Cali Xasan [Bamfas]
Gabaygan magaciisa waxa la yidhaahdaa Dardaaran.
Wuxuu Abwaanku gabaygan curiyay habeenkii caanka
ahaa, ee qaaradaha aduunka ay ka diiwaan gashay
dhaqdhaqaaqa ururka Somalilyeed SNM taarriikhdiisu.
Waa habeenkii uu qarxaday dagaalkii 27 may 1988 kii ,
ee Hargeysa iyo Burcoba ay isku soo shubeen
sooma-jeestayaasha SNM iyagoo oodahoodii sita.
Waa habeenkii faraxada iyo naxdintaba lahaa.
Gabaygu wuxuu ka hadlayaa falalkii wax ku oolka ahaa,
ee is-dabajooga ahaa, ee SNM ku naafaysay taliskii
Faqashta ahaa ee Afweyne. Waxa kalooy burisay SNM,
markii siyaasadda cadawnimada ah, ee nacasnimada ah,
ee wadan nacaybka ah uu kula saxeexday Mangeste inaan
dal loo haystaa aanu jirin si SNM loogu soo celiyo,
loogana soo mistaafiriyo dalka Itobiya dabadana looga
soo eryo. Afweyne wuxuu iska dhaadhiciyay inay siyaasadaasi
u suurta galayso , tiina SNM ayaa burisay.
Gabaygu wuxuu ku bilaabmay sidan:
heshiiskuu daraaday u galay daalinka Afweyne
shaxduu dagay midbaa loo dagaye mala-daraantiisa
doqonkii Ogaadeen ku waa dagaladiisiiye
Itoobiya dal uma haysaniyo saynka lagu duugay
inuu yahay dalaal buu u qiray duulankii shalaye
xabashigu dantiisuu arkaye tayda muu dayne
anigaba durkii laygu waday daabacay is rogaye
hadaydaan daf soo odhan habeen idinka oo duuban
si kaloon ku doona xornimo nama dawayseene
dab wixii onkaday iyo wixii danab is dhaafaayay
dushiinaanu so halabsanay iyo doonti Nabi Nuuxe
haday maalintii nala dagto on ruux Duriyad sheegan
duligaan ku noolayn marnaba kama daraateene
daaraha burburay ee madfaca lagu duqaynaayay
dahab iyo damaar iyo intii duunyo lagu waayay
intii diric shaheediyo intii danab ku naafowday
inta caydh u soo dibad baxdee een daxandaxoonaynin
dir-xunkaad dhamayseen ayaan kaga dawoobaaye
nimankii lahaa duub-casta iyo yayda daba joogta
nimankii daluumaha xabsiga iilka nagu diiqay
nimankii dibnaha eegayee hadalka noo diiday
nimankii dubkoodi gubnaa aragu diidaayay
daymadooda nimankii indhaha dab iga leefaayay
halkaan dabada saaraba kuwii igu dul-meeraayay
magacyada dugaaga ah kuwii darajo moodaayay
dabar-goynti baan nahay kuwii marinka loo daayay
nimankii dadkay soo xidhaan kiish la daba qaado
madax-furasho lagu doonayee duunka ka colownay
nimankii dukaamada liqee rag uga duuduubtay
dagaagaan lahayn xeer gobeed ninaad u dayn raacdo
nimankii duqayn jiray guryaha daakirkiyo laylka
dugay iyo caruur iyo kuwaan dumarka dhaafaynin
diricyada haweenkiyo kolay dahabka goostaanba
nimankii hablaha tay damcaan duhurka xoogaayay
duligaan lahayn dhaqanka iyo diin uu kaga waabto
maydkooda oo daadsan baan so dul-joogsadaye
ilkihii dameeraha bakhtiyay daanka faqatiira
kuwii go'ay daraad iyo shalay dakharki loo gaystay
gunnimado raggay damaqdaybaa noo dagaalamaye
xaqa lama daboolee waxaan kuugu dabashaaray
degma-laqus siday ugu dhacdiyo labbadi doofaarba
ee Guul-wadihii loogu daray waan ku diirsadaye
dubaaxdooda meeshaan dhignay ee dhiigo kaga daatay
daruur curatay waa kow wixii da'ay mahiigaane
Xamarbuu dayaankii ku dhacay danab kiciisiiye
daalinkii tubtii buu maruu sii dabayshadayee'
Alla haydin daayee xoriyad lagu damaashaado
lixdankii mar baan daawannoo calanku waa deege
kii hore daruur buu ahaa kanina waa dooge'
dalku uu idiin baahanyahay waana kaa dihine
dadaal waxaydun kula soo baxdoo idinku deeqaaye
siday diintu xeer noogu tahay dhaqan aan duugoobin
dimaqaraadi loo simanyihiyo daacad ku hogaansha
dadka waa la naanaabiyee dawga ku hagaaja
milatari baa nasoo daashadee dib uga faalooda
nin kuu digay kumuu dilin sidaa qaba dareenkeeda
damal aan la jarin baan ahee daysta midhihiina
dan qudhaynu wad leenehee daaf u wada jeeda
dabku yii iga seexanine dogobyo weyn saara
daroorimad waan necebehee daadka iga moosa
daldaloola badan baa jiree daah isaga yeella
dadnimadu hiday noo tahay dariska nooleeya
qoladii wax daandaansatana daafac ku lahaada
dacr iyo inaad malab tihiin dunida gaadhsiiya
ninba doobiguu kuu shubay kiisa ugu deeqa
dambiyada kuwaan sii ridnayn kala dambayntiina
damac iyo colaad bay is huwane isugu dulqaad yeesha
daryeelkeeda Somali weyn duuga lo simane
nin walbaa dagmoo leeyahaye daaqsintiyo ceelka
hadba kaa dan wada leedihiin daabka wada goosta
siyaasadaha layguma dagee daakhil iyo khaarij
distoorkiina xaashida ku dhiga qalin aan duugoobin
Xigasho: somaliland poets
Soo saxa soona dhameeya
-
Dhadhab
Dib U laabo
Wuxuu yidhi:
hadduu dhimiiro leeyahay qabiil dhaladka Somali'
waxa dhab ah dhudaan ahay inaan cidina dhaafayne
dhidibkii Salaan baan ahay oo koodi muu dhalanne
mar haddaanu Dhuux ila hadlayn dhimay Abwaankiiye
Alaylehe Dhulbahantaa jaboo dhaban ku yaalaaye
dhedig caano weeye middii dhawrsan garan weyda
iyadiyo dhalaankaba afkaa laga dhirbaaxaaye
wax kastaba ha dhurtee naag la furay kii ?????
