Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Cabdi iidaan | 

  Hordhac

    Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Calan Saar    Dib U laabo




Cabdi iidaan

Gabaygan waxa abwaanku tirshey habeenkii Calan-saarka.
Ayadoo abwaanno badani oo Timacadde ka mid yahay ay
habeenka goobjoog ahaayeen, gabaygan wuxu Cabdi ku qaatay
kaalinta kowaad.

Geeraar baan awalkiisiyo
Anbaduu ka bilaabmiyo
Halka uu ku idlaadiyo
Sida loogu Ishaadiyo
Aakhirkiisa hayaaye
Indhaweyd iska daayee
Akhyaartiinan Golaa
bal maydiin akhriyaa

Eray wayga Salaan
Erayna wayga duco
Halna waa ururkeenna
Erayna waa Calanka

Eray wayga salaane
Waa araarad maqnaynoo
Waa ashqaalo magaaloo
Ammintanaannu haleelnee
Ereygawgu horreeya
A-Salaamu-Calaykum

Erayna wayga duco
Ilaahow ururkeenna
Inta loo denbi dhaafee
Ummaddii Nebigiiyee (NNKH)
Ehlul-Khayra ka yeel

Ilaahow arligeennana
Mid ammaan lagu joogoon
Abaaroobin ka yeel

Ilaahow aduunkeennana
Mid ibtiisa la maaloo
intifaacleh ka yeel

Ilaahow Oodda dhexdeenana
Soomaaloo idilkeeda
Midday uurka ku hayso
Mid Ilaah ka daweeyoo
La Illoobo ka yeel

Ilaahoow eraygaygana
Mid aammiin la yidhaahdoo
La ajiibo ka yeel

Ilaahow udubkeenna
Istiqlaalka la siiyey
Afarteenna bahoodee
Hareeraa kaga oodan
Isu keen wada keenoo
Mid adkaada ka yeel

Erayna waa Calankeenna
Uumigii milicdii iyo
Asqadii dhaxantii iyo
Afduubkii xadhiggii iyo
Adduunkii lacagtii iyo
Ibtilooyin kaleetiyo
Eed wixii nagu gaadhay
Adaan kaaga qabawnayoo
Kolkii uu araggaagu
Iiftiinkii ugu deeqayba
Axdabtii? laga raystayoo
Dad aqoon daran miihinoo
Maanta meel laga ooyiyo
Oheey way iyo ciil iyo
Uurku-taallo ma joognoo
Ilaahbaa mahaddaa leh
Oo abaal loogu qabaa

NFD-ii ninka joogiyo
Kan Amxaaradu laysiyo
Obokh meel la yidhaahdiyo
Labadaa ku arkaaya
Sidii Aaranka geeloo
Inta uu ul ku goosmay
Intaad ooho tidhaahdo
Ururiyoo dul sudhnaw oo
Isticmaarka fogeeyoo
Ardigaaga xoreeyoo
Insha-Allaahu hagaagoo
Adkaw oo ha nuqsaaminoo
Ishii Cawri taqaanniyo
Kuwa uurka dabaayiyo
Afka layska habaaro
ILaahay idamkii
Kuma soo ag maraan

Albaqraa iyo Weyluniyo
Arbacuunka Quraankiyo
Idaajaa kugu deyrey

Halna waa ummadeennee
ururshow ururshoow iyo
Ma kii loo irkaadaa iyo
Waa kan kii araggiisa
Indhuu noogu baxeen iyo
Alloow yaan ka fogaaniyo
Intanba yawga dhawaadiyo
Yaa agtiisa ku waariyo
Oggolaannay dhahaaya oo
Amranaa ku xigsiiyoo
Qof walooba agtaadiyo
Aqalkaaga hortiisa
Albaabkaaga ku joojiyoo
Ilaaliyoo ha ka jeesan

Gabaygani wuxu isla abwaanku ka tirshay Khayriyada
Hargeysa habeenkii Calansaarka wuxuuna ka mid ahaa
murtidii uu habeenkaa Abwaanku ku mutaystay KAALINTA KOOWAAD.
Digniin: Gabaygu ma dhamma mana saxna Cajladda aan ka
qoray oo tayadeedu liidatay darteed:

