Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Bashiir Xasan Jaamac | 

  Hordhac

Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan

    
    
        Taariikh Suugaaneedkii Abwaanka da'da yar ee Bashiir Xasan Jaamac
    
    April 02,2009
    Bashiir Xasan Jaamac oo lagu naanayso (Faras)  waa aqoon-raadis da,yar oo ku nool
    caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur.Bashiir  Wuxu ku dhashay ,Deegaanka
    Baalidhaye sannadkii 1988 dabayaaqadiisii.
    Aabihii Xasan Jaamac Abokor   Wuxu ka mid ahaa  hormuudkii  odayaashii dhaqanka
    ee dawrka weyn ka qaatay halgankii dib u xoraynta dalka(Somaliland) ee SNM hogaaminaysay.
    Hooyadiina waa Shamis Cabdillahi Maxamuud oo degen magaalada Burco.
    Faras Wuxu Ku barbaaray waxbarashadiisii hoose dhexe iyo sarena ku dhamaystay magaalo
    madaxda gobolka togdheer ee Burco,Waxanu ka qalin jabiyey Dugsiga sare ee Alfaaruuq
    Secondary School Burco sannadkii 2008 , isagoo  ka mid ahaa saddexdii arday ee ugu
    derejada sareeyey sannadkaa gobolka togdheer  .
    Isla sannadkii 2008 ayuu waxbarasho dibadeed u baxay waxaanu tegay Wadanka Uganda,
    muddo yar ka dibna wuxu u dhaafay dalka Kenya oo uu ilaa Sannadkii 2009 ku sugnaa .
    Sannadkii 2009 ayuu tegay Wadanka Malaysia si uu waxbarashadiisa jaamacadeed halkaas
    uga sii wato , Halkaasi oo uu ilaa iminka degenyahay,kuna diyaariyo Maaddada Chemical
    Engineering , Department of Water and Waste Water .
    Marka laga yimaaddo mihnada waxbarasho ee uu ku fooganyahay Bashiir  dhinaca kale waa
    halabuur curiyey suugaan badan oo gabayo iyo maansooyinba isugu jira .
    Inkastoo aanu haleelin jaanis badan oo uu bulshada kula wadaago Suugaantiisa oo uu ku soo
    bandhigo  marka laga yimaaddo munaasabadaha Jaalliyada Malaysia ku kulmaan, balse isaga iyo
    asxaabtiisu waxay ku guulaysteen inay uruuriyaan oo qoraal ku sameeyaan Suugaantiisa.
    Halabuur kasta maansooyinkiisu waxay xidhiidh la leedahay waaqica iyo duruufaha uu la
    noolyahay sidaasi darted inta badan suugaanta Bashiir waxa laga dhex arki karaa duruufaha
    ardaynimo dhallinyaronimo ee uu deriska la yahay waxaa kale oo si muuq weyn looga dhex arki
    karaa qaybaha kala geddisan ee nolosha geeska afrika oo uu wax badan ka yidhi.
    
    
    
    
    
     
Dalxiis   Dib U laabo
    
    
    Dalxiis.Jan-2012.
    Gabaygani  oo uu tiriyey Bashir Xasan waa farriin ku socota Madaxweynaha
    Somaliland  waa tilmaan iyo hoga tusaalayn aanay waano iyo toosini ka madhnayn,
    tixdu waxay madaxweynaha u farmuuqaysaa dhaliilo dhawr ah oo intii xukuumaddiisu
    jirtay soo if baxay ,dhinaca kalena waxay qiraysaa waxqabadka mudan in la xuso
    ee ay xukuumaddu fulisay , aakhirka waxay ku gebogeboobaysaa fariin sheegaysa
    hiigsiga iyo himilada shacabka ee ay tahay in Madaxweynuhu xasuusnaado oo
    maanka ku hayo , waxay si dadban u leedahay Madaxweyne Ummad iyo qaran cusub
    oo inuu adduunyada la jaanqaado doonaya ayaa hogaanka kuu xushaye ku xisaabtan
    oo xasuusnoow markasta .
    Waxay tixdani ka dhalatay mar madaxweynuhu fasax nasasho ah ugu baxay dalka UK
    isweydiintii ka dhalatay ee ahayd malaa Madaxweyne adigoo wadanka ku nastaa ka
    qurux badnayn dibadda shishe.
    
    1)                Nimanyahaw daliil gabay ka tegay dihashadiisiiye
    2)                Durbaankii tixdaydana mar hore waanigii dedaye
    3)                Ma deyaamin maansooyinkii dulucda weynaaye
    4)                Rag uun bay dirqiyayee qalbigu diidyey ereygiiye
    5)                Dedaal iyo aqoon baan muddaba daalib ku ahaa .
    
    6)                Halse caawa aan doonayaan deel ku falanqayne
    7)                Dabuubtana Nin baan ula socdaa aan u digayaaye
    8)                Bal aan diro nimaan shiish ku deyey daaqad baa furane.
    
    9)                Nin ku dilay nin kuu dudahayiyo dirir nin kuu sheegtay
    10)               Ninkii dabinno kuu qoola, ee tooray kugu daaba
    11)               Ama darayo kugu ciijiyee diida samahaaga
    12)               Intaba waxa kaaga  daran ama ka doorweynba
    13)               Ninka dumarka caayaa ka culus dil iyo qoor goyne
    14)               Dimuqraaddinimadii hadday dihatay ceeb oo dhan
    15)               Haddii gaal intuu daarta galay dilay asluubteenna
    16)               Sharaftii dadkeeniyo hadduu dooxay magaceenna
    17)               Gabdhihii dalkeenniyo hadduu dahabo aafeeyey
    18)               Dusdus waa sahaalo,e hadduu duubay xumahooda
    19)               Oo uu damaaci iyo is lihi derejadaa gaadhay
    20)               Axmedow deldelis buu ahaa daacufkaa xumiye
    21)               Gobannimada kii dalaw ku riday waadigii diraye
    22)               Isagoo raguu daba mariyo shacabku doonaayo
    23)               Denbi weeye inaad saamaxdoo duulisaa galabe
    24)               Doc wareen bay dhaartii ku tahay aad dudubiseen.
    
    25)               Afartaasi waa dood hore oo wayga degi weyday
    26)               Oo dareenka iyo maankaa I yidhi raaci dulucdaada
    27)               Oo duqu inuu xusuustaan rabaa way ku soo duxiye
    28)               Oo waa iga digniin oo gadaal waw dardhanayaa
    29)               Oo waan dardaarmaye xirsoow geliya diiwaanka .
    
    30)               Ammin kalena waa dibad la tago doorkan manta ahe
    31)               Damaashaadkan loo baxay haddan dood ka yara keeno
    32)               Axmedoow dalweynoo dhismaa laga dalxiisaaye
    33)               Keennii duruufo iyo dhibbaa loogu dawgalaye
    34)               Hadduu dunida koobaad ku yaal kuguma diideene
    35)               Agoon aan daryeel iyo lahayn dawlad hananaysa
    36)               Iyo waxa duleeddada fadhiya qaar itaal darane
    37)               Waxay adiga kuu doorteenna waa daacad waw taline
    38)               U dan maaha dhoofkiyo inaad dibadda joogtaaye
    39)               Xilku derejo maahee ka culus dabaqyo waaweyne
    40)               Haddad nasasho doonayso oo daal ku yara taabtay
    41)               Miyigaa dalxiis lehe abtoow  maad u yara duushid
    42)               Maad daalo iyo sheikh iyo abtoow  dayaxa soo joogtid.
    
    43)               Damaca iyo markii aad lahayd derejo liishaanka
    44)               Ee aad dadweyana lahayd manta ila doona
    45)               Degmadaad maraysaba markaad hadalka deeqsiisay
    46)               Ee aad Ducaaliyo Xuseen duraysay ee maagtay
    47)               Xoorxoorna waad nagu dirtoo daalin baw dhigane
    48)               Ninkii daahir meersada u raray dookhu soo celiye
    49)               Bal dadkana maxaad odhan abtoow durug warkiisiiye .
    
    50)               Afartaasi waa dood kale  oo wayga degi weyday
    51)               Oo dareenka iyo maankaa I yidhi raaci dulucdaada
    52)               Oo duqu inuu xusuustaan rabaa way ku soo duxiye
    53)               Oo waa iga digniin oo gadaal waw dardhanayaa
    54)               Oo waan dardaarmaye xirsoow geliya diiwaanka .
    
