka joogiyo
    deeradiyo cowshiyo
    xayawaanka dunidee
    dukhsigu ugu liitaa
    deeqsinida eebiyo nimcaday
    dersaanoo kulli way digranayaan
     
    deeqaa ilaahbaa lagu doogasadaa oo
    kufri laguma daallo
    deeq bixiyayaal iyo
    dawo laguma sheegee
     
    allaahyow na daawee
    allaahayow dalkaygiyo
    diintayda wacan baan
    cidii doorin karrinoo
    waxaan ahay difaacii
    duurka u dhex jooge
     
    dadkan maddax jacaylkiyo
    kursi doonku wada galay
    kulli wada durbaan iyo
    daasadaa u tumayee
    doorashada u wada tuban
    allahow mid daacada
    diintiyo shareecada dalka
    nagu xukumayoo
    ayaadka doorka ah
    ku ducaysanaayo
    sunnii nebiga doortoo
    diintaada eebbow nagu daafacyoo
    daba dhilif ahaynoo laba dowladood iyo
    derisnimo wannaag iyo
    danno gaar mooye xamar nagu darayn oo
    diin iyo aqoonloo
    duco waalid qaba oo
    danyartiyo agoomaaa
    wada daadeheyoo
    na daryeellaa eebbow
    adaa qaniye noo doo
    
    
    
     

Dawlad Xumo    Dib U laabo

    
    Dowlad xumo
    
    
    Gabaygan waxa abwaanku ka tiriyey markii la xidhay gudoomiye 
    ku xigeenkii hore ee komishanka qaran laguna eedeeyey in uu yahay shabab
    
    
    
    Indhawayto deelkii
    Murtida waanigaan
    Dayine
     Dibnaha iyo  waa taan
    Ka jaray duudka feedhah e
    Iminkana waxabaa igu diree
    Dood ma  tiriyeen
     Taariikhda duuga ah hadaan dib
     uga faaloodo dalkani maanlintii
    uu xornimo doora lag taagay
    somaali doonkii
     markii diif xun laga qaaday
    dowladii siyaad maalintay
    dunida naafaysay
     maalintay nin doorkiii
    dalkiyo danabadii laysay
    dunbukhyada gumaysigu 
    markuu nagu daqiiqaayay
     daaraha hargaysiyo  burciyo 
    degeladii saaxil madfac dananayiyo
    maalintii kaare lagu duugay
    wixii danab la laayiyo
    guryaa dumarkii ooyay
     diilalyada nahaysiyo
    wixii  daal inagu raagay
     diiftiyo  xanuunkii waxaan
    debed la meeraayyay
    duugiyo xumaantiyo
    wixii la igu daandaanshay
     anigaaan dunuub gelin wixii
    la i duqaynaayay
     dulmiga  iyo hoog iyo
    wixii mowle iga doojay
    dib u noqoshadaydii
    xornimo daabka la ii siiyay
    markii dowladnimo aan heliyo
    callankan doorkayga
    markii aan u doortee cigaal
    sowdka ugu deeqay
     waatii uu distoorkiyo
    sharciga degay inoo yaal
    waatuu kala danbayn iyo
    wanaag keenay degelkeena
    duni laguma waaroo nafluu
    waa ka degaaye rasuulkii la soo
    diray iyo ka tege nabigii dooraa e
     wuuxuu daadeheeyoba markii daayin
    iga qaaday
    dimuraadigu dhigay markaan dunida
    gaadhsiiyay
    doorashada markii aan qabsaday
    doorna ka cayaaray
     axmed daadeheeyiyo
     markaan faysal diran waayay
    sacabkii dadwaynaa markaan
    daaahir ula leexday alaylehe
    daluunbuu ku riday dowladnimadii e
     dalka nimaan lahaynbaan
    malaa derejo gaadhsiiyay
    afartii siyaad duufsadaa
    daahirna u yimi e
     iminkaa nin doorkii xabsiga loogu
    diraaye
     digtoorka iyo ninkii maxamed baan
    cidi u doodayne
     isagaan denbiba gelin sharcina
    dacal ka dhaafaynin
    xirsi cali waxaa loo dabrday
    waa degteernimo
     denbi baadhayaal baa
    ilaah iigu dow galay e
    nin danaysanaayaan kursiga
     daadehee idhi e
     walee daahirow uumiyii maanta
     kaa durugye
     damqashadu haduu bay dadkii wada
    dareemeene
    dureemada ka badan uumiyaa
    dibinta ruugaaye
     wallee doorashaan lagugu siin
    derajadaad gaadhay
    aarkii daboole iyo sidii diib
    lagaa cararye
    waxa gannacsigi loo dabrday
    duul shisheeye ahe
    dalka waxay ka doortaan
    iyagu kiishad doolar ahe
    alla dumi mallaa waxa qabyo ah
    daartii qaahir
    waxba gabaygu yuu ila
    durkine waxaan kuu soo duubay
     dowlada xumo allahayow
    miyaan laga dawoobaynin
     allahayow adaa deeq baxshoo
    daayinoo jira e
     adigaa dunida uumay oo
    daadshay aradkaase
    adigaa dariiqyada ka furay
    daloga buuraa e
     dayaxana adaa nooga dhigay
    daalac iyo nuur e  adigaa dugaaguna
    xataa kuu digriyaaye
     
    allow dowladii waa xuntee
    adigu noo door
    
    
    
    
    
    
    
    
Geesiga dalkayga   Dib U laabo

    
     Maansadani waxay soo baxday markii golaha guurtidu u kordhisay
     madaxweyne riyaale 6 bilood waxaana ay shacabka faraysa in 
      dalka la badbaadiyo..
    