Isticmaar wax badan baan ku jirey lay addoonsado'e
Waagay Eebada qaybiyeen eedda laga boodey?
Ayaankaa la kala roonyihiyo ubadka xoolaaye
Innagaa Allaylehe ka dhigan awliyoo kale'e
Dadba Midaannu kaga aarsannoo aayalaad tahay
Durba waadigaa nagu anfacay aammin nabadeede
Amley iyo warmii qarinay iyo agabti shaydaanne
Ayaantuu Qiyaamuhu dhacee Suurta la afuufo
..........................
Allayliyo allaylehe malaa adiga weeyaane
NFD-ii kuwii joogey iyo kuwii in uga baalleeyey
Alambaqa kuwii lagu ridee Uubta lagu hooyey
Iyo kaa ifka u soo baxee maanta ku arkaaya
Iyo kii Qurbaha ku anbadiyo odayadii raagey
Idilkoodba adigawga dhigan Aabbe iyo Wiile
Insha-Allaahu Soomaali waad ururin doontaaye



Boqorkayow    Dib U laabo


		  Cabdi Iidaan Faarax Nuur,

		  Cabdi Iidaan wuxuu Alla ha u naxariistee rishey tixdan
		  mar si xaqdarro ah ay u xidhadhay Dawladii Musuqmaasuqa
		  ahayd ee Doxorkii Afweyne ka horreysey. Waxa Cabdi la yidhi
		  waa inaad soo qorataa arki si la idiin cafiyo. Cabdi wuxu
		  go'aansaday inuu Arji qorto balse aanu aadane ku hagaajine
		  Eebbe kaga dalbado waxa uu doonayo.Waa gabay aad ka dhadhansanayso
		  Muwaxidnimada Cabdi iidaan iyo islaamnimadiisa qotoda dheer.
		  Ilaahay u naxariisaygu wuxu yiri;

		    Ilaahaan baahannee loo baahanyow Boqorkayow Hee Dheh
		  Ilaaha weligi baaqiga noqdoow Boqorkayoow Hee Dheh
		  Iaaha Deeqsinnimo loo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

		  Ilaahi Waaxidnimo loo bartoow Boqorkayoow Hee Dheh
		  Ilaahaan xaq lagu beeninnoow Boqorkayoow Hee Dheh
		  Ilaaha dunida baaraxa khalqoow Boqorkayoow Hee Dheh

		  Ilaahii inu burburin sheegayoow Boqorkayoow Hee Dheh
		  Bini'Aadmi waa meel sokee Boqorkayoow Hee Dheh
		  Bismillaahi waa culustahee Boqorkayoow Hee Dheh

		  Ilaahii Dartii lagu beryoow Boqorkayoow Hee Dheh
		  Kolka Bacadka yoomkiyo la tago belel Qiyaamaa
		  Ninkastoo Badraanihi markuu biidna tari waayo
		  Ilaaha Xukunka keligii bogtoow Boqorkayoow Hee Dheh

		  Bar Janno iyo Cadaabtuu khalqiga ugu bushaareeyey
		  Badhba meelu geeyoba markuu kala boqoolsiiyo
		  Ilaahii laba u kala baydhiyoow Boqorkayoow Hee Dheh

		  Bidhaantii kastaba kii arkoow Boqorkayoow Hee Dheh
		  Bad wax mara berriga waxa jiriyo buuro dabadooda
		  In bogliyo in baabaca dhigtiyo baalka lagu duulo
		  Bushimo nool Allaha quudiyoow Boqorkayoow Heedhe

		  Biyo Oday intuu iga khalqiyo biliq yaroo Dhiiga
		  Bilcan Dumara uurkeed intuu igu barwaaqeeyey
		  Barna aniga oon qabin isagaan igu bukaysiinnin
		  Ilaaha Nolosha igu soo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