    55)               Inkastoo lib lama duudsiyee aad wax derejaysay
    56)               Inkastoo caruurtii dugsiga lacagti loo daayey
    57)               Inkastoo afmiinshaar dadqala xaashi dedefeeyey
    58)               Inkastoo gunnadu darartay oo deeqda helay jeyshku
    59)               Dadku waxay tebaayaan inay dunida haabtaane
    60)               Daryeel loo dhammeeyey shacbigu kaa dalbanayaane
    61)               In sharciyada dib loo fiiriyey kaa dalbanayaane
    62)               Diintiyo kitaab loo noqday kaa dalbanayaane
    63)               Cadli lagu dabaaliyo wanaag waa dan joogto ah .
    
    64)               Adduunkuna beruu dumi karaa aakhiraa darane
    65)               Cadaab duugan jaxiimoo dadcuna iyo naartibaa dedane
    66)               Waxaa loo dedaalaa wixii eebe kuu diraye
    67)               Adigana da,daadiyo cimraa kuu dardaarwerine
    68)               Dib u eeg salaaddiyo digrigu waa mid noo danahe
    69)               Oo dawlad saxan nebigaa dhisaye csw daliiladii eego
    70)               Oo daacad abu bakarbaa noqdaye dhugo dariiqiisa
    71)               Oo samaha lama daadiyee khyrka daba joogso
    
    
    
    
     

Loollan    Dib U laabo

    
    
    
    
    Loollan ; Gabay febraury 2012.
    Gabaygani wuxu tilmaamayaa dhibaatada qurbaha iyo sida aanu qofka laajiga
    ahi xaq badan ugu lahayn dalkiisa hooyo  dibaddiisa ,dhinaca kale waxay
    muujinaysaa dhibaatada iyo waayaha ku xeeran ardaynimada loogu baqoolo dibadda,
    waa fariin Faras  hawada u marinayo eheladiisa  uu ku cabirayo waaqica uu ku
    sugnaa wakhtigaas.
    
    
    Gabay laam ah oo igu lammaan oo laabta miranaayey
    Iyo leeb igu maqnaa ama fallaadh igu likaysnaatay
    Oo damaqna igu laasimtaan caafi leeyahaye
    Lucbi iyo ciyaar iyo midkani laadarnimo diidye
    Waayahays legdaayiyo noloshanaan laaxin soo sudhaye
    Bala aan laxanka saaree  ragyahaw  igula luuqeeya .
    
    Kala lumista leel leel adduun lur iyo hawshiisa
    Laydhiyo dabaylaha side luxaya maankayga
    Lahashada wadnaha iyo qalbiga luudis socodkayga
    Laylkiyo saqdii dhexe indhaha wan libqinayaaye
    Fikirbaan intaa laasimaa iyo lafagur hawleede
    Ledi waayey jiifkii beryahan oo waayey luladiiye
    Cishiriin laxaad qaba oo qurbaha lagu masaariifsho
    Oo ninkale ku laasimay inuu lacag u soo dhiibo
    Oo ardaynimadu laashoo dishoo leexisaan ahaye .
    
    Lodkaygaa markii cali ahaa laadad badan tuurye
    Wakhtina kagama lumin xaashi iyo layslis joogto ahe
    Imtixaanna  naasir uma lugayn land surveying ahe
    Labaduba hadday reero badan Ubad lucuubshaane
    Buugyahaw intaan kugu ladhnaa ee kugu laciifaayey
    Haddaan xoogsi loolami lahaa lahan ma jiifeene
    Lacag iyo maruunbaan hantiba lab ku ridan laaye
    Lammaanaan ahaan laa oo marbaa lay mashrixi laaye
    Intii looxa rabbi iigu qoray kama liqaarmeene
    Ragba yaga oon kugu lugo,in haddana libin la soo toosye
    Deyn layma haysteen iyo hantidaad lumisay maalmaaye
    Ninkaygii lillaahiyo jannada gaaladaw lurayey
    Ee naftiisa dhawr jeer lalmiyey iyo laxaadkiisu
    Cibaadada ma liigeen sidii gaadhi leelmadaye
    Nacab iima liideen sidii laaji oromeede
    Oo sida tuuga laylama dhaqmeen luuqa joogsada,e
    Oo laygama dammiinteen sharciga mana baryeen loowe
    Oo looyar ima soo furteen laalush qaata ahiye
    Oo layliyo ima ay dhibeen labadi naagoode
    Oo tolkay igama laabteen indhaha maalin laac kulule
    Oo sidii loofar saaqiday canaan layma laliyeene
    Oo laygula ma yaabeen maxaa lagugu haystaaye
    Laammigii burciyo maalintaan leedo ka hulleelay
    Laxdadaan dalkaygii ka imi waa markaan lumaye
    Ninkii luqunta ii kaa gashee yidhi anaa loogi
    Ee igu kaa lammaaneeyeybaa laydha raac yidhiye
    Anigoon  ku loofarin midhii oo kula lacaabaayaa
    Anigoo ka laalaada oo qalinka leefsiiyey
    Oo laba iyo badhwada haddii muran ku soo liiqmay
    Anna inaan ku laalaabo oo liif ku yara saaro
    Oon tacab ulaba xoog sadaa waa lab dhaqankiise
    
    Dedaal li,i libaaxuba ma helo deero soo lulane
    Leexyo maruu boodh kacshuu lakabsadaa neefe
    Geeloo laxaadkawga weyn laac ku soo legedye
    Waa luqinjibaadh xeeladduu aar ku liqayaaye
    
    Leedarnimo hanbaa kaa xigiyo dhib iyo luuf luufe
    Markaad loollan adag soo gashaad guusha lulataaye
    Laacibkuba illeen gool la,aan  libin ma soo hoyne
    Geesina markuu liifka rido ee laba labow toogto
    Ee cadawga liishaamiyaa loolulaa ubax
    Liidkiyo ninkii nacas ahbaa rag kale haysta lugahoode
    Inta aanan liic liicn ee madaxa laalaadin
    Xammaalnimo inaan la hadhsadoo leefo dhididkayga
    Oon laba mid weeyee juhdiga leexiyey tahay.....
    
    
    
    
    
Mushaax   Dib U laabo

    
    Maanso (Mushaax).May2010.
    
    Maansadani waa sarbeeb iyo maldanahe ka dhursugaysa in wakhtigu furo ama
    indheer garadku cabiraan dulucda ay koobsanayso.
    
    Murtibay xodxodaysoo
    Waxan muhanayaa gabay
    Carabkaygu maantaba
    Milliqsiga dareenka leh
    Suugaan mugweyn iyo
    Midhuu tirinayaa culus
    Anigaa is maamula
    Waa maanso igu tidhi
    Muuqiyo habkay tahay
    Midabkeeda heesteer
    Waan kuu maldahayaa
    Shaal baan ku marayaa
    Ninkastaa muraadkiyo
    Meeshuu la jecelyahay
    Haku male awaalee
    Adaa garan midhkaygoo
    Miimkayga helayee
    Ninkan magac dhebaayoow
    Adaa maali jiray oo
    Magmagaabin karayee
    Waad mudantehee hoo
    Masanuuni saaxiib
    Muftaaxiyo furaa qabo
    Maqalkaan dabooliyo
    Maqsinada albaabka leh
    Giddi  miim ku falanqee
    Mari oo ka faallood .
    
    Qiso weeye igu maran
    Riyo weeye igu mudan
    Marbay geeri culus iyo
    Murugiyo dhib wadataa
    Rajadaase muushoo
    Yididiilo kama madhan
    Waa geed magooloo
    Ubax iyo mankiisii
    Mayey iyo fileen roob
    Aan maalintaa helin
    
    Afartaasi waa meel
    Mahiigaan sanqadhay iyo
    Warkii xalayto aan maray
    Waa midhkii fufuri laa
    Midhna waa xogtane hoo
    
    Dhulku way maslaxayaa
    Ciiddaa muraadka leh
    Iilkay macsuumoo
    Maxabiyo kalgacal iyo
    Sharaf iga mutaystoo
    Wuxu iga martiyayaa
    Inan hore u soo maro
    Hadba madal qurxooniyo
    Maqaam aan la yaaboo
    Boqollaal kun oo mayl
    Meegaarku joogoo
    Inta geed mankiisiyo
    Midhihiisu yaallaan
    Aan maanku tiring Karin
    Ayaan maalmahoo idil
    Markan gama,a maagaba
    Ka arkaa muraayado
    Madaxayga yaalloo
    Madjiciyo sariirtaa
    Hadba ila mushaaxoo
    Makka iyo maddiiniyo
    Intan xaramka sii maro
    Ayan madashi khyrkiyo
    Muquurtaa fardawsoo
    Muscab iyo bilaal iyo
    Cumar iyo rag mudanbaan
    Muddo soo arkaayoo
    Waxa aan misaal iyo
    Macluumaad ka siiyaa
    Sharka dunida maantiyo
    Ka dhacaaya meeshay
    Muddo mooganaayeen.
    