    GEESIG DALKAYGA
    
    Waxay ka dhalatay
    
    Moddo kordhinta
    
    Lagu gefay shuruudii dalka
    
    Meel lagaga dhacay
    
    Waana tan akhris wacan
    
    Geesigii dalkaygow
    
    Golayaashaa qarankow
    
     Gurtidiyo wax garadkow
    
     Gaariyiyo hadrawaaow
    
     Gidigiin abwaanow
    
     Gobolada dadwayna gacalee
    
     Ku noolow inta samaha goobtay
    
     Garashiyo aqoontay
    
     Inta dawlad guunee
    
     Geyigaba ka caaniyo
    
     Gogol nabad doontaay
    
     Garaad iyo suldaanow
    
     Inta geedi socodkee meel lagu
    
     Gam aayiyo gurri raaxo doontaay
    
     Gabanada dalkaygiyo
    
     Gabdhahayg quruxdiyo
    
     Garaadkiyo aqoontaba
    
     guulahay ku Deeqow
    
     Inta ila garaadee
    
    gobanimda jecelay
    
     Inta goob xileed iyo
    
     gunnimda ka carartaay
    
    inta calanka gobonimo
    
    ka ilaasha guudkee
    
    gudcur iyo habeen
    
    dumay gaadhka u ahaadow
    
     inta reer galbeed iyo
    
    geyi kale ku maqanee
    
     ictiraaf geyigu helo
    
    gurmaka ugu maqanee
    
    guntiga u adkaystow
    
     inta geesiyaal iyo
    
    gadhwadeen ku wacanee
    
    geyiga ila joogow
    
     inta nabar  guracanee dalka
    
    lagu gujeyiyo
    
    ka gilgilata xumahow
    
     inta gaari dumaree
    
    guryo raaxo joogtaay
    
     arintii guracantoo
    
    dowladaan gu,yaal badan
    
    gabadano cidla ah iyo
    
    geeriyaad u seexdee
    
     inaanka goolka
    
    dhaliyiyo guul iyo
    
    barwaaqiyo
    
    inaan gaadho meel sare
    
    guudka fidhaayee
    
     doorashada intaan galay
    
    madaxwayne gaariyo
    
     gadhwadeen ku doorteee
    
    somaali gebigeed
    
    kaga tegay garoon madhan
    
     iminkay gumowdoo
    
    gebibay  ka lulataa
    
     odayaal gabobiyo
    
    gadhcadaa khariban oo
    
     goli lagu magcaaboo
    
    godka aakhireed iyo
    
    guulahay ka baqanoo
    
    gar ilahay baranoo
    
     guulihii dadkani waday giniyaad
    
    ka jecelbaa
    
     garbo dheer ka tuuroo
    
     waxaan galabta joogaa
    
    meel laga gubtaa oo
    
     guushii dadkani waday
    
    gacmo madhan la  joogoo
    
     ruuxii garaadlihii
    
    gocoshiyo xanuun iyo
    
    gefka dhacay la liitoo
    
     arrinti gorfayn iyo
    
    afka way ka gudubtoo
    
     waxay galabta joogtaa
    
     gurmad iyo xigaal iyo
    
     meelay garabka saartee
    
     inta garasho dheer iyo
    
    intaan gaar usheegow
    
    ka garnaqa  amuurahan
    
    
    
    
    
    
Hodan   Dib U laabo
    
    
                                     