ragga hadalku so dhaafayow waa ku dhaxasheene
dhulka maalintaad timi wixi dhacay la soo qaadye
dhirtu wey da'daa wayse kala dhuub macaantahaye
haddaan cadayga dhawrto iyo haddaan dhuuqsinta abaaro
sow naaggo dhaadheer midhkii looga dhici maayo
afartaa dhalaaxdiyo haddaan dhalada so qaaday
dhicis laguma gawraco warmahaad dhiig u tumataye
waxaan dhubuqyo heensaday raggay naga dhaxeeyeene
dhuduc kalana waa liitidii hal aan ku dhoobaystay
Dhoodaan ninbaa tumay hadduu idinku dheeraaye
dhafoorada xadiid kala dhacay iyo dhoomayaal culuse
dhulkaan ugu ridee waydinkaa dhawr usoo baxaye
Cali kuma dhidhaysaan habaab shayna kaa dhicine
dhalmadiyo haddii guur haween lagu dhaqaalaysto
dhixirkooda kuma soo noqdee midaan ku dhaafaynin
haddaad dhalan rogteen reerba reer dhinaca soo saarye
way dhogor xumaysteen kuwii idinku dheehnaaye
Ogaadeenkii dhiidhida galow waa dhex hurudaane
oo dhabarka sii saaraysaan dhoobo saa'idae'
dhulka idnila go'ay waa Isaaq dhaxal madoobeeye
dhurwaaba idin yidhi waa hal oo dhagac ku siiseene
dhankastaba hadda laga maray oo dhoombir kaga qiiqye
waxaan lagugu dhaafaynin waa sidigti Dhaameele
ma dhadhamin haddaad leedihiin waa ka dheregteene
dharigiyo dhadhaarada halkuu dhoolku ka hilaaco
hadba dhan ula guurtee waxaad dhagagsigaa maasho
jidadkaad dhubqaalynayseen layska soo dhababye
dhufayskaana laysugu jiraa ways dhalfa ogayne
dhabalooxadiiniyo halkaa dhererantiin caawa
dhabahaa ka tuugaysataan dhabarka Las-caano
waa dhawdii Habar Yoonisoon loo dhagaatiyine
imikaanay dhoobdhoob lahayn dhacantay mooyaane
dhibbi waxay ka joogtaa raggii dhiigga kululaaye
lagu kala dhaqaaq saaka tii aan dhudhuminaaye
waagii dharaarow xaqqii dhayda ka cadeeye
dhoof laguma raaggii raggi dhiirana yimide
ma cirkay ka soo dhici haddaad dhega barjawdeene
dhabar-jabintu waa xoogagay dhubuq ka siiyeene
waxaan magaca ugu dhaatay iyo dhalasho waa hiile
dhoomaha la tiray reerahaa dhacanta loo jiiday
waa gaaskii dhuunyaalahee dhoodi maalmahane
hilinkuu ka dheef-quudin jiray waa ka soo dhaliye
dhakhso waan idiin jeedinee dhaaca iyo maydka
dhudhunbaan idiin sheeganee waxase dheeraadah
in ciidankii dharsanaa shicib u dhuuntaane
dhuugaan ka riday waa hal iyo kii la dhaadhiyaye
dacawgii dhegaatiga cuniyo dhaan dambiyo faytin
mid dambo dhankiina ah Walloon cidi u dhiibayne
tukihihii dhigaanka u qotomay dhiitadiyo xoorka
sidaan kaaga dhaar galay ayaan loga dhaashiine
wataad sidaa ugu dhaganayd dhiisha caanahae'
dhalandhoolka waataan ku jiray dhuubatiyo ciile
dhugatoobayeey waa rasaas waxaan ku dheefaaye
dhafoor taabashada naaquskaan keebkaan dhaansadaye
dhexda suunka weeyaan markaha dhaayin lo tolaye
dhacsadaye habeenyohow waataa dhiilka loo culaye
eey dheega sumadii ku taal dhogor casuuslaye
dhibidiyo tawaadiisu waa dhudiyo heemaale
dhacadiid kumaan soo xarayn taan u dhiig baxaye
dhuuni qaatayow aan wajiga dheeha ku lahayne
dharkaad xidhato baalha madow dhuni rogadkiisa
numbarada sidaad ugu dhigtiyo xeel ku dhaqankiisa
waa waxaad dhigiin kaga hadheen ka idin dhuunsadaye
dhukus iyo dhagaystaba hambada kii dhuftaan ahaye
dhadhabtuu ku yidhi hoo liq eed dhuunta marin weyday
waxaad dhariga kala soo baxdeen dhagax-baruurkiiye
dhure waxaad ku soo qadhafsataan dhabaqsi mooyaane
war dhulbaad xoraysan hungri baad u dhimateene
Soo saxa soona dhameeya
Xigasho:somaliland poets
Dhambaal
Dib U laabo
Afrikaay dhambaalkaa socdaan hadal ku dhaafaaye
dharaar iy habeen tuu ku jiro nolosha dheegiisa
dhul intuu ka legyahay khalqiga dhixitimaadkiisa
ninba dhaayihiisa waqtiga loogu sii dhigaye
Mandheelaba siduu uguu sii dhib galay dhaxalka lo aayo
ayaa loogu dhiiba xoriyo kii u dhiig baxaye
dhaartaan Ilaahay u galay dhoobadiyo ciida
galbis aan ku wada dhaadaniyo calanka ii dhaaban
dhirbaaxooyinkaygii haddaan meel isugu dhaabo
kuli waa dhulkaygoon cid kale naga dhaxaynayne
sow in wixii layga dhacay soo dhacsado maaha
sow inaan dhamays tiro wixii iga dhinaa maaha
sow inaan dhigaygaan ka hadhay dherertanaa maaha
sow inaan ka dhawrsado waxaan ii dhadhamin maaha
sow inaan dhunkado ciidu taan dhaxashadaa maaha
sow dhuuxa ubadkii ku jiray tuu dhursugo maaha
sow waxa dhalaan loo korshaa dhaqan rugeed maaha
sow caalin dhibac kuu liqimay dhool gudguge maaha
sow waxaad ka dheeftaa abwaan dhimiiradii maaha
nin qabyaalad dhoobdhoobayaa dheef ku cuni waaye
dhexdayada ninkii soo galaa ee dhibo ka doonaaya
ee dhaan shisheeyaad wataa sow ku dhiman maayo
dhudhub oodan kii kula damca ee bohosha dheereeya
isna kuu dhegoolaynayaa sow ku dhici maayo
nin dhiigaygan uun muhanaya ooy dheeman uga hoortay
bal dayoo dhafoorkaygan godan dahab ka dhoobaya
maalintuu Ilaahay dhufto uu dhuuman kari waayo
tuugii uu dheef quudin jiray wacad Aluu dhaarto