    Afartaasi waa meel
    Mahiigaan sanqadhay iyo
    Warkii xalayto aan maray
    Misaal oo xus weeyaan
    Midhna waa xogtane hoo
    
    Xayawaanka muuqdiyo
    Duurjoogta maqanbaa
    Intay murugo ooyaan
    Muusannoow ku waashoo
    Markastaba agtayday
    Ku dul meerayaanoo
    Masaskiyo abguriyuhu
    Madaxa iyo qadaadkey
    Intaa ii masaxayaan.
    Shimbiraha macruufkee
    Hawadaa marmari jiray
    Maaweelintayday
    Ku mashquulsanyiinoo
    Muuqiyo codkoodiyo
    Macaansiga tixdoodaa
    Madadaalo igu filan.
    Maalmahan dhex joogiyo
    madawgiyo  habeenadu
    waa ila madluum oo
    ilmaday midhtirayaan.
    
    Inta samaha mudatiyo
    Kuwa khayrka miirtiyo
    Ninkastoo masuul iyo
    Muslimiinta suganbaa
    Mu,aamarada diidoo
    Macaygaan ku tiriyaaa.
    
    Afartaasi waa meel
    Mahiigaan sanqadhay iyo
    Warkii xalayto aan maray
    Misaal oo xus weeyaan
    Midhna waa xogtane hoo.
    
    Mu,minbaa hadloo yidhi
    Wakhti badan maddaashooy
    Anoo kuu muraadoo
    Maankuna kalgacal iyo
    Samo kuu maleeyaad
    Adiguna maddiidiyo
    Shirqool ii maleegtoo
    Miinadaad xidhaysaa
    Kaa goysay madaxoo
    Waad marin habaabtaye
    Waxay magac xumaantiyo
    Murugadu dultaallaa
    Marwo geesigeedii
    Isagaan marnaba gabin
    Inuu mawd haleeliyo
    Inuu malag ku soo dego
    U musuusuqaysoo
    Dhexda xadhiga ugu maran.
    Inkastood I maagtoo
    Waxan kaa mutaystiyo
    Abaalkaygii moostoo
    Marmarsiinyahaaguna
    Wax la male awaaliyo
    Uu masabid uun yahay
    Waa mahadho weeyoo
    Midhahaan higsanayiyo
    Meeshaan filaayiyo
    Ma arkaayo guushii
    Malabkiyo xabuubkii
    Aad shalay milaysoo
    Malaa dacar qadhaadh iyo
    Mur baad ii walaaqdoo
    Makri iyo dhibtaadii
    Adaa muudsan doonoo
    Markastay ahaataba
    Maxaadhkaad qarsanaysiyo
    Mindidiyo sakiintani
    Aday dhuunta kaa mudi .
    
    Adaa macangegoo xalay
    Nacabnimada muujoo
    Adigay mushkiladdani
    Farxad kuu metelaysaye
    Haddii dabinkii miiqnaa
    Ninkii aad u moostiyo
    Mutay kuu u aasnaa
    Inaad dee mushxaraddoo
    Mabsuuddaa la filayaye
    Sawtaa madawgiyo
    Miridh kugu daboolmee
    Aan laguu miciinayn.
    Sawnigaa masiibooy
    Kaa raystay maahee
    Degey meel barwaaqo ah
    Adna mooradaadii
    Sawtaa ku melegtaye
    Qabqabluhu ku malafsaday.
    
    
    Afartaasi waa meel
    Mahiigaan sanqadhay iyo
    Warkii xalayto aan maray
    Misaal oo xus weeyaan.
    
    Maansadu fogaatoo
    Murgatoo carceertoo
    Riyadii maqluubnayd
    Maddaashiyo warkeedii
    Miim ku ashkataysoo
    Dhawr surin mushaaxdoo
    Meermeertay luuqyoo
    Ka fogaatay maad oo
    Ku ekaatay murugoo
    Marxuum loo baroortiyo
    Nin la maagay sheegtoo
    Murjisoo dadweynii
    Tacsi buu muquurtaye
    Waan soo maguujaye
    Aday maxammed kuu timi (Maxamed Cabdillahi Guled MaxamedBurco)
    Waa kuu martiye soor .
    
    Nimaan maamulkeediyo
    Maamuskeeda loo dhigin
    Malafkeeda yuu qaban
    Shebokedaha yay marin
    Maqaal yay u eekaan
    Meel aanan doonayn
    Yaan lagu maxbuusayn
    Gacan mushaki yay gelin
    Maangaabka liitiyo
    Yaan jaahil moogani
    Marinkeeda joogsane
    Ma hurtiyo rag waaweyn
    La wadaag macnaha oo
    Nin macsuumi kara iyo
    La mishaawir cige oo  (Cabdillaahi C. Cige)
    Indheer garadka maantiyo
    Murtiyahanki hawd sii (Ibrahim Yusuf Axmed)
    Muusiyo tallaabana (Muuse Dhoolla yare iyo Cabdiraxmaan tallaabo)
    Gaadhsii markoodoo
    Waa macallin faysale (Faysal Awcabdi Cambalaash)
    La wadaag micnaha oo
    Siciid waa magayno,e(Siciid Maxamed Cali)
    Yuu mooganaan hooy.
    
    
    
    
    
18ka May   Dib U laabo
    
    
            Gabay(18-May).2012.
    
    Gabaygani wuxu si mug leh u tilmaamayaa halgankii loo soo maray xoraynta Somaliland,
    waxa ka dhex muuqda qaar ka mid ah  halgamayaashii SNM ,waxaanu gabaygu durayaa
    qaabka maalinta qaranka ee 18-May looga xuso qurbaha ,wuxu durayaa illawga la illaaway
    maatadii iyo naafadii halganka ee  waxtarkooda loogu bedelay hudheello la kiraysto oo
    lacag adag lagu bixiyo.
    Gebogebada gabaygu wuxu tilmaamayaa in nabadda iyo wanaaga aynu gaadhnay halkiisa laga
    sii wado oo allena loogu mahadnaqo.
    
    
    		Haddaan caawa gabay muunadliyo mariyo suugaanta
    		Mahad kuma mudniye waa xil aan saaray madaxaase
    		Waa muwaaddinimo iyo qiraal dhuuxa sii mudane
    		Oo waa waajib aan magic lahayn maxammed quulloow
    		Mahiigaanka roobkiyo sidii mayay aroor tiixay
    		Midho dhibic la moodaan lahaa manta soo curo,e
    		Mahuraan dalkiibaan lahaa socod ku soo meere
    		Miyi iyo dhul daaqlaan lahaa halo ku soo maale
    		Maytidii shahiiddaan lahaa duco ku meegaare
    		Hormuudkayga maqan iyo ragii talada miisaamay
    		Fariiddadii muddeeyaan lahaa meel isugu keene
    		Ase waxan ka maansoonayaa meel shishoo daran.
    