    HODAN
    
     
    Waa gabay la yidhahdo HODAN  oo jacayl ah
    
     
    Indhawayd higaadi murtida hab uma luuqayne
    Ma higadin maansooyinkiyo hooriskii gabay e
    Marba se aniga oo ka hakaduu hilin ka muuqdaa e
    Caawana huqdii caashaqbaa lay hadoodilay
    Bal aan Huriyo hawraarta gabay  waan ka haayiray
    Hadii aan midi aan calmaday hadalku ku faaleeyo
    Waa inan horseed u ah  hablaa  haatan soo kacay
    Waa inan  hanaanka iyo qurux hadiyad loo siiyay
    Waa inan halbowlaa gashiyo halista qaarkeeda
    Waa inan ninkii halacsadaa aanu ka hadhayn e
    Waa inan hidahaa iyo xishhood haysataan dhigine
    Waa inan hogaankii sharciga lagu hagaayaa e
    Waa inan xijaab haysatiyo hadiyad diined e
    Waa inan horwayn laga baxshiyo halowle maadhiin e
     Afartaa hilow doog leh iyo midhiyo hoobaan dheh
    Indhawayto heelkii golaa waan ka haayiray e
    Caawaba halkii aan ku waday halal ma dhaafsiiyay
    Inantii hiyigu raacay iyo hodan ma gaadhsiiyay
    Intaan gabay higadaa uga dayay heesna ma u qaday
    Haasaawe guud iyo kalgacal ma ugu heenseeyay
    Hadal lama bilaabee sidii hoobal ma u yeedhshay
     hodanay  waxay tahay miday hibadu saarnayd
     waxa tahay halbowliyo middi gaadhay halistii e
     waxa tahay habloo idil midaan ugu horaysiiyay
     waxa  tahay hilaac iyo sidii hogosha roobaade
    waxa tahay hir doogliyo  dhulkoo helay mahiigaan e
     Afartaa hilow doog leh iyo midhiyo hoobaan dheh
    Indhawayto heelkii golaa waan ka haayiray e
    Caawaba halkii aa ku waday halal ma dhaafsiiyay
    Inantii hiyigu raacay iyo hodan ma gaadhsiiyay
    Intaan gabay higadaa uga dayay heesna ma u qaday
    Haasaawe guud iyo kalgacal  ma ugu heenseeyay
    Hadal lama bilaabee sidii hoobal ma u yeedhshay
      hadalkaga goortaan maqlaan soo hanbaabiray e
    hablihii hargaysiyo burciyo harasankii joogay
     heelkii berbera iyo ilaa herer kuwii joogy
    howd iyo saraar iyo ilaa harada laasciidle
    hoosada xagleed iyo ilaa howdka dhiniciisa
     hasaawahoodiyo ka kacay hadaladoodi e
     hiyigaygu wuxuu saran yahay heegaadan rabay e
     heemaalka iyo muuqa iyo haybadu jooga
     siduu eebahay kuu halqiyo   himilo jaahaaga
     hanaankaaga iyo laafyihiyo hadowga laacayaa
     hilbeheeda qaar iyo xubnaa hadiyad loo siiya
     waa middaan habla kale lahayn hodantan moyaane
     Afartaa hilow doog leh iyo midhiyo hoobaan dheh
    Indhawayto heelkii golaa waan ka haayiray e
    Caawaba halkii aa ku waday halal ma dhaafsiiyay
    Inantii hiyigu raacay iyo hodan ma gaadhsiiyay
    Intaan gabay higadaa uga dayay heesna ma u qaday
    Haasaawe guud iyo kalgacal  ma ugu heenseeyay
    Hadal lama bilaabee sidii hoobal ma u yeedhshay
     Waa waxaan hurdada awaadaa ugu hadraayaa e
     Heesahaa macaan waa waxaan ugu hadaaqaa e
     Adigaa hantiyay oo naftani Haatan waa halise
     Hiirtaanyadii caashaqbaa lay hadoodilay e
     Malahay hogii aakhiiruu ii horkacayaye
     Cilmi iyo halkuu qays dhigo ii hogaansaday e
    Halis weeye waayadan naftii waana la hubaay e
     Afartaa hilow doog leh iyo midhiyo hoobaan dheh
    Indhawayto heelkii golaa waan ka haayiray e
    Caawaba halkii aa ku waday halal ma dhaafsiiyay
    Inantii hiyigu raacay iyo hodan ma gaadhsiiyay
    Intaan gabay higadaa uga dayay heesna ma u qaday
    Haasaawe guud iyo kalgacal  ma ugu heenseeyay
    Hadal lama bilaabee sidii hoobal ma u yeedhshay
     Hadiise aan habeye intaa hore u waydaarto
    Nin hayaan kumaqan cabdow gacan u haadshee e
    Nin waraabe heeryaynayaan hoy ka leeyahay e
    Ninka horuumarki diidan baan ka hortegayaa e
    Nin dalkiis haaramayaan hayso leeyahay
    Nin tahriib u heeryaysanban soo hadh leeyahay e
    Hanbalyo iyo salaanbaan nin tegay hoo ku leeyahay
     
    
    
    
    
    
    
Gaabis   Dib U laabo

    
    GAABIS
    Gabaygan waxa uu ka hadlayaa dhibaatada muslimiinta meel walba
    ku haysata iyo sida tafaraaqu ugu dhacay ee gaaladu ugu wiirsanayso
    ee qaarba meel lagu laynaayo kuwii kale daawanayaan.
    
    
    murti gabay ilaahbaa baxshiyo midhiyo geeraar e
    
    Ginni laguma soo iibsan karo geedka maansada e
    
    Macdaar guradu buuxdiyo dukaan gadda la soo  waa e
    
    Dugsi lagu gorfeeyiyo tacliin looma soo galo
    dadka uma gudboonee ragba guulahay baray e
    
    Haadraawi iyo gaariyaa cidi ku gaadhayn e
    anna waxaan  go,aanshaa markii gole la joogee e
    Bal guddooma caawana miday garatay laabtaydu
    aduunyadan gabaabsiday fusuqan golaha loo xaadhay
    Aduunyadan guryii wada samaa gelin gel loo laabay
    Aduunyadan gumowdee  nin xumi gaar u maamulayo
    Aduunyadan guracantee samii laga gol roonaaday
    Aduunyadatan goor iyo ayaan gebedhaclaysaysaa
    
    Aduunayadatan geesigii hadhee gocor ku faanaayo
    
    Aduunyadan waxay godol qabtiyo gaaxdi laga laastay
    
    Aduunyadan kufrigu goobayee  gaadhka ka ahaaday
    
    Aduunyadan galbeed laga xukumo gebi aahaanteedaa
    
    Aduunyadan garbaa laga raree lala guclaynaayo
    
    Aduunyadan guddoonki sharciga dib uga guul maysaa
    
    Aduunyadan gadh qaad looga dhigay gaalidiyo tuuga
    
    Aduunayadan dariiqyada guracan looga gacan haadshay
    
    Aduunyadan garbada fuushan iyo gebiga ciiraaya
    
    
    Inkastan geday maanta tahay gabay ku koobaynin
    Waxaan madasha gaadhsiinayaa garashadaydii e
    
     afartaa murtuda gaamurtiyo googol dhigeedii  dheh 
    
    
     gugoo hooray dayr galalacliyo galiyo duufaan dheh
    
    xareedoo gelgelimaa gashiyo geedo iyo doog dheh
    dhirtoo ubuxuu guudkii marshiyo   geed samaalah dheh
    godkii shaacir iyo maansadii  gaariyoo kale dheh 
    
    golihii barbaartiyo abwaan garashadiisii dheh
    
    geeraaradii timacadiyo ganay sidiisii dheh
    
    murti aniga ii gaara iyo gaaxdi maansada dheh
    
    faysallow   gunimo waa waxaa laysu gelayaa e
    Waa waxa  islaam  gaabiyee gaal u soo kacay e
    Waa waxa maraykaan u galay gudihii  kaabuul e
    Waa wax ciraaq loo gambiyay  goboladediiye
    Guryihii baqdaaad waa waxaad gegi u moodaaye
    