isna dhagar la galay sow wajiga dheehu kama daadan
Xigasho: somaliland poets
Soo saxa soona dhameeya
Gabagabo
Dib U laabo
nin garaada gooyaa murtida wow gu tiriyaye
godka wow xidigiyaa hadday laxuhu guuraane
sidaan gabanadii ugu wahmo iyo goraygi Buuhodle
waataan gabaanaday tixihii igu gulaalaaye
markan gacanta mooyee wax kale iima so galine
dabaylahaa i guuluulayoo gaaruf bay dilaye
gadgdoonka waxa iigu wacan gaws qaniinyadae'
hadii aanay mawjadi galgalan badi ma guuxdeene
nabsigii gariir iyo ufaba soo gudguda reenye
gantaalaha onkoday waa halkuu gaafka soo dhigaye
gawda iyo mahiigaankaba galowgi saanyoone'
kuwii gocorku hudutuulin jiray gabas tukaaleeye
garabasimanta iyo hoobiyaha lagu garaacaayo
gumucaa dhabaandhaby sidii goroyo cawleede
gufaacada inteeday sugeen gocondho daad qaadye
hashay guufanaysyadu jaqeen geesiyow kacaye
wax badanbay hilaaca u gudhnayd galalacdii Juune
gol-qaniinka lagu maali jiray labbada gooroode
oo gorof haraatigu ahaa guux dhagaysigae'
may buu sidkeedi go'ay oo waa ku so godole
garaad nimaan lahayn baan ogayn goor habeen tagaye
iyo goor uu waagi baryoon saaka garanayne
oo ganacsigii sii wadwada gibin dukaan yaale
oo aan gadaafada xidhxidhan garab tolkii raacaye
gufaaciyo dareemaba xalaa gooha lo miraye
ninba waa intuu gashado faraska Guleede
godkay igu xabaal nololiyeen galabta ii dhaafye
ma godlado haddan Yusufow ciil ku gaagaxowe'
ma gramo anoon gaysanayn ficil gobaadeede
gabagabihii bay tagan tahay oo waa gam xaajaduye
sidii aar la ganay maalintaan godobta buuleeyo
geerida ma sheegine la waa in aan gaboodaaye
gawaan kama ciyee maalintaan gadagadaynaayo
een geda libaaxyaynayeen gego ka siigeeyo
waxaa gedo ruquusaa nimaan gaws calaashadye
gadhkaan saaray jeenyaha ishaan giirka ku hudheeyay
galka waxaan ka soo siibay waa galabta dhigeeye
gigta iyo dhirbaaxada kuwaan saaka kaga gooyay
miciyaha la soo gaadhy waa gurucyo dheertiiye
gabalkaan cagta u saaray baan goolba meel dhigaye
haadku ha gigee waa waxay galabsanaayeene
Ganaanay ka soo jeedsadeen gosankii hadhaye
gamboor laaga maanaan jeclayn inaan gumaadaaye
raaaarkii bay so galeen kaan u gaatamaye
galin baan ka soo jeedsanoo googo'a u ridaye
geeshka lagu cartamay maanta waa gaankii Xodayoode
oday geeri ba'ay baa war baas loola soo galaye
su'aalbaa gamuurane haddii guuti la horkeeeno
gashi nama qabtoo waa jawaab geela yaa wadaye
gardaradii car???? tidhi ayaan gorog ka caanayne
kuwii madaxa noo gaabin jiray hays gumbudhiyeene
goofi hadimo waa faas wixii lagu gamuuraaye
maxaa uga gidhiisha ah iyo maxaa gaanka lagu xiiray
maxaa nagu galaysaan hadhow waa gar kuma taale
garyaqaanadii baa warami guul maxkamadeede
Ilaah baa garsoor lehe xaqaan gudanayaa dhawe
waa laga gun gaadhiye halkuu gabaygu maaxaayo
gun dhigeeda maansadu halakay gabagabaynayso
waataan in badan gaaxiyee gacalayaal hooya
waarabihii gaboobe dhammaan uunka wada gaabshay
isagaba cishaa loo gashaday gumuca maadhiine
geerida ka baashay dhufteen gabanadiisiiye
Xamar gaada weynow markii lagu garmaameeyay
bari iyo galbeed loola carar laguna soo gaadhye
gumbur bay ka waayeen dhulkii geesna hay dhigine
godob baa ka tiil meel kastiyo geed la tiriyaye
gar Alle naftoodi markay kala gol-roonatay
ayay gabi ka tuureen inuu wada galaaftaaye
kana waa gadaaso cirkay guri ka ooteene
gacal iyo sokeeyaba la waa ciday galaystaane
gabal waliba qiiqdee haday caawa gubanayso
iyadaa isa soo guri horaa loo garwaaqsadaye
iyagoo gamuumkii sita oo gamaska dhiigeeyay
iyo bir iyo gaaleefta way mala gadodaane
gig hadduu Hawiye soo yidhaa waa ku kala guure
gacma wada jirkeene waxaan gaar isaga yeelay
oday geeri ba'ay baa rasaas loola soo galaye
golihii Madheera iyo halkii gaadhka laga toogtay
gobanimadu sow maalintii Gacan-libaax maaha
goolbaa xasuus lehe midkaan galinay maaha
halka guurtidii lagala baxay taan ka gu'in maaha
waxa loo galaaftaa shacbiga sow kas gudhay maaha
geeshkaa inoo dirirayaa garab qarsoon maaha
gun baa nayla kala soocayaa gala dagaal maaha
gurmadkiyo farduhu sow kuwii Cumar Galaydh maaha
gamaankii Hargeysiyo Burcoo weerar galay maaha
gulufkaa ku hoogaantay bari sow mid gara maaha
ciidamada gadooda kuwuu ganayay soo maaha
gaashaandhigiyo xoogagaan soo gambiyay maaha
guutooyinkaan laabuday iyo gaas cartamay maaha
geesiyada la baxay geesigeed garanaysaan maaha
haaftayn galaaskii Bir-jeex galiyay sow maaha
gaadadaan la soo wada kacnee gool fajaca maaha
geediga wadaay sow raggii noo guntaday maaha
kuwaan guusha xadhiga u qabsaday gar iyo suun maaha
gorgorkaa la siigeeyay sow dhabar gariir maaha
gerisaha qalalay sow wadnaha kaan u galay maaha
goobiyaalka u waa baryaba goosto Xamar maaha
Alla gawracii sow wadkuu sii guntaday maaha
soo gaadha gacalkeen aduun galin ba cayn maaha