    		Madashaynu joognay tixdani meel ku qoraysaaye
    		Waxay magic dhebaysaa wixii laysla soo maraye
    		Milicsada sidii ay ahayd looma meel marine
    
    		Madaw dugul ah maariin qurxoon iyo midab caddaa gaala
    		Muslimiinta sugan iyo intii mawle garanaysa
    		Waxa muunad eebahay khalqaye muusha dunideenna
    		Qaran waliba maalmuu xusaa , muujiyaa higile
    		Annagauna midbaan leenahoo noo maxaarimaha,e
    		Marxab baan nidhaahnaa markaad bilato meeyeeye
    		Farxda baan mabsuudaa bilyahay oo mustarixaaye
    		Adaa miirtay maalmaha gobaad muhimmaddoodiiye
    		Madaxdiyo dadweynuhu aday kuu mishxaradaane
    		Aan mariyo maantana anaad ii macsuumtahaye
    		Waxad tahay mid igu qaaliyiyo hiigsi meelmaraye
    		Miilaadka calankaa tihiyo , maalin qarameede
    		Mulkigayga maantaan dhacsaday ee maalay baad tahaye
    		Muruqayga iyo maantaan xornimo muujay baad tahaye
    		Cadawgaygu maantuu dhintee maatiyaa tahaye
    		Makansiinta eebaa leh oo muuja keligiise
    		Mahadhooyin badan baad bilyahay mudatay gaarkaaye
    		Malaf baad ku leedahay qalbiga amase miisaane
    		Magacaaga goortaan maqlaa meeli shidantaa.
    		Memorygu wuxuu kugu tebaa waa milyaar gabane
    		Awgaa ragii ugu mudnaa aduu ciidda hoos maraye
    		Ma gubtiyo aday kuu dhinteen maahirkii caliye
    		Maalloosh xertiisiyo adaa mooge kuu go,aye
    		Murna wuu ku dhalay iyo qadhaadh iyo milil rag waaweyne
    		Madaafiic la beegiyo rasaas madaxa loo dhiibay
    		Geesiyaal naftoodii melgaa guusha loo miraye
    		Aboolkoodi waa marag inaan meella loo dhigine
    		Oo waxa mankoodii ka hadhay waa maqaar qudhahe
    		Muusig iyo inaan jaasno oo maararaw dhiganno
    		Oo aan muraaqoonaynaa waa mid kuu dhibahe
    		Ma mudnide dadkaa kaa hagraday shay munaasiba
    		Oo dhalintani waxay moogantahay maalintaad tahay.
    
    		Allihii ku soo muujiyaa mudan abaalkeed e
    		Inkastoo mankii iyo midhii aan manta guranayno
    		Oo mahadda eebaa mutaye hadhac ku maansheeyey
    		Maatadii lixliyo aadan baan cidina meelayne
    		Oo kunkii lixaadkuba maqnaa murugay jiifaane
    		Oo waxa naftoodii ku maran yaa idiin maqane
    		Halkii aad dedaal miigan iyo maxabo eegaysay
    		Annaguna waxaan miisannaa waa macsi ilaah.
    
    		Ammintaa xaqii May lahayd iyo muhimmaddeedii dheh
    		Mayey iyo xareeddoo macaan malabsigoodii dheh
    		Male iyo hankaygoo hirgalay iyo madax bannaanaan dheh
    		Ammin kalena waa miim kalooy muhatay laabtaydu
    		Waa madasha aan joogno iyo hoygan manta ahe
    		Bal magaabi waa midho caqligu maaxday oo xulaye
    
    		Inta nabaddu maashaa allee joogto minankayga
    		Milgo waxa ah sharaftiyo amniga aan majiirsadaye
    		Midnimada intaa xeeriseen maaran nacabkiiye
    		Ma muquunin karo cududa guud cadaw ku maagaaye
    		Moos iyo waxaw dhigan dhufays mawle saacidaye
    		Gobannimana waa malab ninkii muudsadaa garane
    		Ma misaalla duulkaa murmiyo kii is-maamulay.
    
    		Iga mudhuxsay miimkaan lahaa midhadh ku soo koobe
    		Waxes aan ku soo meerayaa meeriskaa dhimane
    		Dal macruufa muuqiyo dhulkoo muunad loo quruxsan
    		Xukun mudan cadliga maamul jecel madax cibaadaysta
    		Shacab diinta maamuusayoon muran ka keenayn
    		Tawxiidka maradaa leh oo meel kasta taagan
    		Iyo waxan muhanayaa ardooy dawlad magic weyne
    		Ummad muuqleh oo muuqatay oo milgana haysa
    		Iyo wuxuu muraadkaygu yahay meel shishoo sara,e
    		Mrtidii hadraawiyo halkii maxammed liishaamay
    		Malihii gadhlaan doonayaa inaynu maalnaa.
    
    
    
Godob Jaceyl Weeye   Dib U laabo

    
    
    Godob Jacayl weeye(10-10-2011).
    
    Gabaygan halabuurku wuxu ku halqabsanayaa nin ay sxb yihiin oo qiso jacayl
    ku dhacday ,waa baroordiiq jacayl iyo niyad dhis ..
    
    
    Ilaaq gabay maxammedow waanigaan geline
    Waan gabay oo beryahan  waan ka gaabsadaye
    Markii lagu gefay ee rag xumi adhaxda googooyey
    Ee godob iyo ceeb iyo xumoba loo geystay
    Ee galabba deelqaafta gudhan magacyo loo gaadhay
    Ee webabka lagu soo guraan gaasiroo nacaye
    Waxse manta aan gocanayoo gaar ahbaa jira,e
    Aduunbaa halkaan goobayiyo garan ujeedkaye
    Bal guddoonso caawaba midbaan kula gorfayn sheekhe.
    
    Dadka jooga guudkee arlada gebi ahaan buuxa
    Wax gashaanti qaaliyiyo dunida gaari wacan joogta
    Geyaankiyo hablaha manta kacay ama geddaadaasa
    Haddad gabadh jeclaatoy wadnaha goobo kaga taallo
    Cishqi gaadhay sanawaat hadday kula gargaaraysay
    Kalgacayl gunweynliyo haddaad samo la goobaysay
    Gelbi oo aroosaba haddad gelisay maankaaga
    Ubad soo gurguurtiyo haddad guri la doonaysay
    Oon garan xageedana siday kuula garab haysay
    Balse galabba nooc ahe wakhtigu  gaabshay hadafkiinna
    Gobannimadu sabir bay ahayd gaws adayg dhabehe
    Guddoon lagu adkaystiyo tashigu waa xal gudoweyne
    Haddiise gabadhii tagtoo dhinac kalaw guurtay
    Waa gabood fal caashaqa ku dhacay iyo hodan geddeediiye
    Waa go,aan haween iyo ninyahaw garashadoodiiye
    Inyar oo ilaahay gartoo gabal ah mooyaane
    Axdi uma go,aane waa ninkay gelin la joogaane
    Garaadkoodaa intaasoo aan lahayn gun iyo sii hayn.
    
    Ammintaa wanaagii la gabay gubashadiisii dheh
    Wehel laga gudbiyo caashaq gebagebayntiisi dheh
    Godob iyo naxdino loo guntaday lafa gurkoodii dheh
    Wacadkii la gaasiray iyo nafsiga gogol dhigoodii dheh
    Guubaabo sabir iyo dulqaad  gudagalkoodii dheh .
    
    Jacayl guun ah oo laysla garan oo caynka lagu gooyey
    Gantaal iyo fallaadhiyo wuxuu gumuca tuuraayey
    Qalbiga iyo gaaddada wuxuu kaaga ganay liifka
    Waxad gama,a diidiyo intaad gelin dhaxaw toostay
    Axdigii godweyn lagu ridee dhaabka lagu giijey
    Go,aankii hankii iyo halkaad talada gaadhsiisay
    Arrin kugu gedaannaa waxad nooga gobo,siisay
    Anigiyo rag gacalkaa ahaa waxan arinta googoynay
    Wixii inan rag hawshiina galay waadigii garane
    Haddayse guud haldhaaleey midhkii gudubtayoo jiidhay
    Oo ay khiyaanada guracan garatay yeelkeede
    Gabal weeye caashaqa u dumay guud ahaan jira,e
    Duni weeye samihii gubtoo ceebtu tahay guule
    Waa seben gunnimo buuxsatoo gaadhay heegada,e
    Waa goor xumaantiyo dulligu geedo buuxsadaye
    Guud ahaanba sharaftuu beryahan galay wedkeediiye
    Gobannimadu maalmahan cidlay goonni daaqtahay.
    
    
    
    
    
Abaalo Dahsoon   Dib U laabo

    
    
    Maanso(Abaallo Dahsoon)febraayo2012.
    
    Maansadan halabuurku wuxuu ku xusayaa sida ay u mudantahay in aan la
    hilmaamin abaalka cidi kugu leedahay,waa mahad celin iyo xus uu abwaanku
    u samaynayo qof kasta abaal ku leh garabna siiyay .
    Halabuurku wuxu ku halqabsanayaa Kayse Jaamac Daa,uud oo ah nin ay saaxiib iyo ehelba yihiin.
    