		  Baabaca addoon baan dhigtee Boqorkayoow Heedhe
		  Boqolkaaga magac ee mid la' yaan baaqa maqashiinne
		  Allow xadhiga sahal iiga bixi kuu baryootamaye

		  Markii la sii daayey Cabdi iidaan ayaa ninkii Xabsiyada
		  haystay oo Xasan Cabdi Khayre la yidhaahdaa " Waataa lagu
		  sii daayey ee maantana maxaad odhan lahayd". Markaas ayuu
		  gabaygan kale ee qotoda dheer tiriyey;

		  Mar wax-bixiye bini-aadmibaa lagu maleeyaaye
		  Adigaan qasnadahaagu madhan oo mahade buuxaane
		  Adiguu ku soo magan-galaa ruux madluum ahiye

		  Kol haddii Miciinoow la yidhi meel kalaan jirinne
		  Maqribkay cadceedu u dhacdiyo muuqashada Waaga
		  Madowgiyo Iftiinka is beddela maalin iyo habeenka

		  Madhabti Quraankaan bartiyo Maxamed Jaahiisa???
		  Iyo magaca weynee Carshiga yaan miskaansadaye
		  Haddana sacabbadaydii madhnaa meesha soo dhigaye
		  Maantana ilaahow i furo kuu martaan ahaye

lABADEENA DEGAL    Dib U laabo

	Cabdi Iidaan:

	Cabdi Iidaan Faarax (Ilaah ha u naxariistee) wuxu ahaa abwaan
	weyn oo  magac iyo mansabba ku lahaa maansada mugga weyn ee
	Soomaalida.
	Gabaygan oo ka mid ah kuwa fara-ku-tiriska ah ee Cabdi ka
	tirshey Qabiilka waxa uu abwaanku u tirshey Abwaankii weynaa
	ee Qawdhan Ducaale. Qawdhan Ducaale oo da' ah iyo Cabdi oo
	dhallinyaro ah gabaygana bilaabay ayaa waxa colloobey labadii
	Juffo ee ay ka soo jeedeen. Colaaddaas oo koobnayd waqtigeeduna
	yaraa wixii lagu heshiiyey u cuntami waayeen Qawdhan Ducaale oo
	isagu soo gaadhay horraantii 1950-meeyadii.
	Qawdhan wuxu tirshey gabay aannaan wax badan ka hayn balse ay
	tuducyadiisa ka mid ahaayeen;

	Gobannimo la iibsaday sidii weden la gooshaashay?
	Cabdiyoow ninkii gaabsadaa iima soo galo'e
	Kol hadday go'doomeen raggaan garabka saaraayey
	Gujo laguma faanee haddaanaan geydha soo celinnin
	Gebagebaha haddaan reer Xuseen goosan ka hungoobin?

	Cabdi iidaan intuu u tegey buu Qawdhan weydiiyey inuu gabayga
	tirshey taasoo uu u xaqiijiyey. Cabdi oo nin Ciidagale ah
	isugu sheegay Qawdhan ayaa yidhi "Nimankii Arab way soogabyeen
	oo waxay yidhaahdeen";

	Waayahanba dawlaabta gabay kuma dedaalayne
	In dhaweyd dan baan uga baxoo kuma dannuukhyayne
	Dabshidka iyo waa laba habeen Dirirka-Cawleede

	Danbarsamaha iyo Naafku waa kala danbeeyaane
	Daruuraha cirkuna maalin bay di'itin maagaane
	Xaluunbaan dawaarka u rogoo daaqadaa furaye
	Bal an dayo denbina wuu gala laguna deyn waaye

	Meeshiyo Duraay iyo halkiyo duudki nebi aadan
	Dariiqada Islaamka iyo sidii dunida loo joojey
	Dunta Maxamed iyo Ciidagale waa is dilayeene

	Weligoodba labadeennan degel Daawo ma lahayne
	Haddaannaan dacar qadhaadh idinku noqon nalama daayeene
	Dadka wixii ku soo raaci kara daan walba u qayli

	Inta cagaha lagu daaliyiyo doono ba Xawaadle
	Diraac curataay roobkoo onkodey doogga naga waabi
	Geerida wax kaa daaficiyo diricyo soo qaado