aroos loo gangaamiyo xoriyo golihi Juun maaha
waa guul Alle waagu sow galalacdii maaha
galadaha Ilaahay xilkaan gudanay sow maaha
ka kaleen guudka u ritaa sow gayiga maaha
calankaan ku wada gaaf lahaa sow garrida maaha
lasoo galay lasoo golongolay kaan la gadin maaha
sow geedba geedka u dheer gobi rugtay maaha
gacantayda bidix sow midaan garabsadaa maaha
sow gooshu aar kama hadhee gacaladay maaha
hadduu gobolba gobolkiisa yahay taan u go'o maaha
godka lama huraan bay Janada gogoshu i taale
geerida ninkii diidayow waa midaad galiye
saddexdaan u gaylamo naftaan garab dhigaayaye
marna inaanan gaagaabsnayn gabaygu sow maaha
afartaa gigtaan riddi jiriyo garashadaydii dheh
madfacaan garmaamayn jiriyo giririgtiise dheh
gantaaluhu kuway hoobiyeen galabsigoodii dheh
gobo' kalana waa liitidee hal aan garwaaqsiiyay
ma gartaan abaal mana gudaan waana loo galaye
waxa aniyo reer guura-raac maanta kala gaadha
ee guurti loo soo bandhigo gunud jawaabteeda
wax kastoon kala geysanaa Guba la xeer maalye
garbuhuu kun naafayn jiriyo gumucyadii Yawle
halkuu udubku gaylansanaa geela xeradiisa
iyo ganafka tii lagu dhuftaa ee ololka googoysay
gabankii uleeyiyo hashii galaha loo sheegtay
ay gacantu laabnayd isaga waa galgaldkiiye
doqonyahay wax gaystuu lahaa tanina waa gowe'
guubaabadii Dhuux halkuu idinka gaadhsiiyay
gabaygii Salaan iyo Qamaan soo gadaal noqaye
goray suul madow iyo haddi goodir la xabaadho
abidkiinba waa gu'i jirteen guusha beer dhigae'
nirgu waa la guurayn jirteen geedi baaba'aye
gorfo madhan cidlaa dhigi jirteen ramad u guuxayne
maantana hadaad garab dhigtaan laydin kala gooye
safarkaad galaabixin jirteen Gari ka baaleeye
galaydii haddaa loo toltolay guufmaxaadhadae'
garaaxdaad bidhbidhateen ayaan gaajo kaa rogine
go'ee iyo had-dee nacasnimaad wada golnugtaane
garbadaad ka luluataan sidii garar wadaameede
galgalaha sidaad uga baxdeen waanad garnayne
go'aankii tolkay lagu riday iyo garabsigaad eeday
gudoonkii fashiistaha cirkay gogoshu kuu taale
oon giirnax caawa u fadhiyin lay garaangaroe'
gafuurkaad ku jiideen dhulkee reer af-gudimaale
gobanimadu wataad shalay go'a ku boobteene
guntiga aad ku si laabateen geedki Dhagaxbuure
midii aan gumaysiga ka riday calanka guudkayga
inaydaan gasiinka u tubnaan gobabkan hoostooda
oydaan dhex gaadgaatinayn galiyo uurkiina
Soo saxa soona dhameeya
Xigasho:somaliland poets
Galbis
Dib U laabo
Gabaygan, waxa uu Banfas kaga qaybgalay tartan suugaanleyda loo
qabtay 1976kii oo uu kaalinta koowaad kaga mutaystay maansadan
"Gelbis". Waxa uu si qaaya leh uga sheekaynayaa hannaanka guurka
Soomaalida. Sidoo kalena waxa uu habsami xeeldheer u fasirayaa
qaybaha dhaqankaas, iyo dabiicadda, taasoo uu hal-abuurku ku
dhexdhigayo dadka iyo dhulka uu ka sheekaynayo.
Marbaa geeddi loo rari abaar, geli habaas wayne
Mid halkuu gu'gii degay mid kale, dayrta gelayaaye
Danuun ceel la fuuqsaday mid kale, daba-galshaystaane
Hadba tuu Ilaah ku gallado, gabadhi weeyaane
Nin kastaa midduu gaasiroo, galab la haasaawo
Niyaddiisu ay goy ku tiri, gooh la ladi waayey
Guurkeennu waa laba dariiq, oo isgarab yaalle
Waa gabadh la qaadiyo miday, guurti bixisaaye
Gar cadaawe maahee shir waa, gogol-dhiggiisiiye
Gadhwayntaba gadhwayn kale ayaa, laga hor geeyaaye
Golo-baanistay heeti wali, gaafo hadashaaye
Oo niman ku geeraarayaa, gabay ku sheegaane
Geel kagama joogsado ninkii, caashaqeed galaye
Waayeel gadaal dhowrayaan, garab ku siinayne
Hadday lexajecladu gees tahoo, lays afgaran waayo
Ama gabadh ka wayn lagu xidhay, gaban horaan siiyey
Oo gabadhu way doonnan tahay, gowska ku adkaysto
Ama xeer guyaal hore taxnaa, loo gu' tirinaayo
Garta lagu xabaashoo halkaa, lays girgirin waayo
Inankii gabniin iyo xanuun, laba gar daymooda
Inantiina goob kale ayay, gaydha la qabtaaye
Kala-gurashadoodiyo faqay gees ka garataaye
Markii uu waxgaradkii hadlee, talo go'aan joogto
Inta goonni loo kala baxaa, lays gun xaadhaaye
Garowshiinyo la iskula noqdaa, godob la baajaaye
Soomaali waa gibin ciddii, dhaqan ku gaadhaaye
Ducadiyo gabbaatiga markii, la isku gacan qaado
Inankii guddoonsaday xilayn, guudka la saarye
Waa gob iyo xaalkeed inay, gabadha hooyaane
Soddohdiina guubaabaday, dumarka gaadhsiine
Goddolooladaa laga jiraa, gacalku taageerye
Maro gooddi dheeriyo xariir, lagu guddoomaayo
Subaggeenii guuyada iniin, ugu galaallaaye
Gadaal iyo hor baa laga maraa, labada goonyoode
Gaban loo xambaarshaa markaa, lagu gardaadshaaye
Gelbis iyo damaashaad aroos, loo gimaamadiye
Gijiyaye middii kalaan, idin garwaaqsiine
Gabadhii la qaadana haddaan, idin garwaaqsiine
Hadduu guuyo badan waayo oo, goosan kari waayo
Gigligiyo gammaankoo lammadan, golaha keenaynin
Yaradkuu ku gabangaabsadaa, geed-fadhiisiga'e