    Waa waxa gantaalaa culculus  loogu gubaayae
    Waa waxa sadaam uga goblamay  gabanadiisii e
    
    isna waa waxay ugu galeen  goddan habaas wayne
    Waa waxay godkii uu ku jiray ugu  garaaceene
    Geerida xun waa waxa hadh galay geedka loo sudhay e
    Garka waa waxay igu xidheen goor ay ciid tahaye
    Waa waxay yuhuudu u gashaa gaydhka falastiin e
    
    Duq gaboobay iyo waa waxay gaban u laayaan e
    Geyiigoo dhan waa waxa kufirigu uga gabraartaa e
    Wax waxay gar eexoo u naqdaa guurtii dhaarsani e
    
    Waa waxa gumaysiga ku riday goboladeeni e
    
    Gabre waa wuxuu uga tashaa goonyihii xamare
    
    Waa waxay badaa ugu gurmeen gabanadeenii e
    Geyaankaygii wa waxay cidlada ugu go,doomeene
    Marba goosan waa waxa dugaag ugu gadoodaa e
    Waa waxaa geyaankiyo  habli geediga u rary e
    waa waxay tahiibta u galeen geerida u dhow
    
    gaal iyo sekhraanbaa ka hela geeriyaad dhexe
    
    gocor iyo nin liitaa ka fura shayga guudka ahe
    geeri go,an cidlabuu hablii garac ku maalaa e
    oo ay Golaladeenii  ilmadu go.bada haysaa e
    
    Waa  waxa gufaacu u dhashiyo gabaygii dheeraaye e
    Giiryaale  waa waxa nin ogi uga gabyaayae
     Waa waxay golaa uga fureen goonyihii yurube
    Guulaamo waa waxa cashuur  noogu soo ganay e
    
    afartaa murtuda gaamurtiyo googol dhigeedii  dheh 
    
     gugoo hooray dayr galalacliyo
    gal iyo duufaan dheh xareedoo gelgelimaa gashiyo
    geedo iyo doog dheh
    dhirtoo ubuxu guudkii marshiyo geed samaalaha dheh
    godkii shaacir iyo maansadii   gaariyoo kale dheh
    
    golihii barbaartiyo abwaan garashadiisii dheh
    
    geeraaradii timacadiyo ganay sidiisii dheh
    
    murti aniga ii gaara iyo gaaxdi maansada dheh
    
    waxba yaanay guubaabdiyo gabaygu dheeraan e
    
    waxba yaanan  guulaamo culus idin gadhsaarayn e
    
    waxba yaan gunimo faysalow gar uga maansoon e
    
    waxba yaan aduunyadan guracan gabay ku faalayn e
    
    ninkasta ha gowl gowliye guuli waa nabade
    
    waa geed hadhwaynuu nafluhu wada gabaadshaa e
    
    waa googol  qurxoon aad si dhaba ugu gam,aysaa e
    
     waa nolosha guusheeda iyo  geed la beegsado e
    
    gu, barwaaqo adigoo ku jiraa geedo iyo doogle
    
    giddigoodba xoolaa adoo guule kugu deeqay
    
    oo ubax guduudliyo adoo gaxadh ku foofsiiyay
    
    geell dhalay adoo maalaliyo goray karuurkeeda
    
    gaajada ma gooyaan hadaan nabadi gees ool e
    
    gaarida haweenkee ilaah quruxda gaadhsiiyay
    
    ee u eebahay kugu galladay adiga guurkeedaa
    
    gaadada inaad daawatiyo quruxda guudkeedaa
    
    xubnheeda gaarka ah inaad gacalo daymooto
    
    marba goob udoogliyo waxaad googol k la jiiftaaba
    
    wuxuu gurigu nuuraa markay nabadi geestaal e
    
    gabanada caruurtiyo hablaa guri ka foofaaya
    
    tacliintaa is gaadhiyo aqoon  guula laga gaadho
    
    dugsi ubad  la geeyiyo casrigan iniba heer gaadhay
    
    marna lama geyoodeen hadaan nabadi gees ool e
    
    guri lagu negaadiyo xarago nabada wow gaar e
    
    ragoo geesinimo  wada tirsaday  nabadu wow gaar e
    
    gole lagu caweeyiyo  farxadi nabada wow gaar e
    
    guul iyo barwaaqiyo nimcadu nabada wow gaar e
    
    geblo laga ciyaariyo aroos nada wow gaar e
    
    mar se hadii colaad layskugalo gelen gel weeyaane
    
    waa gumucyo  dhiigliyo rasaas laysku gubaaya e
    
    oo waa garnayl xiimayiyo gaas la weeraro e
    
    oo waa goobo lagu riiqday iyo geesiyaal luma e
    
    oo waa gaari oydiyo baroor  guriga kuu taal e
    
    oo waa gunimo faysalow  gini colaadeed e
    
    hadii aan gunaanado tixii gaabsho arartooda
    
    alow noo gagaar  dunidu waa geedi sii raran
    adigaa arlada noo gogloo  daadshay geedaha e
    adigaa geyiga maamulaan cidi ku gaadhayn
    
    geerida adaa nagu xukumay aan la gees marin e
    
    adaa nabiyadiyo nagu galaday garasho diineed
    alayahow na  garansii wadada kahyrka lagu gaadho
    