	Ducaaliyo Warsame Gaanji iyo Diiriye u yeedho
	Dalbo Aabbahaa baa ka iman daarta aakhiro'e
	Maantaba Dayuurado ka kici dooxan gudihiisa

	Qawdhan Ducaale markuu gartay in Cabdi gabayga tirshey ayuu yidhi;
	"Adeer waad gabyaysaaye, gabayga Cayda ka ilaali"
 
Diigaa    Dib U laabo

 Abwaan Cabdi Iidaan Faarax hal-abuurka maansada Somaliland safka
 hore ayuu kaga jiray Ilaahay haw naxariistee. Habeenkii Xornimadii
 60kii abwaanku wuxuu helay kaalinta koobaad marka la eego gabaydii
 la maraiyay markii la saarayay calankii Somaliyeed ee ugu horeeyay .
 Waxa gabayo lama ilaawaan aha goobtaa ka tiriyay Axmad Ismaciil
 Diriye Qaasin iyo Cabdilaahi Suldaan Timacadde. Naftiisii wuxuu ku
 waayay maansooyin isdabajoog ah oo uu ka tiriyay xukunkii kaligii
 taliska ahaa ee dhaawaca weyn u gaystay dalka iyo dadka Somaliland.
 Halkan ayaad ka akhrisan kartaa Deeleey iyo Shiinleey uu abwaanku
 ku farayarystay. Abwaanka waxa igu maqaallo ah inuu jacayl bestii
 la ahaa markuu midhaha heesahan curinaayay, nasiib darana waxa ahayd
 isaga oon ku guulaysan, ama jacaylkiisii aanu midho dhalin. Si
 kastaba ha ahatoe', abwaanku midho dhaxal galeena ayuu uga tagay
 dhammaan dadka afka-Somalilaga ku hadla. Heestan magaceeda waxa
 la yidhaa "Diiggaa Habeenkii", waxaana ku luuqeeya fanaanka weyn
 Maxamad Axmad Kuluc.
 Heestu waxay ku bilaabmatay sidan,


 Diiggaa habeenkiyo
 marku waagu daalaco.
 Dumaraw aad ugsoontoo.
 Dayaxoo badh kaa maqan
 Dabuubta ugu yeedhaa

 Diinkuna madhuunyadoo
 Dareemada abaartii
 afka uu diidaa
 halku g'ugii ku daaqee.

 Ana dookhu yaab lee
 sidu iigu kaa diray
 Dawoy adiga mooyee
 Dumar kale ma eege.

 dan kaama le taa dhaaf
 Waa doqone haw jabin
 Dar baa igu yidhaahdee.

 Ama diraadiraalaa
 dadka kaa xanaaqee
 uunka kugu colaadshaan
 inta daaya leeye.

 Baydka Labbaad

 Daya awrka geeluba
 wuxu micida duugaa
 dayrta iyo g'uguu
 isba dayrcadkiisuu
 Sheeda uga doobyaa.

 Marku daalo xiisaa
 wuu kalii dawaafaa
 darba samada cawshu
 daruurahaa ka faashaa

 Ana dookhu yaab lee
 sidu iigu kaa diray
 dawoy adiga mooyee
 dumar kale ma eegee

 dan kaama le taa dhaaf
 Waa doqone haw jabin
 Dar baa igu yidhaahdee.

 Ama diraadiraalaa
 dadka kaa xanaaqee
 uunka kugu colaadshaan
 inta daaya leeye.

Deeley    Dib U laabo

Cabdi Iidaan Faarax
Gabaygani wuxuu ka mid aha Silsilad la magac baxday Deeleey
oo falanqaynaysay xuukunkii faqashta ahaa ee dalkaa waagaa
ka talin jiray. Wuxuu gabayga abwaanku curiyay Alla haw naxariisto
eh sanadkii 1980, maansdad inteeda badan wuxuu u jawaabayay
nin faqash ahaa oo la odhan jiray Cali Cilmi Afyare. Dadka qaarkood
waxay ay qabaan in Cabdi Iidaan xunkuku uu u dilay gabaydan daraadood.