Kiiyoo fay-gamuurtii sitiyo, laba go'oo maydhan
dabadeed isgaafgaafayoo, ganafka taagaaya
Gaashaanka iyo toorrida iyo, gamas intuu qaato
Geyiguu ka soo xulan midday, gobo'du saarnayde
Ganaaniyo Galdhuur iyo Nugaal, aradka Gaaroodi
Gadhka Saylac Geeska bariyo, Gaarisiyo Faafan
Haddii aan Galbeed uga rogoon, Harar ku gaadhsiiyo
Gadh ilaa gadaankaa ayuu, gaadhka soo marine
Haddii guuto loo wada degiyo, jeesas kala gaara
Gabbal kama tegaayoo dhulkuu, galalafaayaaye
Sidii gaaddo waynoo libaax, guura hableeyaaye
Hadduu gego bannaan kula kulmiyo, garangar hoosteeda
Wuxuu gacanta soo qabanayaa, tima-gammaanleeye
Marka ay la garatay dharkiyo, guran hugeediiye
Gaagaabsi baa loo dusaa, gaatin caradeede
Gigta jaanta bay dhowrayaan, geelu yuu didine
Geh! hadduu yiraa ruux qufacay, way gabbanayaane
Muska giringirtiisiyo hadhkay, gudub u raacaane
Raadkooday gadayaan hadhow, yaan la soo gurine
Kayn laba markii laga gudbee, gaydhu kaba duusho
Gucle orod ayaa la holladaa, amase gooshaashe
Gelin reerka laga jiifay bay, socod gelaayaane
Geshigaa ninkii lagala tegay, raacdo wuu geliye
Goor ay noqotaba dayn baa ku maqan, waase
gudayaaye
Geli owdan geedo isku baxay, webiyo gaafkooda
Garbada iyo xeeliga yaxaas, gacanka soo raacay
Jeertuna gedoodayso oy, gurayso raadkooda
Weyil gees leh, gaatame biciid, goray hadaafaaya
Goodir xaradh leh doofaarradoo, garab ka daaqaaya
Qarandida gunlaynaysa ee, garab u rooraysa
Gantaashiyo qodxaanyada dhiddaa, gaar u fidhimaystay
Coofaadhka gaagaabsadee, guladka buuraaya
Gurdanka iyo qoobkaba dhirtoo, wada giriiraysa
Maroodiga dhex-gaardiya iyo, goosha iyo aarka
Shabeel giir leh, gunufaa dhurwaa, haramcad guuxaaya
Golli dawaco, weer gaaban iyo, dhidar gamaamaysan
Guduudane cas iyo guluf, guuto Amayaal ah
Mas gurguurtaa, good iyo abees, gulungulcaynaaya
Godka halaqa goodaaddo, bahalo guuraaya
Raq gaylaansan, haad soo geb yiri, gaydhankiyo boodhka
Gorgor kacaya, guumaysta iyo, salamadh geesaas ah
Xoor guluuban geedaha saroo, guudka kaga jooga
Gocondhada iswada haystiyo, mici gamaarrayda.
Gargaar Dib U laabo
Maansadan soo socota oo magaceeda la yidhaah "Gargaar" wuxuu
abwaanku tiriyey Sanadkii 1985 kii, markii uu kacaankii afwayne
xidhxidhay dhalinyartii uu ku jiray Cali Banfas, kuwaas oo lagu
hayey jeelka Madheera ayaa maalin ka mid ahayd maalmihii adkaa
ee ay halkaa ku qaateen uu soo gaadhay gariir hor leh oo meel
agtooda ah ka baxaayey. Cali Banfas oo xaqiiqsanaa in jihaadku
si qumaaati ah u socdo ayaa maansadan gargaar u diray mujaahidiintii
halganka ku jirtay oo uu watay Alla ha u naxariistee Mujaahid Lixle.
Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka
Barbaarta gedayda Katiinadu goysay
Gubtoon ladi waayo inaan garab haysto
Gariirka agtayda ayaan ka gartaaye
Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka
Lixloow guga maanta la soo hadhin guusha
Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka
Gidaar igu meersan God la igu horjoogo
Gaadh la iigu wareejey Hadaan gacaloowe
Gaashaan hidin waayey Inaan godobtayda
Galaydhkiyo haada gaadhsiiyo fariinta
ayaa ila gudboone Hadaanan hadaanan
Hadaanan gadoodka Lixloow guga maanta
la soo hadhin guusha
Waxaan Gabaygayga guubaabada ciilka
geeraar iyo maanso intaan isu geeyo
Ragaad garanyso Intaan u goleeyo
Garaadka u buuxsho Waxaan goconaayo
Haddaan Gacantayda Ku goosanayaaye
Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka
Lixloow guga maanta La soo hadhin guusaha
Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka
Gammaanka cadhaysan Gargooska ku naaxsho
Haddaan gulufkoodaku soo gambiyaaye
Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka
Lixloow guga maanta La soo hadhin guusha
Waxaan gabaygayaga guubaabada ciilka
Haweenka galuubanGidaarada Jeelka
dadkoodii la geeyey Gasiinka la taagan
Gubtoon ladi waayo Gudaafka wuxuushtu
Garuunkiyo qoolka wuxuu ku garaaco
wuxuu dhangad geeshka Sarmaanta galoolka
Gabdhaha ku uleeyo Mid gaydhka ka caayo
waxaan gasariiro Galiilyada saanta
Gankaygu istaago Gogaygu dubaaxsho
Ragaad garanayso Haddaan gashigaygii
ka soo gudayaayoon ka goosanayaaye
Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka
Lixloow guga maanta la soo hadhin guusha
xigasho:somaliland poets
Soo saxa soona dhameeya
Jabuuti Dib U laabo
Jabuutaay war igu baalidaan soo burqanayaaye
gobanimo bilaash kuma hantiyo dad u buseelaaye
bunduqbay afkii saarantahay hub iyo baaruude
ma badhaadho fulihii ka hadhay boodhka dirireede
inkastuu gumaysigu bahdilo oo buhabuhaynaayo
hadii ay bulshadu doonto nolol way ka baxayaane
mar uunbay hadday bari hurdeen soo baraarugiye
mar uunbay shakaalada birta ah baw ka kala siine
mar uunbaa hadday baahsanayd laysu baydhaaye
mar uunbuu usoo bilig yidhaa kaahi waabariye