    
    
    
    
Murugo   Dib U laabo

    
    
    MURUGO
    
     
    
    gabaygan waxa la yidhaahdaa MURUGO,waxay ka hadlaysa halgankii dalkan
    
    lagu xoreeeyay iyo weliba dhibtii ay ciidamadii keli taliska aahaa
    
    ku hayeen umadan somaliland:
    
    
    Indhawayto Miinlayda Gabay  Waanigaan Marine
    
    Maansooyinkii Iyo Ka Hadhay Mihindiskaygii E
    
    Bal Aan Mariyo Caawana Miday Muhatay Laabtaydu
    
     Masalooyinkii  Dhacay Ayuu Shaacir Mariyaaye
    
    Murti wuxuu ku sheegaa wixii waayo soo maray e
    
    Maalinta waxaan la arkin buu sii mashqiciyaa e
    
    Ana Waxaaan Ka Maansoonayaa Maalmihii Tegay E
    
     Markii Macagagii Ina Bariyo Moorgan Talinaayay
    
    Markii Uu Ninkii Magac Leh  Iyo Laayay Madaxdeena
    
    Magaalooyinkeenana Markuu Marayay Baasuuke
    
    Madfac Iyo Markii Daarihii  Suuga Lagu Miisay
    
     Maatadiyo Caruurtii  Markuu Mariyay  baaruuda
    
     Ee Uu Midgaan Xamar Ka Yimi Muruq Inoo Sheegtay
    
    Magaalada burciyo Maalintii saaxil laga maagay
    
    Masnadaa hargaysana ninkii magac leh  Loo diiday
    
    Murugada xanuunka leh markaan debed la meeraystay
    
    Mahadbaa u sugnaatee snm  Reebe magac wayne
    
    Taariikhda meel fiican bay naga mutaysteene
    
    Maalmaha  qadhaadh iyo  markay  murugtay  Xaalkeenu
    
    maalintii kastaba geesiyada maydda lagu toosay
    
    muusanowga gaaridu  markuu meelkastaba gaadhay
    
    ma huraanka maantii  nin xumi nagu hor miigeeyay
    
    magaynada  amlaydiyo markuu seefta marinaayay
    
    Mowlihii Ilaahay Markuu Maalin Qudha Duubay
    
    Ee ay malaa iig safani marisay baalkeedaa  .
    
    Mashqooyinkii dhacay  markii mowle naga doojay
    
    markaan dowladnimo muujiyiyo maamul hana qaaday
    
    ee aan calanka miisaaman iyo  muunad lahaa taagay
    
    dhamow max,ed maantaan kurisga  duhur ku maamusay
    
    ee uu milgaha dowladnimo  muujiyay ee taagay
    
    ee uu magac Somaliland meel kastaba geeyay
    
    ee shuruuc muuqda iyo  qodobo miisaamay
    
    wuxuu maalmo joogaba  markuu mowdku naga qaaday
    
    mijo xaabintaydiyo halkii muran la eegayay
    
    miridh gudihii waatan kursiga saaray  madaxwayne
    
    afartaa macnaa gabayga iyo  mihindiskaygii dheh
    
    tixii muuse gab iyo sidii bidhiq ma miisaamay
    
    maansooyinkii timacadiyo  midhihi laanjeer  dheh
    
    murti aniga ii gaara iyo mooshin  gabayaa dheh
    
     kala mudan abaar murugtay iyo mayayga roobaad e
    
    kala mudan dhulkoo midab xun iyo muguca geeduu
    
    kala mudan kufaar  macatabliyo  mufasir diineed e
    
    kala muda mcaankii janniyo  mahadho naareed e
    
    kala mudan  hargaysiyo  madfaca xaram ku miismaa e
    
    kala mudan  dagaal iyo  nimciyo mahad la joogaa e
    
    kala mudan dal midho soo bixshiyo  meel la gubayaa e
    
    kala mudan se maatada qaxdiyo  mahad la jiifaaye
    
    kala mudan mandaraddaan dhisiyo maydka xamar yaale
    
    afartaa macnaa gabayga iyo  mihindiskaygii dheh
    
    tixii muuse gab iyo sidii bidhiq ma miisaamay
    
    maansooyinkii timacadiyo  midhihi laanjeer  dheh
    
    murti aniga ii gaara iyo moosin  gabayaa dheh
    
    waxba yaan kufrigu nagu midayn magac soomalaa e
    
    waxba yaanay maahmaah ka dhigan mid aanan yeelayn e
    
    waxba yaan madiil arkiyo    miino lay qarin
    
    waxba yaan  masaxad lay mar marin  milil dushiisiiye
    
    waxb yaan mar kale laygu hodin  midowgii soomaal e
    
    
    
    
    
Suleekha   Dib U laabo

    
    
    
    
    gabaygan waxa layidhadaa
    
    SULEEKHA waana gabaygii lagu furay
    
    silsiladii gabayad ee suleekha
    
     
    
    suugaanta gabay waayadaa sax uma luuqayn e
    
    nin waliba markii uu saftaan nacay siciidow e
    
    ma sifaynin waayadan tixii  suubanaan jiray e
    
    Aan sunneeyo caawaa qalbigu saannad ridayaa e
    
     
    