    Anoo daayoo ka tegay
    Intaan deday maansadii
    Anoo dersayoo cilmiga
    Dubaha ula kacay xagaa
    Ayuun buu dookhu yidhi
    Abaalkiyo deeqo jiray
    Maxaad ugu diiday hees
    Markaasaan dabagaloo
    Dareenkiyo raacay talo
    Naftaydani doonaysoo
    Wuxuu deelkani sidaa
    War dooriyo sheeko dedan
    Dalliilana waan u dhigay
    Adaa daah furan markaa.
    
    Adoo dibad galab fadhiya
    Dangiigsaday meel barxada
    Dariiqa hortaada mara
    Haddii degen inann ahoo
    Ilaah derejiyo hannaan
    Dulqaad uga dhigay asluub
    Duhseediyo socodka guud
    Dubkeediyo muuqa sare
    Dhammaan qurux door u yiin
    Danteed u mushaax is tidhi
    Haddii damac waa belee
    Qalbigu duubtoo ku dhego
    Dabeeto intaad u timi
    Hawraar duur xula ku tidhi
    Yadoon dumarnimo ka tegin
    Hadday dood waafiyoo
    Si dedan haaheey u noqon
    Warkeedu ku soo dulgo,o
    Misana dookhiyo cishqigu
    Sidii roob kugu da,aan
    Jacayl keligaa ku degay
    Hadday daadihi ku tidhi
    Docdeedana awdo, oo
    Kalgacal iyo daacadnimo
    Haddaa wada duulisaan.
    
    Ilaahbaa dunida loo
    Siduu doonaba falee
    Denbiba idinkoon ka gelin
    Wanaagaa doorateen
    Weliba aad doorbiddeen
    Inaad guri wada degtaan
    Duruufiyo hawlo jiray
    Hadday idin kala diraan
    Dabeeto iswaaba yimi
    Markii laga doogay taa
    Qisadu way darantahoo
    Dahniga kama guuraysee
    Waxay kuxdaa naftoo
    Xusuustaaday degtaaaa.
    
    Ilayskoo kaa damyidhi
    Wakhtigoo laydhkii dansaday
    Dadkuna kaa wada fogyahay
    Deegaankuna yahay meel cidla,a
    Dugaaga ciyaaya iyo
    Waxaad ag degtaa cabsida
    Dantuna kaa adag markaa
    Dubaaxda jidhkaaga iyo
    Inaad dardhataana furan
    Haddii daabkii mindida
    qorigu kaa durugsanyahay
    dantaadiyo xaaladdaa
    adkaysigu waa dab oo
    waxaad dugsataa xiniin
    xubnuhu waa wada diyaar
    waxad ka diddaa hadhkoo
    jabaqda dhidibaa dulyaal
    dareenkaa adoo ku jira
    hadduu geekjire dulmari
    marqudha dogob kuu hulqiyo
    ku deeqo hadhuub calcala
    markii laga doogay taa
    qasadu way darantahoo
    waxay ku duxdaa naftoo
    xusuustaaday degtaa.
    Haddii cadaw kaa gardaran
    Dilkaa ku soo tashado
    Adoo dermdaaada jiifa
    Digtoonina aan ka qabin
    Rasaastuu kugu dab xidhay
    Dalooliso shaadhka oo
    Dadkii kula joogay iyo
    Hadday deris badan dhintaan
    Adoo dirqi badan ku jira
    Haddii saaxiib dab lihi
    Intuu darandoori rido
    Dagaalka hareer ka galo
    Hadduu nimankii darnaa
    Daqiiqado qaar ku dilo
    Intuu kala dego hubkii
    Dareersho hadhaaga kale
    Misana rabi kula damcoo
    Dabeeto badbaado timi
    Qisadu way darantahoo
    Dahniga kama guuraysee
    Waxay ku duxdaa naftoo
    Xusuustaaday degtaaaa
    
    Adoo doon fuulay subax
    Badweyn dulmushaaxaysoo
    Dabbaashana aan aqoon
    Mishiinkii daarayey iyo
    Kaxeeyii hadduu duqeeyo
    Markad dilka filanaysaa
    Dardaaran hagaagsanyee
    Adoo labadii mar degey
    Haddii wiil daacadoo
    Deegaankana xeeb ka yimi
    Dushaa sare loox ka helay
    Hadduu dacal kaaga dhiibo
    Misana rabi kula damcoo
    Dabeeto badbaado timi
    Qisadu way darantahoo
    Dahniga kama guuraysee
    Waxay ku duxdaa naftoo
    Xusuustaaday degtaa
    
    Haddii dabain meel qarsoon
    Shirqool niman kuu degeen
    Adoo degdegsan oo xanfaray
    Daf aad tidhi seere xidhan
    Adoo welwel daran ku jira
    Intaan dibindaabyo dhicin
    Adoo welwel deran ku jira
    Adoon lumin derojadii
    Haddii lacag lagu duldhigo
    Nin deeqsiyi kula baxsado
    Damiin kugu soo furfuro
    Misana rabi kula damcoo
    Dabeeto badbaado timi
    Qisadu way darantahoo
    Dahniga kama guuraysee
    Waxay ku duxdaa naftoo
    Xusuustaaday degtaa
    
    Adoo cadho badan dugsaday
    Shaydaankuna duufsi wado
    Degtana qorigii ka lulay
    Denbina kuu yahay qorshaha
    Waxaad damacdiyo dhibkii
    Ninkii kugu diiday taa
    Dagaalkana kaa badbaadshay
    Markuu kaa duway falkii
    Qisadu way darantahoo
    Dahniga kama guuraysee
    Waxay ku duxdaa naftoo
    Xusuustaaday degtaa
    
    Intaas oo maalin daran
    Ragaa lagu kala duwaa
    Duntaa lagu kala gartaa
    Dadkaa lagukala xushaa
    
    Dadkuna waa kala abuur
    Aadmigu waa kala dadnimo
    Gobkuna waa damal hadhwacan
    Dhirtana ugu derejo weyn
    Dadkana qaar baa la mida
    Duruufiyo xaalad adag
    Ninbaan lagu dacal bakhtiyin
    Ninbaan dadqalkiyo hanfigu
    Agtiisa ku doonanayn
    Ninbaa deeq badan lehoo
    Dhibaatada kula debera
    Ninbaa talo iyo dadnimo
    Dulqaad iyo garasho badan
    samuhu daahiisa yahay
    
    Waxan deelkow xardhoo
    Midha keysoo u diray
    Dantaan ka lahaana tahay
    Waxaan dunideer dhex maray
    Habeenno intaan dib jiray
    Doolaalo dhul dheer ku tegay
    Dadkaan la kulmee arkiyo
    Waxan ummad badan dugsaday
    Dushaan ka ilaynayoo
    Daryeel iyo soo dhaweyn
    Intaan dugsaday nin wacan
    Wixii deeq lay fidshee
    Darxumo laygala baxsaday
    Dhammaan way duuban yiin
    
    Samihii dusha laygu xidhay
    Ninkii khyr ila damciyo
    Intii hiil ila dultimi
    Dantayda ku fooganayd
    Ninkii derejiyo wanaag
    Dallaalimo iiga dhigay
    Abaallo inteer ku dema
    Dushayda iyo oogta sare
    Duciyo gudis baw dhigmee
    Inaan tixo ugu daraa
    Xaq iyo waa daw sharciya.
    
    
    
    
    
    
Xikmad Illah   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    Xikmadda-ilaah(Gabay;31-dec-2011).
    
    Gabaygani waa hawaale warran guud iyo faallo uu Abwaanku ka bixinayo marxaladda
    cusub ee dunidu gashay , waxa gabayga ka muuqda rajada iyo yididiilada caalamka
    islaamku filayaan ,gabaygani wuxu ka dhashay xadhigii loo geystay ninkii
    hogaaminayey ururkii Xisbullah ee mar wadanka laga ga dhawaaqay.
    