mar uunbuu butaacaa nabsiga waayo biirsamaye
been ku hadli maayee hadduu dhiilki buuxsamaye
Ilaahay waxaad barido uu kaa aqbalayaaye
bisinkiina loo qabbay Nabiga barakadiisiiye
burdhaan ku gaynoo waqtigu way is bedelayaaye
Faransiis dabkii loo bakhtii biligti laydhkiiye
maantay bishii dhalatay oon bari ku daahnayne
cadaduna bayaan kuu tahoo ururku buuxaaye
barigii horeetaba la eed beer laxawsigae'
waataa buugi lagu soo hor dhigay baalki xaashidae'
hadii qalinku kaa baydho waa boqon jabkiiniiye
hadii ay warqadi baaqato oo nacas ka baashaalo
ama uu bartii seego oo badow khasaareeyo
ba'e garo inay tahay rasaas boodh ku dhicisowday
isna cadowgii ula soo baxo beerka kala goysay
siyaasaduhu way badanyihiin kugu bilkeedshaaye
qodobay usii kala baxaan wax u baneeyaaye
hayeeshe ka baaraandaga on yaa lagaa badine
dabinuu balaqayaa xadhkee jaanta kala booda
boholaha laguu dadayee qodan ka baydhbaydha
baastarka idin dhiba raadiyoo baaska ku afduuba
baabuurta miinada ku xidha boos caduhu fuulo
saldhigyada badbaadada garnayl baabaah kaga yeela
ka burburiya gaadiidka oo badi u naafeeyaa
baanisaha shirkiinii qarsoon baadi ka ilaasha
waadaashana ha kula boodinee yara baxnaaneeya
haddii uu basaas idinku jiro bixiya raadkiisa
bakhti kuu xalaalow intaad baylahdaa tahaye
hadii aan banaanbaxa shacbiga baladku ceeryoomin
kala biiqday weeyaan xornimo baaqa loo tumine
barbarkiina uunkii la jira beerka ka ogaada
meel lagu bururiyoo xinjiro boqol ku geeriyootay
yaa lagu bosiiyaa xab oo baarax loo dagiye
babaydhyooday Maxamud Xarbiye badiya aarkiisa
Ilaah baa badbaadaada hayee nolosha biimeeya
bamka tuura waagii baryaba baqasho waa ceebe
baruur xumi baruuryaha kalay wada bukaysiine
balaayaa idin soo gali haddaad bahabawdaane
haddaad beretantaan dawladnimo waa barkumataale
bal ogow ragbaa jira hadhow heel soo bixiye
haddii bowdka laga tuurayo oo beel la qixinaayo
baarfuranka lama so qaabsado keeno qaad barane
lama saaro weelkii burbura dhabiga buubaale
hayinkaad la boobta rarkoo lagu bilaabaaye
sida loogu bogay hawsha baa loogu bidayaaye
hays odhan tirada buuxiyee doqonka baandheeya
boqolaal haddii ay wataan booshka iga reeba
intuu wiil barbaaryahay ayay tallo ka bodaaye
balaysimaha waxa oodi kari boos cadaadigae'
rag bidaartu wada xiirtay oo badiya qaanuunka
isticmaar badheedh kula xarbiyay geeya barlamanka
bidix midigiba waa labba gacmood oon madi u baahnayne
hadday balow tidhaa midi ta kale loo barkinayaaye
baroordiiqda waysigu xignaa kii la baadsadowe'
hadduu bililiqastiyo hunguri caddow ku soo booboo
anigoon ku baylihin ayaan soo birmanayaaye
bule iyo madaalaha intaan guudka kaga boodo
sidii boone so lalay anoo baalal-laa imane
baroorkii tigaad cunay fardaha uu u badiyaaye
kuman hawd barwaaqada gugii baadka miranaayay
kuman badhaxa loo shubi jiriyo badhi la miideeyay
kuman biyo xun laga dhaariyoon beenyo ku aroorin
kuman beledka seeraha ku yaal beerta lagu naaxsho
kumna wiil barbaar ihi sidii baqal u kooraynin
kuman bawdadiyo gaadadiyo baydu dhagaxawday
kuman baadi doon iyo colaad belo u kooraysan
iyo kuman boggoodu isku dhagay dhididku boodheeyay
intaasoo bugaanbuga kun oo badhi fansaarkii leh
buur iyo banaan iyo waxaan boholo so jeexo
banka giri sidii caydh intaan idinku soo boobo
yaan bari galbeed jaha kastaba baalka kaa dhigeye
barrigaan ku soo qarin malyuun lug iyo baabuure
bada iyo cirkaan kaga hadhayn barashuud dagae'
oon beel walaalnimo u dirir badin raqdoodiiye
calnkaad u boholyawdaybaa baarax loo sudheye
baraq jabe shisheyuhu marbuu bigilku yeedhaaye
bahaluule koodu markuu boodh ku soo dhacoe'
ana biligtiisay idhuhu iiigu baxayaane
markaasaan badhaadhaha ciyaar tumani beeraaye
batarkiyo Saylici herwada boodi dhaantadae'
maanta waa bishaariyo bil-khayr laysku baashirye
biladdii shantii gees labba baylahoo maqane
balankeenu waa wada jir iyo baadi doon taggae'
ama buur ahaada oo iskiin madax banaanada
ama buur ku tiirsada inaan nacab ku soo boobin
Xigasho:somaliland poets
Soo saxa soona dhameeya
Jaranjaro Dib U laabo
lixdankii jihaad kaan galee calanka lo joojay
Jabuuti iyo Hargeysiyo halkay Xamar ka so jeedo
Jubbada Kismaayiyo Berbera Jawhar iyo Saylac
khadkii Xayle loo jogsadiyo Jooma Kiniyaate
Somaloo jamhuuriyad qudhoon saaka kala jeedin
anaba waayo waataan jeclayn kuna jibaysnayne
haddaan wada jirkeedii dhacayn jixinjixii laabta
ogow jeer dambo layga rido jar iyo haadaanta
qalbigayga waataan ka jaray jeerenkii mudaye
jarcadaynu kala goosanoo laysku jiidjiidan
nabad aan kula jiibsanoon saas ku kala joogno
iyo inaynu jaarinoo sidii dumarka juuq dhawrka
xabadeenu kala joogsan baa meel kuu wada joogta
jiinbaarta maabkiyo kobtaa saanta uga jeeban
ninbaa qaydki lo jeexaybuu maduhu joogaaye