    Ma og tahay suleekhaay  cishqigu waa sun iyo boog e
    
    Ma ogtahay suleekhaay ragbuu seexshay aakhiro e
    
    Ma ogtahay suleekhaay cilmibaba seeduhuu jaray e
    
    Ma ogtahay  suleekhaay ragbuu sababay mowdkood e
    
    Ma og tahay suleekhaay beryahan waaba saaqnahay e
    
    Sidrigayga iyo buu dhex galay saabka feedhaha  e
    
    Adigaa suleekhaay qalbigu kuu sanqadhayaa e
    
    Adigaa suuleekhaay wadnaha siiya dhiigaba  e
    
     
    
    Adiguu hogaan ii sudhiyo seeto aan go,in e
    
    Adigaa suleekhaay naftani  ku salcaan tahay e
    
    Seedahayga adigaa degiyo suunka laafyaha e
    
    Adigaan sarrirtiyo hurdada kugula soofaa e
    
    Adigaan sidii sebi ilama ah kuugu selelaa e
    
     
    
    Waxaad tahay suleekhaay cirkoo hooray subixii e
    
    Waxaad tahay daruur siman tahay iyo dirir sagalaada e
    
    Waxaad tahay suleekhaay dhulkoo mariyay saacii e
    
    Waxad tahay suleekhaay dhirtoo saaray ubixii e
    
    Waxaad tahay suleekhaay xareed socota laaga e
    
    Waxaad tahay suleekhaay nimciyo seban barwaaqaad e
    
     
    
    Waxaad tahay suleekhaay midi hibadu saarnayd e
    
    Waxaad tahay suleekkhaay hablii diinta loo sugay
    
     
    
    Xidigtii sukhray u eegtahiyo sagal arooryaad e
    
    Dahabkii sancay nala tihiyo saadadii beder e
    
    Suuradaada  iyo loonka iyo sida laguu dheehay
    
    Dhexda oo la soohiyo  timaa saddarba meel joogo
    
    Suuniyaa indhaa iyo ilkahan la isku saan gooyay
    
    Sifaheeda iyo lafyihiyo socod wanaageedaa
    
    Siduu eebahay kuu dhigiyo  suuradiyo jaaha
    
    Sidii aan u eegoba hablaa way u sidataa e
    
     
    
    Afarta sidii aan rebiyo saani ma u mariyay
    
    Ma u simay daruur  iyo sidii  sagal gu, oo hooray
    
    Sanbabada sidii aar libaax sooman ma higooday
    
    Ma sanqadhiyay sidii baarqabkoo  sugaya doobtiisa
    
    Ma salaxay allaa ii sakhiray midhiyo sugaan e
    
     
    
    Ma sinmaan dhulkoo saacay iyo suluf abaareede
    
    Ma sinmaan sebaankii xun iyo sagalka roobaad e
    
    Ma sinmaan sabool caydha iyo sidig nin maalaa e
    
    Ma sinmaan nin fooq saaran iyo gegi nin seexdaa e
    
    Ma sinmaan sarriiraha janiyo solayga naareed e
    
    Ma sinmaan cilimiga sayniskiyo saddarka diineed e
    
    Ma sinmaan sikhraan iyo ninkii saalixa ahaa e
    
    Ma sinmaan  sunbada waalan iyo  sowjadii wacane
    
    Ma sinmaan suleekhaay hablaa sebenkan joogaa e
    
    Suuqyada hargaysiyo burciyo saaxil gudaheedaa
    
    Sool iyo ilaa caynabiyo sabada buuhoodle
    
    Sanaag waaxyaheediyo ilaa daallo sabarkeedaa
    
    Sinta ceeldaraad iyo ilaa siidhadiyo xeebta
    
    Saraar iyo nugaal iyo ilaa sabarradii  howdka
    
    Hablahaa siraadkiyo cadceed subax la moodaayo
    
    Ma ogtahay suleekhaay adaan kaala soconaa e
    
     
    
    Gidigoodba soomaali baad saami dheer tahay e
    
    In yar oo ilaah suubiyoo sugantay mooyaane
    
    In yar oo sunnaha qaadato saxan tahay mooyaane
    
    In yar oo xijaabkii sugnaa sidata mooyaane
    
     
    
     
    
    Ma ogtahay hablii kula sinaa raacee sebankii e
    
    Qaarbaa surwaal loo xidhiyo  suudhka gaalada e
    
    Qaar sikhraan iyo nin xumi gogol la seexaadaa e
    
    Qaar sidoodaba lumoo samir la joogaa e
    
    Qaarbaa sigaar iibsadiyo sun iyo ayfaad e
    
    Qaarbaa kufriga saacidoo siidhi loo tumay e
    
    Suuqyada darbaa taaganoo sudhato mooday e
    
    Qaarbaa suleekhaay ku xidhan tan iyo suudaane
    
    Qaarbaa sed aan looba qorin meel fog loo sudhay e
    
      Qaarbaa ragaa idinla siman lagu sabaayaa e
    
    Qaarbaa suleekhaay  wejiga aanad siin karin
    
    Qaarbaa sun loo qooshay oo siibay diirkaba e
    
    Oo aanad indhaha saari Karin   siday u eekaatay
    
    Saaxiibo qaarbaa leh iyo koox sideeda ah e
    
    Saaniyaadku qaarbuu u yahay sax iyo  fiicnaan e
    
    Qaarbaa siday door bideen suulay midabkii e
    
     
    
    Afarta sidii aan rebiyo saani ma u mariyay
    
    Ma u simay daruur  iyo sidii  sagal gu, oo hooray
    
    Sanbabada sidii aar libaax sooman ma higooday
    
    Ma sanqadhiyay sidii baarqabkoo  sugaya doobtiisa
    
    Ma  salaxay   allaa ii sakhiray midhiyo sugaan
    
     
    