    
    Murti xanaf leh xaashee ka tegay xulashadeediiye
    Maansadu xog bay leedihiyo xaraf iyo raad raace
    Xikmad iyo duruuf iyo haddaan xiise lagu dheehin
    Ama aan xaq dayacan iyo wanaag lagu xadaynaynin
    Xurguf baad ka dheeftaa midkaan loo xakamo hayn.
    Nin xanfaray xanbaaruu fishaa xiiqna waw halise
    Nin wax xaday xaf waa ula ordaa xadhigna waw jooge
    Nin xiskiisu dhimanyahay iyo caruur waw colaad xidhane
    Xaawaladayda maantiyo ragana laysku xabakeeye
    Xubigiyo kalgacalkii beryahan xaasaskii nace,e
    Oo meherku waa xadhig iyo sidii xero diktaateere
    Xaflad baabay naaguhu dhigtaan markay xarafka qaataan.
    
    Afartaa xaq lama baajiyee waa xus gooniyaha,e
    Waa xiwaarka dunideenna yaal iyo xigasho waayeele
    Xirfad dhabadka noloshaa gashiyo waa xantoo sugane.
    
    Qurbahana lagu wada xeroo laguna xaasowye
    Xigtadiisa gee ruux kastaa beenna soo xaradhye
    Sidii xawdkii nebigeen inbadan nolosha loo xoorye
    Markii gaalku xoogaa hantiya oo xumbo ah siiyey
    Dadka qaar xadkii dhaafe oo xagal ka jiireeye
    Oo xayawaan sidiisii kufriga daba xumbaaleeye
    Dhallinyaro xufaadina ku kore waa xikmad ilaahe.
    
    Xukaamtii carbeed iyo dadkana laysku xarakeeye
    Oo laysku xiiqyoo hub culus laysu soo xulaye
    Is xammuuristoodiyo hankii lagu xurmayn waaye
    Qasriyadii xidhnaan jiray shacbigu xoog ku soo gudubye
    Oo xabadiyo rasaastuba beryahan xule dhankoodaase
    Xusni iyo qadaafiba lawaa xigashadoodiiye
    Calina muu xishoonine inuu baqay xisaabsheen.
    
    Afartaa xaq lama baajiyee waa xus gooniyaha,e
    Waa xiwaarka dunideenna yaal iyo xigasho waayeele
    Xirfad dhabadka noloshaa gashiyo waa xantoo sugane.
    
    Galbeedkana dhaqaalihii xumaa oo xaalufbaa jira,e
    Xuuraamiskii yurub iyo baryadii xaasid jaynuhuye
    Wuxuu xilo furay UBAMII haddana xidhanyey suuqiiyee
    Xanfarbuu ciraaq kaga baxay oo raray xamaamtiiye
    Daalibaanna guul bay xigtaa oo xaadhis baw dhimane
    Xakab markuu shahiidaba illeen libintu waa xaame
    Xakiimkii usamaba dilaa noo xigsiin sharaf.
    Turkigaa xayyiray ferenjigii xaajo dabadeede
    In xaddaaraddii guuraysay xoguhu sheegeen
    Dimuqraadigii inay xaadhsantahay waa war xiisalehe
    Inay diintu xoog yeelan iyo ciidan xaamiyah
    Oo xeer baaniyaaladu dumaan waa xog saafiyaha,e
    In dastuurada xunxumi xaaqmi idilkoodba
    Oo xulafada cilmaanigu inay xoog u kala daadan
    Oo shareecadu xakameheenna noqon waa xaqiiq dhabehe
    Hablihii xijaabada sitoow sabirka xoogeeya
    Xisbullaahi nimankii furoow xaqa ku geeraara
    Tawxiidka kaa lagu xidhoow xooji hadafkaaga
    Inta samaha xiisaynaysaay dumiya xayndaabka
    
    Afartaa xaq lama baajiyee waa xus gooniyaha,e
    Waa xiwaarka dunideenna yaal iyo xigasho waayeele
    Xirfad dhabadka noloshaa gashiyo waa xantoo sugane.
    Dulmigiyo xadgudubkaa ka dhacay xarunti weeyaane
    Xadadkii siyaad hoojiyiyo xukunkiisii weeyaane
    Cadligaa la xooriyo kufriga waa xeer u gooniyah.
    Xariif baabu maadiga ahaa oo xajkana gaadhye
    Balse shay xiqdigan keenay baan kuu xan falanqayne
    Ninku diintaanu xeerkeeda dhigan oo xoog umuu barane
    Xadiiskiyo quraankaba hadduu raaco xarafkooda
    Gaalada xigaal kama dhigteen mana xurmeeyeene
    Oo uma xubeereen  markay xeel u digayaane
    Oo uma xadreeyeen sidii xer iyo sheekheede
    Xiisaha habeenkii kursiga loogu xidhay liidka
    Khudbaddiisa kuma uu xuseen hadaladii xanafta weynaaye
    Madooboow xilkaagana malaa waad u xilataaye
    Xumaan ruuxan geysane sharciga kugu xujaynaaya
    Ee xadhiga eebiyo ku faray xakamihii nuurka
    Xayiraadda  ninkaa aad dhurdoow xarakadaw diiday
    Adigoo xilkaa waayey oo weliba xaajaysan
    Oo xubnahaaga dhidid qooyeyoo weliba xayraansan
    Ayuun buu ilaah kaa xukumi xoog isbidistaase
    Xusuustaada geli maalintaa waa xisaab darane
    
    
    
    
    
    
    
    
    
Baandhool   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    BAANADHOOL(Gabay 9jan 2011).
    Abwaan Jaamac Muuse Abyan ayaa tiriyey gabay la yidhaahdo Baahday
    Taladii jaamac gabaygiisu wuxuu ahaa jacayl ,wuxu ku tilmaamay
    gabaygiisa gabadh uu calmaday oo haweenba kala dhex baxay oo ku ballan
    furtay , sidaasi darted buu halabuuro badan talo weydiin dhex dhigay,
    gabaygii jaamac muuse waxa gundhigiisu ku soo aruurayey .
    
    
    bilantaan hablaha kala baxeen, guurka ugu baaqey
    bilantaan bahdeydiyo ku wadey, barada aan joogo
    barbarkeyga bilantaan ku wadey, baasha dhinaceyga
    bilantaan in badan dhawrayeen, sugey bashiiroow
    balankayagu bilantuu ahaa, baro san aan gaadhno
    bulshadaba yartaan kala dhex baxay, beydhay taladiiye
    axdigiina wey baal martoo, burisey qawlkiiye.
    
    
    Gabaygaa jaamac ee qaylo dhaanta ah oo aad u dheeraa ayuu gabaygani
    daba socday , waxaana  ka danbeeyey jawaabo dhowr ah oo abwaanno kale
    bixiyeen oo aynu ka xusi karno gabay qiimo badan oo ay tirisay Saado
    Ciise Cisman oo UK degen , una bixisay Baahi dedan oo jawaab u
    ahaa labada gabay ee hore dumarkana difaacayey .
    
    
    
    Baabkii jacaylkiyo hadduu jaamacoow caashaq kugu beermay
    Beerkiyo wadnaha iyo hadduu buuxshay ubucdaada
    Baaxaa degbuu leeyahee haddaad jiifka bogan weyday
    Boodhari sidiisii hadduu buulal kugu yeeshay
    Oo uu qalbiga beegsadoo budhadh ku aafeeyey
    Inuu boroblem kugu taaganyahay waa war ii baxaye
    Gabaygii billaa iyo murtidu baane hadalkaas
    
    Inkastoo xanuun baaxad weyn lagugu soo beegay
    Barbarada tolbaa kaa fadhiya iyo labada baalloode
    Niman talada buureeya oo baaciyaa tubane
    Hablo beelo lagu aaminoo baarriyaa jira,e
    Waxna ii bishaaro ah inaad tahay birgeydh weyne
    Haw biqin wallee amar ilaah waad bogsanaysaaye
    
    Basra iyo haddii ay yartii weli bidhaamayso
    Ama aan ninkale beegsanoo geysan beledkiisa
    Yar baxnaaninnaa iyo caashaqii boodhka jafannaaba
    Bustaaliyo digaaliyo rag culus beesha gelinnaaba
    Birmad diranayaa iyo hujuum kula boqoollaaba
    Ballan weeye inan jaamacoow baadi doon nahaye
    haddiise wiil kale boqraday oo meher ku baandhaystay
    Inan dumarka baalshaa   galloo baadhno idilkoodba
    Bidixdooda iyo midigtaba inaan beegsannaa furan .
    