jeegaan markhaati leh haddaad ood aan jirin jiido
ood jabad u waageer tidhaa jilibka reer khaadun
jeeskaad ku soo leexataba jiifto iyo xeelad
jiridaad gabood u hadatiyo jiitadaa gurane
jufadaynu kala maadinaa jidibka soofaysan
xadkaagood ku joogtiyo inaan jalogu kuu laacin
jelxadoynu wada dhawranaa jaarku wada noole
iyo inaynu joohaar tago ood jabiso qaanuunka
mitirkaaga soo jiidhinbaa meel kuu wad joogta
gudintaba badhkeeda ku jira geedka ay jariye
jilmi uu gumasigu watoo jidhifta aad moodo
jidhku inuu jidhaagii yahoo kaa dhanna jirae'
janaraal digtaatooriya oo jofka wiyileed leh
waa waxa afrikaba jirabay jaahil xoganiye
jirjiroole midabaynaya oo kaga jaqaaq siiya
jiho aad u raacdiyo lahayn jid iyo ceel toona
iyo caalinkaad jamanaysaa jaranjartaad fuusho
janno gaaban kuu sahamiyaa meel kuu wada jooga
jiritaanka Somaliland cududihii joogay
magacaa jamhuurigu horuu ugu jaxaasnaaye
jibsimahay u gobolaysantahay jeeni iyo waaxo
socodkay ku wada jiilantahay jaanta wada qaada
joornaal wuxuu ku dhigo jabiyhii doonay
reer reer in laysugu jabbaa ha jawaabinae'
shir jaraa'id oo beeniyaa joogta oo badane
jaamacadihiina dalka iyo horumarkaan joogsan
dugsigaad u jaan goyn lahayd jiika so kacaya
labbada idin jaanjaamiyiyo jin iyo shaydaanka
jahliga idin naanaanbiyay ee lagu jiboonaayo
eed jeebka kala soo baxdaan ciriq xun o jiifa
jacaylkii ku dhoobaynaysaan jawhartii hadiga
xaqiiqadoon usoo jedesanaa meel kuu wada joogta
Xigasho:Somaliland poets
Soo saxa soona dhameeya
Kudkude Dib U laabo
Kaahaa la wada eegayaa awr kabaal qabaye
Koonfur iyo Waqooyiba hadday laydhu kaafidaye
sidii ceel karkaarada xumbada kor uga soo tuuray
nabsigii karuuraaba uu soo kacaa-budhiye
kefedii rognaydbaa xaqii soo kor marayaaye
kacaankaad u sacabaynaysaan waa la kaarahaye
dharigay idiin karinayaan waa kud iyo faare
dhunkaal soo kalaankalaysa baad so kilkilsaane
koodhkii Afweyne iyo la tuur kab iyo xaarkeede
kaalintii Bukaasu galuu uu kurbanayaaye
kaydkii Amiin buu dhigtay oo koorihii ga'aye
ninka maanta kaalmaynayaa kayd xun dhaansadaye
??konton lihii Rashiid lagu diliyo Kennedi baa go'aye
keebka iyo liishaanku waa kama dambaystiiye
haddii koodh la taagiyo haddii lagaga kaw siiyo
?waqtigiisiibaa kooban oon kadab u yeelayne
kilaal buu dhex joogaa Cigaal waana kalidiiye
?dhaaxuu idin kabankaabiyo we
hadii aanu waran kiisu karin reer nin kaliyaale
waa inaad sidii naag la kaday kabaha qaadaane
mar baan koran xiniinyaha la muday kebed la saarayne
hogaan lagu kaxeeyiyo marbuu keena-goys yahaye
kaymuhuu jiboodaa intuu kadinka jeexaaye
kintaaladu jiidayo ee lagu kadeedaayo
ee lagu kor fuulaayo ee lagu karbaashaayo
dameerkuba kabaalada marbuu kabax ka siiyaaye
kuray yari wuxuu aar gutaa maalintuu koroe'
kukudaa ugu liitoo nin geed waa ka kiciyaaye
tolkayow maxaa u kuududaan laydin kooreeye
Soo saxa soona dhameeya
Xigasho: somaliland poets
Raamaale Dib U laabo
raxan raadka waxa iigu wacan rixinka Somali
raxmaad da'ay ramaas iyo xareed rayska iyo baadka
ramadkaygi dhalay caanihii ruuxna dhami waayay
raaxo lagu nagaadiyo nimcada lagu riyaaqaayo
gobonimo lasoo roornay oo weydinkii raqaye
ee subagii raaraa guryaha Roma loo dirayay
Aadan iyo Rasaaq waatay naga rakiigeene
Xamar raatub oon liicin oo aradka ruugaaya
rab intan ku soo idhi waanigii raado dheer galaye
Rashiid iyo Cigaal maalintii mawdku kala reebay
rabiibkii Talyaaniga ka hadhay raarta sare fuulye
rakada iyo salaankuu u baxay kama ridaysaane
sadddexbaa is raacaye halkii lagu rasaaseeyay
rumaankii xabaalaha ka baxay reer qudha cunaye
raqba waa rageedee shalay waa rogrogateene
riddo dhiigle wan kula jecla raysna daba yaale
riyo lala kacaa booday baan raasamaal dhigine
waxaa ruubateen maalintaad dad iska reebteene
Majeerteen siduu rabay hadday run u ahaan weyday
adaa raaf dilaacaye anigu kuma ragaadsiine
nin rakaday marbuu Khaadunow waran rideeyaaye
ruuxooy la qaadyeey anaad rawga ii tumiye
ood igu ruxanaysaa inaan soo rakaabsadoe'
hadaan kaaga roggi laa igaga riiq dheere'
haddaad raaxo joogtiyo haddaad raran gubyoonayso
wali raxanki maad galin cagaha nagu rogayseene
ruug cadaadiga haysta iyo adiga reexaaya
hadba raarta kiinii galaa waysla ruga gayne
raqda aarka hore kii dambuu reenka maqashiine
kuruskuu radhaayuu hadana wax uga reebaaye
raxan baad ku cunaysaan hashaan riiq walba u galaye
Daarood cadkuu kala ritaa waysla ruga gayne
raambaha haddii lagu turbo iyo raani iyo baashe
hadba yeekahaad noogu rogtaan waysla ruga gayne
rucla orodka geelaba haddii rag isku soo gaadho
qolo uunbaa ????? laysku go'ay libintu raacdaaye
caawa rayflkaa kula baxdaan waysla ruga gayne
tan kalee cidlada raamsata ee raafki laga daayay
raab-raabitaa raab-raabita ruux ma weecataa????
