Ku soo Dhowoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

                                           Mahadhadii Cabdi-Raxmaan Faarax "Barwaaqo "

Tusmada Mahadhada

Hordhac

Gabaygii Qoraa

Gabaygii Eel

Soo Socda

Soo Socda

  Mahadhooyinkii

    Cabdi-Raxmaan Faarax "Barwaaqo " Hordhac

Gabayga Qoraa.

F


Qoraa iyo Cabdiraxmaan

Q o r a a
Cabdiraxmaan Faarax"Barwaaqo"
Cabdiraxmaan oo aad loogu yaqaano qalin ku dirirka , in badana dadku aad ugu barteen buugaagta Uu qoray sida “ Magac bilaash ma baxo “ oo uu DR. George sheegayba inuu buugani ahaa kii uu sugayey sida ku xardhan Hal_Aqoon .

Waxaanu sidoo kale ka qayb qaata hawsha af ku dirirka isagoo tiriyey Maansooyin dhawra oo uu kaga waramayo dhinacayo badan oo nolosha ka mid ah, hadaba waxaynu soo qaadaynaa maansooyinkaa inagoo marba mid u heli doona fursad fiican si aan u dhuuxno ugana bogana helnana fariinta uu c/raxmaan inoo Soo gudbinayo oo mudan feejignaan iyo hawl galin si uu u noqdo meelmar.

Iminka iyo haatan aan u kal baxno C/raxmaan oo maansadan Qoraa ku lif aaqay hordhac yar.Wuxuu yidhi:

"Af-soomaaliga intii aan la qorin, waxa jirey, welina jira, dad gabya iyo dar heesa. Qaar -kood maansooyin bey ka curiyeen hawsha ay qabtaan, ayaga oo weliba tilmaamaya waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan intaba. Hubka u weyn ee ay adeegsadaan waa aftahannimo iyo afmaalnimo intii haddaba afka la qoray, waxa soo baxay dad wax qora. Dadkaasi badidoodu ma gabyaan mana heesaan. Hayeeshee, ayana afka ayuun bey si kale u adeegsadaan. Sheekooyin bay curiyaan, qoraallo ayey wax ku hogatusaaleeyaan. Marna murtiyaha, maahmaahaha iyo maansooyinka filiqsan ayey ururshaan.

Qoladan qoraayo baa la yidhaa. Qalabkay adeegsadaanna qalin baa la dhahaa. Qalinkaa isaga ah, qaar baa dad ku soofdaran habaabiya oo siyaasad ahaan u adeegsada. Darbaa agoonta iyo danyarta ku xada. Qaarna wey ugu halgamaan. Hadal iyo dhammaantii, maansadan soo socotaa waxa ay ka hadlaysaa qofka qoraaga ihi waxa uu qabto iyo xoogga iyo laxaadka uu qalinku leeyahay. Maansadu waxay baraarujineysaa aqoonyahannada. Waxaanay u digeysaa inta qalinka sida xun u adeegsata."
Qoraa


Waxan ahay qoraa     Murtidaan qalaa

Kala qaybiyaa     Qaarba meel dhigaa

Qirahaan duraa     Miid qunbaysanoo

Hal-abuur qiraan     Ku qulaamiyaa

Waxan ahay quraar     Qorigii tifliyo

Ereygii qarriban     Kaan qaab lahayn

Anigaa qorqora     Hadalkii qummanna

Ma qalloociyee     Mahadhaan qoraa

Waxan ahay qoraa     Qalabkaan sitana

Qalin baan idhaa     Waa qod aad u weyn

Qaro geed lahoon     La qarqoori karin

Marna waa qunbulad     Qarax weyn lihiyo

Dacar qaaqahoo     Qalin-duurle neceb!

Marna waa qanbool     Malmal qooshanoo

Qaradlaha u daran !     Marna waa qareen

Qarankow hadliyo     Af-hayeen qatara !

Marna waa Qataar     Qunba-hoole adag

Malmaluuq la qoray     Qarad laga lahaa

Qub ka siiba oo     Runta soo qayaxa !

Same Qaasinoow     Qaaradahan bal dhugo

Isu foodi qaar !    Qalin daacadihi

Tuu xeer u qoray     Qarnigani hortii

May qoonsan weli    Qab-qab dhaafay iyo

Qardoofaa jirtee    Qarandumis ma dhicin

Dhaqaalaa qofeed     Qof-qof kay ku tahay

Qayrkood ka roon     Dhahar Quulle iyo

Qublihii la yidhi     Quraankuu bayaxay

Qayrkii ka hadhe    Qoloduu horkacay

Qalalaase iyo     Qulubaageddi iyo

Maatadoo qaxdiyo!    Qaxar bay muteen !

Samey Qaaliyey     Qaali Maxamedey

Quulle muu fogaan    Qabar baas ku dhece

Eeshuu qarshaa    Qiiqaysa oo

Intuu qaaf baruu Ku qadhaaban jirey

May quusan weli !

Sogob qooqay yidhi    Qayladuu badshaa

Qurrud inaanu hayn     Qaroof wey ogtahay!