    Afartaa bukaan loo gurmaday iyo booqashada jaaldheh
    Irbad kaarka lagu baajiyo iyo baanadhool xidhandheh
    Afarkalena waa baab kaloo aan u bogi waayey
    Ee aan bineeyee i maqal waad bogsanaysaaye
    
    Billaawaha jacaylkuba raguu beegsadaa abide
    iyaguu bukaanshaa dilaa ama bireeyaaye
    Inta gabayo buurbuuran iyo midho la soo boodday
    Ee erayo beerqaada iyo tixaha boobsiisay
    Eee inan rag taahiisu baxay waa bilyaar gabane
    Boholyoow daraaddii raguu daadejaa badan .
    
    Ballan fur axdi laga bixiyo wacad la beeneeyo
    Nin dhibaato lagu beero,oo boogta lagu foofsho
    Oo dawadiisa bohol lagu ridoo bagana loo raacsho
    Baandheeya taladeedii iyo baaqi arraweelo
    Fikir dumarka badankoodu qabo saw u badin maayo
    Heshiis beri la gaadhoo la qoray saw u badin maayo .
    
    
    
    
Dhitinmayso Maansadu   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    Dhitinmayso maansadu(25-dec-2011).
    Qoraaga caanka ah ee Ibrahim Yusuf Hawd ayaa qoray maqaal dheer oo uu ku
    tilmaamayo sida gabaygii loo bahdilay ee shabakadaha wararku yagoo aan
    miisaamin ninkasta oo yidhaahda waxbaan tirinayaa u qaato titleka Abwaan,
    maansadani markaa waa jawaab arintaa ka dhalatay inkastoo aanay naqdinayn
    qoraalkii dhaxalgalka ahaa ee Hawd , haddana waxay xasuusinaysaa in
    gabaygu aanu dhiman ,dhaawacna ahayn ragiisiina weli noolyahay inbadan
    oo cusub oo sii noolaysayna ay buuxdo ,shabakado Farshaxan ka mid tahay
    oo kaydiya oo daryeela iyo rag u heellanina jiraan.
    Maansada waxa ku xusan rag/dumar  badan oo maansoyahanno ah oo raacii hore
    iyo kuwa danbeba isugu jira iyo weliba Shabakado iyo Suugaan Dhaadhiyo ku
    caan baxay horumarinta Suugaanteenna hodanka ah.
    
    
    Murti dhaxalgalkeediyo
    Maansooyin dhumuc leh
    Suugaanta dhuuxa leh
    Muu dhiman rageedii
    Dhaydii hadraawiba
    Waa taa la dhamayoo
    Ina dhamac iyo ganaybaa
    Iyana laga dhursugayaa
    Dheeraad midhkiisiyo
    Shaacirbaa dhitteeyoo
    Dhoodaan halkiisii
    Weli dhamacdi baw shidan
    Tallaabaan halkuu dhigo
    Ninna aanu dhaafayn
    Faysal dhabada uu maro
    Cidi kuma dhacaysoo
    Midda uu dhakeeyaa
    Dhamays iyo badh weeyaanoo
    Dhegtu way u nugushahay
    Siciid lagama dheegtoo
    Dharaartuu la soo kaco
    Dhadhan buu u yeelaa
    Jaamac gabayga dhaaxuu
    Dheeh iyo ku ladhay  nuxur
    Qaasimbaa dhaqaalayn
    Sidii geel u dhowroo
    Dhudhub kuu dejinayiyo
    Sahankiisu dheeryoo
    Dhiga meeshay mudantahay
    Saaduu dhib yari iyo
    Sahal ugu dhashaayoo
    Kii laga dhegaystaba
    Xikmad laga dhergaayoo
    Badeed dhaadashada guud
    Markaad dhuuxdo tuu qoro
    Dheemman weeye  qiimaha
    
    Intaas iyo intii dhiman
    Iyo dhidib u maqan weyn
    Iyo udub dhaxaad badan
    Iyagoo dhammaan jira
    Ninka gabayga dhimashiyo
    Dhawaaca ku sheegoow
    Dhitin mayso maansadu
    Dhaxan looma sii deyn
    Dhanjaf weli ma soo ridin
    Dhibna maalin may arag
    Dhegna kama bukoon abid.
    Ragbaa dhawrta oo jecel
    Dumarbaan ka dheeraan
    Dhallinyaro u rooniyo
    Jeyshashbaa u dhaartoo
    Dhexda xadhiga ugu maran
    Waxa ay dhex daaqdaa
    Dhudhub roob ku da,ay iyo
    Dhulka meesha dooga leh
    Bahal uma dhawaan karo
    Dhurwaa ma hungurayn karo
    Shabeel baan u dhici Karin
    Dhidarkaan ilaaqayn
    
    Ragii dhawri jiraybaa
    Beero dhawra oodoo
    Dhaadhigii ma hawl gabin
    Murtimaal u dhigan yada
    Dhallinyarada joogtaa
    Dhile oo lafama gure
    Oo sharafteeda meel dhige
    Dhaaxay farshaxantuna
    Suugaan la dhaafiyo
    Gabay dhaabmay waa hore
    Dhoobada ka qaadeen.
    
    Inkastooy dhaliil iyo
    Niman dhacay sheegeen
    Oo ay dhawaanahan
    Dhiilladu ku badantahay
    
    Suugaantu dhaqankiyo
    Hiddahay dhitaysaa
    Hanti dhawris mudan iyo
    Waa dhaxal galkeenoo
    Dhallaan soo kacaayiyo
    Kuwa dhalanayaa loo
    Dhaydaa lismaysiyo
    Jinawgiyo dhanaankaa
    Abidkeed la dhamayaa.
    
    
    
    
Dibindaabyo   Dib U laabo

    
    
    
    
    Maanso  (Dibindaabyo 12-2011).
    
    Indhaweyd dalkaygiyo
    Dadweynaha dhibkoodiyo
    Xuquuqaha la duudsiyey
    Ayaan dabagalkoodiyo
    Dedaalkooda raacoo
    Ku maqnaa diraacahan
    
    Maantana dareenkiyo
    Naftaan doorka siiyoo
    Dooddana yagaa lehe
    Bal aan dayo warkoodoo
    Dulucdooda dhuuxee
    Yeelkeed bal soo durug
    
    Haddaan beri digtoonaa
    Dedaal iyo kartiba laa
    Maantana ma doorsamin
    Weli darajaday sudhan
    Inkastoon dednaayoo
    Ayaamahan go, duugiyo
    Buste igu daboollaa
    Dardar iyo awoodiyo
    Durduraan la soo kacay
    Waxse degemsanaan iyo
    Dammiinimaba keenoo
    I dishoodaybaa jira
    
    Nin jileeca cudur dila
    Daacadi u nugushahay
    Da'yartana ku sii badan
    Duulkaa haweenkiyo
    Dumarkuna ka adagyiin
    Ninkastoo da'weyniyo
    Duqaydiyo islaamuhu
    Aanay durayga ka aqoon
    Oo dadku wada ogsoonyahay
    Oo aan diktooriyo
    Dhakhtar lagula daalayn
    Oo debecsanaan iyo
    Diiftiisu tahay tiic
    Oo aan dushaadiyo
    Laga garan dubkaagoo
    Dareenkuun culaysbada
    Ayaa ila degaanoo
    Degel baanu wada naal .
    
    Ruux degay halbawlaha
    Nafta dabar ku xidhay adag
    Qalbigana dushiisiyo
    Dacallada agtiisaba
    Deyr adag ku meersaday
    Oo Ila degaa jira .
    
    Ruux duubtay xididdada
    Wadnahana dafsoo yidhi
    Sanbabada dushoodiyo
    Beerkana duqeeyoo
    Misna igu dul meeroo
    I dishoodaybaa jira .
    
    Ruux damacu jecelyahay
    Dahnigana ku xeel dheer
    Muuqaalka daymada
    Ruux igu daweeyoo
    Isagoon dibnaha furin
    Dareen weyn I geliyoo
    Aan daba socdaa jira.
    