Wuxuu Yidhi:


		  Deelleey dareenleey
		  Rag Alloow ma dooxaa
		  Ma dillaaciyaa nabar
		  Daboow duur galoo olol
		  Adiguna Digooy gubo
		  Danba maw idhaahdaa

		  Habartii docdeediyo
		  degelkay ku noolayd
		  Daruuruhu ku hooreen
		  dadka wada hel mooddoo
		  Daad-wararac bay tidhi
		  misna talada kuma darin
		  inu duud abaariyo
		  Degel lagu harraadiyo
		  Gobol lagu darleefiyo
		  darxumooyin muuqdaan
		  Dirqi-ku-nool u badan tahay
		  danyartiyo shaqaaluu
		  daasad garawa goyn karin
		  Inuu Duhur-Dalawgii
		  Debedaha u suudalay
		  dibjirkii ku maqan yahay
		  Waase Dumare yeelkeed

		  Dibigii Xareeddiyo
		  Dooxadu u buuxdee
		  Dinaahyeeyey ee ciyey
		  Isagiyo dibbiradii
		  Duuluulka Karantiyo
		  Dayrtiyo Jidhaamaha
		  Dareenkiisu kama foga
		  Lo'eey dabargo'aagii
		  Dabadheer abaartii
		  dariiqyada wadhnaantii
		  Dawyada tubnaantii
		  Dabadeed dhulka u dhow
		  Duunyada u tabar-daran
		  Dumar seben barwaaqa ah
		  Subag kaa dudduuciyo
		  Nacasbaan ku deynine
		  Kaa durug nin fiicani

		  Afartaa dheh deelley
		  Dadkaa lagu habaaraa
		  Ducona waa u dhawdahay
		  Alla Ku Doori waa maxay

		  Daad kor u socdaa jira
		  Durdur oomay baa jira
		  Dabar waashay baa jira
		  Dameeraaba Weyl dhalay
		  Sacab timo ma laga deyey
		  Duqdi nirigti kama gudhin
		  Isku dununuc reentee
		  Daawad Gorofka yaw culay
		  Suaashaasi dawga ah
		  Danyar cabashadeeda ah
		  Dulmanaha warkiisa ah
		  Kacaankana Dansheegiyo
		  Dawya u tilmaanka ah
		  Duqu yidhi abwaannada
		  Dareenkiina soo dhiga
		  Diqsi ururay baad tiin
		  Nin deggani ma odhan karo
		  Duuflaalse mooyaan
		  Dirxiguba dantiisuu
		  Qudhunka u dabbaashaa
		  Waxa taa la derejo ah
		  ninka soorta duufka ah
		  dadku nacay isagu cunay
		  dardarsaday Fandhaallada
		  Anigaa dushaydiyo
		  warma danana iyo seef
		  Dunjigayga lala dhacay
		  Doofaarka ficil li'i
		  Naar loogu daayimi
		  Horta maan dagaallamo
		  Duqa yidhi ma maqasheen

		  Dul-ka-muummin baa tahay
		  Uur-ka-Daallin baa tahay
		  Dibno Kacaana baa tahay
		  Isha bidixna kuu daban
		  Dalba-Juuqahaaguna
		  Wax la dedo ka xeel dheer
		  Allow yaa ku dooxoo
		  Haddana aan ku dilinoo
		  Waxaad damacsantee kale
		  Debedda ula soo baxa