Qabaddada isbiday     Waxay qaar ku tidhi

Orgi qoodha baa     Soo qalaadayee

Qoqobbada ka dhaca     Qar baan idhi intaa

Qarka kalana waa    Qalinyahow gilgilo

U qashaaro dirir     Qarankani burburay

Qarqarsiga ka goo     Hoggaankiisa qabo!

Hilbahaygan qalan     Maadhaydan quban

Ubadkani qarracan     Qoyskaygan dumay

Qalinyahow tilmaan     Qorow daacad noqo

Qalin eex ka dhawr    Inta soo qaxdee

Kala qaaranee     Aan baraadka qabin

Qaylo dhaan u tebi    Ka dig uubta qodan

Dub qadiid ku dhacay !!
E E L

Cabdiraxmaan Faarax "Barwaaqo"

Af-soomaaligii baa cabanaya. Ha cawdee kolkii dheg loo jalaq siinwaayey, dadkiisiina wax ka hiiliya iyo wax deeddifeeya u kala jabeen ayaa shimbir u hadlayaa. Shimbirku wuxuu innagu baraarujinayaa inaan joojinno dagaalka lama filaanka ah ee aynnu kula jirno afkeenna. Dulucdu waa ka hortegidda ereyada shisheeyaha ah een loo baahnayn ee ereyo soomaaliya meesha ka saaraya. Aragtidu maaha in laga soo horjeedo in ereyo shisheeye ah la ergisto ee waxa weeye inaan loo baahnayn ereyo shisheeye ah oo ereyo Soomaaliya lagu beddelo sida: subax = aroor; qado = hadhimo; weji = fool; maqrib = fiid; caasimad = magaalamadax; safiir = danjire; macne = ujeeddo; waqti = xilli, ammin, goor; salaan = bariidi; dariiq = jid, waddo, marin, surin, iwm.



Xalay gelin dhexaadkii      Geyigaba dhammaantii

Maraan goobay keligey       Ayaa geed agtayda ah

Intuu galaw ka oogsaday      Garabkay luloo yidhi

Ninka gama’a diidee       Hadba gees deyaayow

Dhawr gu’ iyo dheeraad       Gabanyohow afkiinnii

Goob aan fogeyn buu        Garbadduub ku yahayoo

Goohaad maqlaysiyo       Gurxankaa ku soo galay

Isagoo gabdhooboo       Geyigaba wixii jirey

Gujisiyo gafane iyo        Shilin iyo gabaarrey

Inta ay ku goobteen    Goob fayow u diideen

Gam’i waayey weeyaan !       Geesaha intaan deyey

Garan waayey dulucdii       Oon giirtey baan idhi

Galawyohow gammuuxani       Gudcur baad gudeysaa

Geyigaan ka sookacay       Gumeysigii afkee jirey

Iyo kii garaadkaba       Waa horaa la gooyee

Waa maxay garmaamadan       Iyo gamaskan dheereed

Isla gaabineysaa ?


Intuu goohay buu yidhi       Goblan geeddi dheerow

Garaad laawihiiyow        Maanigaa ku gaadoo

Gudcur hoonbinaayoo        Soo duuley gaartani ?

Gurracow ujeeddada       Waad garab maraysaa

Maad garannin maansadu       Gol halkay u leedee

Guud mar bay ahayde        Gunta aan abbaaree

Dhambaalkaygan gaadhsii        Gaarriyiyo Hadraawiyo

Ganay iyo Galaal iyo       Intaan garasho doorbiday

Una sheeg gartaydoo        Ha gurricin waxaan idhi

Adna qiro garaadli’i !!


Intaan geydhamaan idhi       Galawyohow gudoodigan

Waad ii gefeysaa       Garaad laawe meyhiye

Adigaa war gurracanoo       Dabayl gebi sideedii

Hadba gees maraayee        Maxaad igu geleysaa ?

Galaw baa hadloo yidhi       Guhaaddii afkiinnaa

Gefka igu qasbaysee        Ii dulqaado gacallow

Gartana aan tilmaamee       Geyigaan ku noollahay

Magacaa geddoomee       Eeshii gumeysigu

Weli wey gamaartaa!!       Aan gumeeyo hadalkee

Geedbaa hadloo yidhi       Gudintaa xagaaftii

Ima gooyn karteene        Gacan baan ku leeyahay !

Waxan uga golleeyahay       Guubaabaday tahay

Ragga gabayga tiriyow       Ereyadii go’doomee

Garka aad ku jiiddeen       Gurmad iyo gargaariyo

Birmad haddaan la gaadhsiin        Oon geedka laga furin

La guubaabin maatada       La shaandhaynin gabayada

Geestiinnii Allaylehe       Daad baa ka soo galay !!!!




Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho:
  • Wargeyska Hal-Aqoon-Barwaaqo
  • Waraysi Abwaanka Laftigiisa-Fu,aad Sh.

  • Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.
      Tusmada Mahadhada

    soo socda

    soo socda

    soo socda

    Soo Socda

    Soo Socda