    Ruux aanu derisnahay
    Misna durugsan yaalloo
    Sida dayax gamceeddada
    Dusha igala joogoo
    Intuu fiidka soo dego
    Daadihiya maankoo
    Marna ilaba duuloo
    Meel doogu buuxsamay
    Dayaxuna dhammaysyahay
    Dhirtu daaqsin wacantahay
    Degmo xoolaheeduna
    Daymada ku wacanyiiin
    Oo dararta caanaha
    Barqadii dib loo liso
    Oo durdur iyo barwaaqo ah
    Ruux ila dawaafoo
    Marba ila dalxiisoo
    I daadihinayaa jira
    
    Waxa igaga daran kaa
    Ama deelkan keensaday
    Waayahay dubbeeyoo
    Jeebkay dabraayoo
    Dantaa ila hadhaysoo
    Xagal daaca noloshaa
    Dibindaabyadaa lehe
    Meeshu damaci uu rabay
    Halkuu dookhu sahansaday
    Wakhtiga iyo duruufuhu
    Saw dabar kumay xidhin
    Garabkaan dugsanayiyo
    Dadkii iga furfuri laa
    Saw ima dafirayaan .
    
    
    
    
    
Ilhaamo   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    Maansada  (Ilhaamo)2010
    
    Ilhaamo waxay daba socotaa silsilad uu furay Abwaan maxammuud wadani oo
    magaceeda la yidhaahdo Abwaanow kumaad tahay, waxaany maansadani tilmaamaysaa
    abwaannimada sifooyinkeeda iyo inay hibo ilaahay tahay , dad gaarana alle
    siiyey ee aanay xoog iyo lacag toona ahayn.
    •        Ninka ila hadlaayee
    •        Hawraarta alifka leh
    •        Igu soo ileeyee
    •        Abtirsiimadaydiyo
    •        Asalkayga jeceloow
    •        Awoow waan arkaayoo
    •        Sida lay ilduufaad
    •        Midhe soo ogaatoo
    •        Eedaanka haybsiga
    •        Is agtaag iyo hiilbaa
    •        Uurkeeda jiifee
    •        Ruuxaan ahaan jiray
    •        Aan kuu iftiinshee
    •        Maqal erayadaydoo
    •        Ambaqaad xogtaydaaa
    
    •        Murtidoo dhan idilkeed
    •        Inta eray culays badan
    •        Maah-maah astaanliyo
    •        Af-gobaadsi maanseed
    •        Halka lagu aruurshiyo
    •        Xikmadaha asturan gebi
    •        Idankiisa eebahay
    •        Ruuxii unkaayiyo
    •        Ka abuuray baan ahay
    
    •        Midhahaan abqaaliyo
    •        Odhaadaan tilmaamaa
    •        Qarniyaal iftiintoo
    •        Ilayskeedu muuqdaa
    
    •        Marka beladu ulantahay
    •        Dagaalyahan adkaystoo
    •        Runta uun abaariyo
    •        Waxan ahay nin aaroo
    •        Nin ilaah yaqaannoo
    •        Iimaanku buuxoo
    •        Xaqa lagu ogsoonyoo
    •        Ducadiyo islaamnimo
    •        Ehelkiisa tahayoo
    •        Rabbi aaminaan ahay
    
    •        Waxan ahay nin edeb badan
    •        Asaraar iyo muran iyo
    •        Akhlaaq silan dhammaanteed
    •        Dadku iima tebayaan
    •        Xishood baan astaystaaa
    •        Asturkaan hagoogniyo
    •        Oogadaydu waa sharaf
    •        Gobannimadu way ood
    •        Geesinimadu way agab
    •        Naxariis abweyniyo
    •        Kalgacaylku way udub
    •        Danyartiyo agoontiyo
    •        Ninkastoo ildaran iyo
    •        Maatadaan aruurshaa
    •        Arimaha dhibkoodiyo
    •        Waxa aan abaaraa
    •        Axwaasha ay ku noolyihiin
    
    •        Nin awood isbidayiyo
    •        Ninka samaha eedee
    •        Kibir lagu ogsoonyiyo
    •        Axmaqana col baan nahay
    •        Anaaniga danaystee
    •        Dadka kale illaawiyo
    •        Aniyaale khayr daran
    •        Isna waan afuufaa
    
    •        Dadka waw abweynahay
    •        Tiir-dhexaadka ummadiyo
    •        Adhaxdoodi baan ahay
    •        Islaax iyo wanaag iyo
    •        Dadka waysu ulayaa
    •        Tolka kala irdhoobiyo
    •        Ehellada colloobaan
    •        Isu soo unkaayoo
    •        Nabaddaw iftiinshaa
    •        Aragtidana meel dheer
    •        Shay uurka jiifaan
    •        Oogada ka sheegaa
    
    •        Oday samaha taliyiyo
    •        Waxan ahay nin aamina
    •        Waxan ahay af-miinshaar
    •        Carrabkiisa eexdiyo
    •        Ololaha qabiileed
    •        Aan lagu ogsoonayn
    
    •        Indhaweyse shay jiray
    •        Arrin dilay kaaraamada
    •        Nimaan aano ii gelin
    •        Inuu been abuurtoo
    •        Amuuraha ilaahay
    •        Agab aan rabiba siin
    •        Ulo ulo iyo xoog iyo
    •        Ku unkaayo muruqoo
    •        Arbushoo kufsaday oo
    •        Eedaadshay maansada
    •        Ila arag dadweynuhu .
    
    •        Waxse mahad ilaahiya
    •        Abwaannimadu sheegiyo
    •        Awood laguma keenoo
    •        Layskama ishaartoo
    •        Lacag laguma iibsado
    •        Waa shay ilhaamo ah
    •        Hidde weeye odayeed
    •        Waa ildheeri iyo xeel
    •        Waa aqoon garaadka ah .
    
    
    
    
    
    
Ilwaad   Dib U laabo

    
    
    
    Maanso (Ilwaad)
    
    Maansadana waxay soo baxday  12-janaury-2011. Laba dhallinyaro  oo isjeclaa
    muddo badan aakhirkiina calafku isa seejiyey ayey khusaysaa , waxay ku
    hadlaysaa afkii wiilka , waxaanay la hadlaysaa inantii uu jeclaa ee calafku
    kala kexeeyey , dhinac waa xog warran guud iyo isa sabir siin , dhinacna waa
    ammaan iyo tilmaantii inanta , gebagebaduna waa dardaarn ku socda marwada
    oo lagu boorinayo inay reerkeeda cusub iyo qoyska ay ku biirtay si wanaagsan
    ula jaanqaaddo qadarkana ogsoonaato.
    
    Gammaankaan rakuubsadiyo
    Anay geenyadi wakhtigu
    Midhaa ila gaabisoo
    Waayuhu aniguu I gabay
    
    Inaan aqal kula galiyo
    Inaan guri kula dhistiyo
    Mudnaantu guur bay ahayd
    Aroosbaa iga galbaday .
    Hayeeshee waa guddoon
    Go,aanka ilaah ridiyo
    Wixii eebahay gartaa .
    
    Garwaaqso xaqiiqda oo
    Wixii laga tegay ka gudub
    Ninbaa hore ugu gabyoo
    Murtida gaar ugu xardhaday .
    
    Ilwaad qurux lagu gartiyo
    Gashaanti edaab lahiyo
    Inaad gabadh khayr leh tahay
    Inaad huwantahay garaad
    Inaad goglantahay asluub
    Inuu guudkaaga sare
    Xishoodku ku gaadhanyahay
    Anaa gabadhyahay huboo
    Wallee gobannimo dhammaan
    Ilaahbaa kugu galladay .
    Marnaba kuma goynayoo
    Agtayda gobbaad ka tahay
    Gabdhahan waan kaa bilaa
    Hablaha gaar baad ka tahay
    Khadraay goonnaad ka tahay .
    Jacaylkuna muu goblamin
    Sidaa kuma gaagaxoo
    Weli gacalnimadu waa taam
    Qalbigu godob kuuma qabo
    Ducaan garabkaaga dhigay
    Wanaag baan kugu galbiyey
    Gadaalna waxaan ku faray
    Inaad gudataa xilkaa
    Inaad garataa dantaa
    Had iyo jeer wixii kula gudboon
    Gufeeyoo hooy adkeee
    Gefkuna  wuu dhici karaa
    Haddii aad khalad gashana
    Marwooy gaadhoo daweee
    Wixii gurintira ka joog
    Ha gelin taladii gurracan
    Ha gabin hawshii ku sugi
    Guddoonka isagaa mutaye
    Addeeca ninkaaga garo
    Qaraabada gaar u hano
    Samaha geydhkaaga yeel .
    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.