		  Afartaa dheh Deelleey
		  Dabray oo ka jeedladay
		  waxan uga danlee yahay
		  Dadka reer Jaboutee
		  Dawladnimada tooda ah
		  Cidna aan iskaga darin
		  Waa deris walaalkaya
		  Dugsi weeye gacalnimo
		  Anigu waan ku diirsaday
		  Lama dira-diraalayn
		  Ha daardaarin waa gobe
		  Aniguna ma diidani
		  Dugaagbaa ku shiray meel
		  Daawana way lahaayeen
		  Hal dubaaxa buu helay
		  Waraabii dedaalkiyo
		  Duqa weyn isaga buri
		  Darribtii u wada dhigay
		  Waa kii Dawrigii Aar
		  Ku dellaley dharbaxada
		  Inuu dilose ma ahayn
		  Wuxu yidhi Dayooy hee
		  Adna Dogob qaroomee
		  Isku wada darsay tidhi
		  Wuxu yidhi Dayooy yaa
		  Daacadnimada kuu dhigay
		  Dacawadi waxay tidhi
		  isha Cali ninkii deyey
		  Digniin wawgu filan tahay
		  Dibna leef shariir hoo
		  Dufan jecel dheryaha kari
		  Diktoor beena sheegtiyo
		  Afarrey ku daahiyo
		  Mid Ammaana doontiyo
		  Dir-cunnooy ha kala tegin
		  Adiguna Dameeroow
		  Dawankaaga qaadoo
		  Higso faraska Doolaal
		  Dani seeto weeyee
		  Daba soco ma gaadhide

		  Haddii gabayadii Dura
		  Salfudaydka lagu daray
		  Degdegsiinyo weeyee
		  Mid ka daran ma sheegnaa
		  Darbanoow Astaadkii
		  Seyidkii Daraawiish
		  Kula diriray gaalada
		  Dar Allee habaarkii
		  Labaduu is daba dhigay
		  Dalka yidhi idiin tali
		  bal darmay ahaayeen
		  Anuu daaha kama rogin
		  dadkuse waa yaqaannaa

		  Dabbaal barad caruuriyo
		  Dhalinyaradu daashaye
		  kolka daan-cirrooliyo
		  Raga madaxu Deeb yahay
		  Dirirta isu soo hadho
		  Warku daaqsin geel tago
		  Ninba maaxdi haw dego
Sheeg hadaad garato    Dib U laabo

	      Sheeg Hadaad Garato

		  Cabdi Iidaan Faarax Nuur
		  Wuxu yidhi Cabdi Iidaan Faarax Alla ha u naxariistee.

		  Kolkii Midhayarii wada shuq yidhi shidantay Deelley'e
		  Shinbir_Dharabtu meel Aar fadhiyo shuuqa kama deynne
		  Sha'diibaan hayaanka u rarnay iyo shaanbis geeddiga'e
		  Shaabuugga nadigaa tix-yare sheexa ka lahaanne

		  Affarrey ha lala soo shirtago Shoolla Booliyahe
		  Halkaasaa Sengaha noo sharraxan shaalka loo sudhaye
		  Shafshafaha duxda ah leefihii cid u shaqaynaayey

		  Iyo SHurunshur malaggiisu galay haysa soo shubo'e
		  Shilmaqabe tixdaan Gaarriyoow shiinka ka asteeyey
		  Ama Geenyadaan xalay shirrabay shalaw abraarkeeda
		  Meeshaan Shakamaddawgu xidhay sheeg haddaad garato

		  Shafarta iyo dabaylaha jiraa shaamareerka lehe
		  Shifo waxan lahaynoo la cuno sheeg haddaad garato
		  Shubaal quruxsan Gaawaha shaxshaxa Shuqul gobaadeedka
		  Shinni dhagax sideedii markuu noogu shiro geelu

		  Sharaan duhurki sharad kuugu galay, Laaska shacabkaasa
		  Inaan maantadani kuugu shubo ee shifo u hooda
		  Markay shaaxin ugu heesayaan kama shiddoodaane
		  Sharba uga ducee inaanu helin shil iyo qayrkiiye

		  Misana Sheekhyadii iyo u qabay Weliyo sheellaaye
		  Misna sharax Kitaab kama akhriyin Shed ay ku yaallaane
		  Waxa badawgu SHa'allaah u yidhi sheeg haddaad garato
		  Shibba waxa dibnii looga dhigay shar iyo khayr daayey

		  Abwaan wuxu murtidi uga shakiyey sheeg haddaad garato
		  Runtii shimiqda waxa looga dhigay una shareernaatay
		  Ee ay beentu shaaraca ku timi sheeg haddaad garato
		  Shirkii lagu ballamay faalladii shaaca laga qaaday