    Intaasoo sebaanaba ilaah adiga kaa saarye
    
    Waxaad tahay suleekhaay  mid aan saydhin dhaqankii e
    
    Waxaad tahay suleekhaay midaa sidata diintii e
    
    Waxaad tahay suleekhaay hablaa taan ka saaciday e
    
    Waxaad tahay suleekhaay midhaha canabku saare e
    
    Waxaad tahay suleekhaay dhirtii ubaxu saarnaa e
    
     
    
    Intaaso sifaad leedihiyo qaarka saayid ah e
    
    Saatirkii ilaahay mar uun ha igu kaa simo e
    
    Hadii se calafku waa sede mid kale eebe kugu sooro
    
    Hadii aad suleekhay nin kale siiso quruxdaadaa
    
    Sabbo doogle iyo eebahay raaxo kugu soorye
    
    Sebi iyo ilaahay ku sii soofka xoolaha e
    
    Suhayb iyo ilaah kuugu deeq saynab iyo luul e
    
    Weligaa suleekhay ha mudan silica qaarkii e
    
     
    
    
    
    
    
    
    
    
Sahan   Dib U laabo

    
    
    
    
    SAHAN
    
     
    
    Gabaygan waxaa la yidhaahdaa SAHAN ,waxay daba socotaa 
    gabayada suleekha.
    
     
    Wuxuu yidhi:
    Suugaantu waa ruux ilaah  hibo u siiyaa e
    
    Waa sagalka roobkiyo   cirkoo  hoorimad sugay e
    
    Ninba wuxu ka seertaa intuu saami leeyhay e
    
    Aniguna sidkiisoo galaan sax u dhawaaqaa e
    
     
    
    Ninba wuxu sifeeyaa hablaa tuu ka saanyado e
    
    Oo sare u qaada sidii sabi caruureed e
    
    Si kastaba cilmaa hodan u dhigay quruxdii saarnayde
    
    Nin sabool ah baan xajadii socon abiidkii e 
    
    Isagoo salcaanay nin kale meher u siiyeene
    
    Waa tuu siciidow wax badan mariyay suugaan e
    
    Sababteedi iyo buu o go,ay waxay sameeyeen e
    
     
    
    Annaa waxaan suleekhadan haween gooni uga soocday
    
    Suugaanta maansada waxaan ugu sifaaleeyay
    
    Waa sallow jacayl oo in badan saaqay laafyaha e
    
    waa waxaan siciidow hablaa uga sarraysiiyay
    
     
    
    Waa waxaan siciidow amaan ugu sabaayaa  e
    
    Waa waxaan siciidow  tixaa  ugu sugaayaa e
    
     
    
    Waa waxaan suleekhay u idhi saama layl dhexe
    
    Sidii sidig irmaanoo nirgii saaka laga reebay
    
    Sahwiga iyo waa waxa I baday selelka qaarkii e
    
    Waa waxaan siciidow u qoray midhiyo suugaan
    
     
    
    Afartaa wax laysku suree sabo dhig ma u yeelay
    
    Sarakadhanka  roob laguma raro soofka xoolaha e
    
    Waxa reerka loo sahamiyaa dirir sagaalaad e
    
    Seermawaydo oo curatayba lagu socdaalaa e
    
    Aniguna sifaa gabay markaan tiriyo siinlayda
    
    Salaan iyo sidii  faarax baan sixi aqaanaa e
    
    Ma seemeeyay baydka waad qodob saluugtaa e
    
     
    
    Sidiisaba jacayl waa dhib iyo sah iyo ayfad e
    
     waa suluf  abaariyo dhulkoo seejay mayaygii e
    
    Waa seban xumaad ay nafluhu wada salcaameene
    
     
    
     
    
    Marnaa waa  sareediyo nimciyo seero roob helay
    
    Waa sarac beertoo midhiyo saaray ubaxii e
    
    Waa geed samaalaha magool simay dushiisii e
    
    Waa sebi caruuroo ilaah addi ku siiyaa e
    
    Waa guri samaan jooga iyo raaxo saayid ahe
    
    Waa  sagalka roob oo ku da,ay seero  doog badane
    
     
    
    Anna wuxuu siciiddow beryahan ii sawiray  laac e
    
    Inanti shuleekhu hablaa iiga soo xulay e
    
    Waa sidaan ku wado inan mar qudha googol la seexdaa e
    
     
    
    Ha yeshee sedkii qoran ayaan  cidina seegayn e
    
    Bal siduu ilaahay idmiyo saadanbe aan eegno
    
     
    
     
    
     
    
    
    
    
Suurad wacan   Dib U laabo

    
    
    
    
    SUURAD WACAN
    
    Gabaygan waxay waxa la yidhaada suurad wacan,Waxay daba 
    socotaa gabayad suleekha
    
     
    
    Hadaan gabay siidisaba salaxo amase siinlayda
    
    Surmaseegto waa kaa dishaa midhiyo suugaane
    
     Sumadeeda iyo baan aqaaan  surimadeedi e
    
    Ii samir abwaan faysalow Gabaygu  waa soore
    
     
    
    Marka hore suleekhadan anaa saaray calankii e
    
    Aniga in badan saadiyo mariyay suugaane
    
    Anigaa sabaaliyo ku waday suubanow hadal e
    
    Anigaa sabaad iyo u diray saaqa iyo luule
    
    Anigaa sarraynta isku waday seexashada  guud e
    
    Marse haday rag kale ila safteen xaalku socon waaye
    
     
    
    Soo fadhiiso aniga ku siin dhowr sifoo wacane
    
     
    