		  Shalmadi Koore raacdoo waxbaan sheedda ka arkaaye
		  Shishe u aragnay haasaawihii shaadirka lahaaye
		  Shaf-dhiggiisu meeshuu hirdiyey sheeg haddaad garato
		  Belaayada shinkeed galay fidmada laga shaqaynaayo

		  Shoocaalligeedaa hirmacay waase sheen ga'anne
		  Halka shalaxda lala maaggan yahay sheeg haddaad garato
		  Cadceedduba Dayaxa shiiqiisee waana laba shay'e
		  Wuxu Shamacba taaggii u huray sheeg haddaad garato

		  Shafartii qabiilkiyo Wiglada lagu shanlaynaayo
		  Waxa qaranka shuushkii ka baxay dib ugu shaasheeyey
		  Duqdii oo Shakaalkii qabriga iyo shebeggi hayn waayey

		  Shaaruba Libaax iyo hadday Shaadh ammaan tolatay
		  Sharcigi lagu qaban lahaa meelu jiro sheeg haddaad garato
		  Ninku kibirku shaanshaan ka ridey waaya shaxartaanye
		  Misna waxanu sheekada ku darin shiishka soo maqane

		  Inta Shaqalka gaabani u jiro sheeg haddaad garato
		  Shif u dhimo nin ragi waa geyaa sharafna nooloow'e
		  Waxay Sharadi meesheed u tahay sheeg haddaad garato
		  Shilalka lagu qal neefkii la cuni Shidhada xoolaaye

		  Shanqadhiyo Shariiryaha digsiga shagagaxdii weelka
		  Sidii Wananka loo kala shishlaa Shiillimaad noqoye
		  Shansho kama dhadhamin reerku waa shey cajaa'ibahe
		  Waxay sheeka-baraleeydu tahay sheeg haddaad garato

		  Shabeelkiyo Orgigu waa heshiis Shiibba?? dhega yaabka
		  Shilalkay isugu dhuumatay ee nabaddu shuuxshuuxa
		  Shullo maran la dhigaybaa jirtee sheeg haddaad garato
		  Shaxda niman aqoon lama degeen mana shu'aysteene

		  Shan Soomali oo wada socdoo Calan ku sheekeeya
		  Shinmaa la arkayaa waa su'aal sharad ka yaallaaye
Hadaan Baadad Leeyahay    Dib U laabo

Abwaanka waxa igu maqaallo ah inuu jacayl bestii la ahaa
markuu midhaha heesahan curinaayay, nasiib darana waxa ahayd
isaga oon ku guulaysan, ama jacaylkiisii aanu midho dhalin.
Si kastaba ha ahatoe', abwaanku midho dhaxal galeena ayuu uga
tagay dhammaan dadka afka-Somalilaga ku hadla. Heestan magaceeda
waxa la yidhaa "Hadaan Baadad Leeyahay", waxaana ku luuqeeya
fanaanka weyn Maxamad Axmad Kuluc.
    Heestu waxay ku bilaabmatay sidan,


Hadaan baaxad leeyahay
Bada soma jiidheen.
Hadaan baalal leeyahay
Bari soma duuleen

Saw bilic haldhaaley
barta ay ku nooshahay
kuma waa bariisteen
Alahayw cidi i bixii


Heeta soo dhameeya

Waxba Yaanan Xanaaqinee    Dib U laabo

 Heestan magaceeda waxa la yidhaa "Waxba Yaan Xanaaqin",
 waxaana ku luuqeeya fanaanka weyn Maxamad Axmad Kuluc.
     Heestu waxay ku bilaabmatay sidan,


 Waxba yaan xanaaqin
 Markaan soo xasuusto
 Xaawalayda naagood
 ragi wada xumayseen
 Xiisaaha kal gacalkana.

 adaan xaynka kuu sudhay
 adaa godob xambaartee
 xidigaha cirkana qabo
 kolay kugu xidhiidhshee


 Heeta soo dhameeya

             
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Hoyga Suugaanta

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.