    Aniga salcan iyo  u maray sah iyo ayfade
    
    Sarranseer abaariyo anaa suun u soo maray e
    
    Geeri go.an aana seexday iyo ayga suuda leh e
    
    Anigaa sebaan iyo sebaan soocay magaceed e
    
    Sawahaad anaa soo mariyo  kaymo sool badane
    
    Iyaba wayla socotaa inaan  suuqmay dhowrsano e
    
    Sitimaano aniga u galay seerayal xidhane
    
    Dhaxaanan soor cunin intaan suunka giigsaday e
    
    Dhaxaan  u sare joogi jiray saamo layl dhexe e
    
    Dhaxaan siraad meel  leh iyo saydhay raaxada e
    
    Saryanka iyo  dhaaxay dugaag ila safnaayeen e
    
    dhaxaan la saaxib ahaa seeri joogyada e
    
    oo aan sokeeye u ahaa aarka saynta lehe
    
    dhaxaan suleekhay dartaa seexday meel dhib ah e
    
    dhaxaan surwaal giigsan iyo tuuray suudhkaba e
    
    dhaxaan kaba suunka iyo seedaha u xidhay e
    
    dhaxaan u soogna inaan sowjad kaa dhigo e
    
     
    
    safkan maanta soo wada gashaday suudhadhkiyo shaalka
    
    sarajooga dheer baa hodiyo suuniyaa qorane
    
    u sifee in loo soo halgamay suurad wacanlayda
    
    u sifee inaan lagu helayn  suul dhabaalaha e
    
    u sifee abwaan faysalow soolka lagu ragay
    
    u sifee In lagu soo korsaday seefo lagu riiqday
    
     u sifee in caashaqa nin qudha aay la soconayso
    
    u sifee suleekhadan inaan sax u horseedayo
    
    u sife saboolkiyo inaan sebiga qaadaayo
    
    u sifee sokeeyiyo xigaal in aanaan seegaynin
    
    u sifee shareecada inaan sax ugu haynaayo
    
    u sifee sunnaa iyo in aan faralka seegaynin
    
    u sifee in aan ahay masuul sugaya qaybtiisa
    
    
    
    
Sabo Wanaag   Dib U laabo

    
    
    
    
    SABO WANAGAAG
    
     
    
    Gabaygan waxa la yidhaadaa sabo wanaag,Waxay iyana daba
    socotaa gabaya suleekha
    
     
    
    Sa,ada gabay allaa ii sakhiray surimaday taale
    
    Sidrigaa ilaahay iigu dhigay saadad quruxlay
    
    Marba se waxaan sameeya  markay sowrac leedahay
    
    Bal  isuga suleekhaba ragbaa saamaha u tumay
    
     
    
    Siciid iyo abwaan faysalow  sidani waa yaabe
    
    Ma sugayn su,aal iyo inaad hadalka saaftaane
    
    Ma sugayn suleekhana inaa iila siman taane
    
    Ma sugayn inaad ila  gashaan dhowr saf oo kale
    
    Ma sugayn cidbaa kuula siman sabar wanaaglay e
    
    Ma sugayn nimaan uba surmiyin say u noqodkeeda
    
    Ma sugayn suleekhay cidbaa kaaga soof badane
    
    Ma sugayn inaan weli ku jiro soorta cuni waaga
    
    Niman maalin kuu soconinbaa sowjad kaa dhigay e
    
    Ma sugayn suleekhay  halkay kugu sabaareene
    
    Ma sugayn sabool kaad tihiyo suunta lagu joojay
    
    Ma sugayn sulekhaay nin kale inay ku siiyaane
    
     
    
    Sedka se eebahay baa baxshiyo  soofka xoolaha e
    
    Imisaa nin fooq sare lahaa  maanta laga saaray
    
    Imisaa nimay sikhi dheheen sebenku laaluufshay
    
    Imisaa salcaano gambiyo  saaka shilin haysaan
    
    Imisaa saraakiil wakhtigu mariyay seeftiisaa
    
    Imisaa nin loo sacabo tumay saaka laga baydhay
    
    Imisaa wakhtigu saacidoo saxal ku meeraystay
    
     
    
    Imisaa sabool taajiro sidig irmaan foofshay
    
    Imisaa nin uu seben ku xidhay  saaka mahad joogaa
    
    Imisaa  sumuli mid aan lahay dooler lagu sooray
    
    Imisa wakhtigu saamaxoo meelo sare gaadhay
    
    Imisaa sekhraan eebahay khayrka solansiiyay
    
    Imisaa nin saajina xiligu siigo qabadsiiyay
    
     
    
     
    
    Hadi se aay saldaneeda wacan aniga la I saaro
    
    Sarmaan doogle baan furilahaa seeri roob helay
    
    Marba waxaan u soo  sahaminlaa sagalka roobade
    
    Subag iyo waxaan siin laaha caano subaxeed e
    
    Anigaa ka saacidi lahaa kaa la socotaane
    
    Sidko dhalay ayaan caanohood siinlahaa abid e
    
    Subax noolba waxan daajin laa sabaradii howde
    
    Sebigiyo waxaan korin lahaa kii saboolaba e
    
    Sida maanta ay tahay marnaba kuma sameeyeene
    
     
    
    Waxaan ahay nin sooryayn lahaa kii sokeeya ah e
    
    Aniga sagaal jeer ka wacan kaa la socotaane
    
     
    
    Igu sima wax badan lahaa samirku waa deqe
    
    Igu sima  sebanaa u hadhay waan sidataa e
    
    Igu sima anaa idinku furi sabo barwaqaad e
    
    Igu sima wakhigu waa sitaa kaa u sidigteene
    
    Igu sima suleekha I tidhi saakaba I hoo e
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.