raganimiyo xoolaba anaa ugu radeebnaaye
rucdi baa iyana fuulay oo laguma rayrayne
kol hadaanay ood iga rogayn waysla ruga gayne
reerkii aa kala daadiseen muu rafaad bixine
rakaabada sidaa uga cunteen raysna dagi waaye
sidii bay raraydu u baxdaa roobna urin waaye
raaska yar ee maamula iyo adiga ruuxaaga
hadba calankii kii rahmaa waysla ruga gayne
raajiya la caabuday sidii sanabadii raace????
rukumada kursiga loo hayaa raaxo tamashlaynta
waraabahaa rabayseen hadduu cunayo ruuxiina
rubadiina goortuu cuno uu ruugaga ka heensho????
anna iiga rayn maayoo raadkuu soo qabane
ridaan gees lahayn bay riyuhu idaha raacshaane
ra'iyigaynu kala haysanaa waysla ruga gayne
Mareexaankii raamaha lahaa reer walba u taliye
waqtigoogiibaa roorayoo iguma raagaane
rayd qaadan maayee anoo raydabta Isaaq ah
maantaa rarada lay saarrayaa wasla ruga gayne
Riyaad bay ka gooshaan habrihii baanka loo raraye
riyaalkii Sucuudiga ayay labba rogaayaane
rajadiyo agoontii lahayd way racfaan gudane??
idinkiyo bah raabaco dharyaha waysku ridataane
rati qalin Islaan idin martiyay ricidh ma siisaane
riiq dheerahaad nagu disheen ruuxa naga gooye
Iidoor rag weeyoo mar uun way ka soo rogiye
abtiyaal maxaa naga rabtaan way srogrogataane
Soo saxa soona dhameeya
somalilandpoets.
Raahib
Dib U laabo
1978-kii ayay kooxaha hore oo u hamuumaya hoggaanka hasha
ay haaneedkeeda ku caana maaleen waxay Inqilaab dhicisoobey
ka rideen dalka ayagoo malaha tamanniyey in maadaama ay hororka
hayb wadaag yihiin in xitaa haddii hadafkoodu hirgeli waayo aanay
hantaaqo weyn la kulmayn. Afweyne oo waagaas shaadh Waddaninimo
hullaabtay si aan loo garan wuxuu dabar jaray kooxihii
isku dayey inay maamulka ka maroorsadaan.
Nin ragi waa hoog iyo ba' u jooge, durbadiiba waxay kooxdaasi
bilawday cabaad, cataw iyo cay ay "guubaabo" ku magacaabeen oo
shacabkii aanay talo gelin ku hiifayaan.
Khaliif Sh Maxamuud oo mawjadaha gabaygu sidaan ayaa markaa
bilaabay Silsiladda "Maruuryo" oo aannu ugu magac darnay
cabaadkiisii ahaa;Maruuryoodayeey xalay miyaan miray calooshayda
Cali Xasan Aadan Banfas oo ka mid ah abwaannadii ka jawaabay
gabayga ninka "Majeerten" waa kii lahaa.
Rashiid iyo Cigaal maalintuu mawdku kala reebay
Raahibkii Talyaaniga ka hadhay raarta sare fuulye
Raqba waa rageedee shalay waad ragragateene
Riddo dhiigle waan kula jeclaa raysna daba yaale
Waxaad ruubateen maalintaa dad iska reebteen
Majeerteen siduu rabay hadday run ahaan weydey
Adaa raaf-dilaacaye anigu kuma ragaadsiine
Haddaan kaag rogi laa adaa igaga riiq dheere
Hadaad raaxo joogtiyo hadaad raran gubyooneyso
Weli raranki maad gelin cagaa nagu rogeyseene
Adinkiyo Ba Raabaco dheryaha waysku ridataane
Ruugcadaadigaa haysta iyo adigan riixaaya
Hadba raarta kiinii galaa waysla ruga geyne
Raambaha haddii lagu turbo raani iyo baashe
hadba Yeekahaa nagu rogtaan waysla ruga geyna
Reerkii aad kala daadiseen muu rafaad bixine
Rakaabada sidaa uga cunteen rayna degi waaye
Sidiibay raraaydu u baxdaa roobna urin waaye
Raaskaa yaree maamula iyo adigan rawrawle
Hadba calanka kiinii rahmaa waysla ruga geyne
Waraabahaa rabayseen hadduu cunayo ruuxina
Ridaan gees lahayn riyuhu? idaha raacshaane
Ra'yigaynu kala haysanaa waysla ruga geynee
Daalo
Dib U laabo
Gabaygan waxaa loo tiriyey Cali Banfas.Waxananu
wali raadinaynaa inuu Cali Banfas ka jawaabay iyo in kale..
Gabay hore, Dood Waayeel, ee waano, wax-u-sheega, iyo
tusaalaynta ahaa siduu sheegtay Yuusuf ayuu Cali Banfas
dhag u dhigi waayey,
dacdaradii uu Yuusuf uga digayna markii ay ku habsatay Cali
iyo haybtiisiiba, ayuu Yuusuf Colaad gabaygan Sagooti la
magac baxay tiriyey. Yuusuf wuxuu leeyahay in badan baan
war ka daa u idhiyee ka naasnaasi wataa ku sidata ee.
Mar labaad Yuusuf Colaad wuxuu yidhi:
In dhawayba deelayda gabay, kuma dadaalayne
Wakhtigaa igu daadihinayee, doon is ma lahayne
Marse haddaan dawaarka u qabsado, daalay ma aqaane
Aan daleeyo waa taad murtida, igu dareenteene
Duulkaad kicisay Caliyoow, muxuu dano ku gaadhsiiyey?
Dabkaad ololiseen soo ma gubin, dagalka reerkiina?
Duunyo iyo waxaad maal lahayd, sow ma kala daadan?
Iskuuladii dareereed Jigjiga, daabulka u gaysay
Daroogiyo khamradii aad barteen, sow ma dabar goynin?
Dalka madaxdii kuu joogtay ee, dibada kuu saartay
Ee aan damiirkaba lahayn, soow wax duwan ma aha?
Taa wax lays kuma daree, deel maka higaadshay
Ma dareeyey maansada intaan, diiradda u eegay
Degdeg hadalku iigama baxee, daalac ma u yeelay
Ninkii doonayaba ka maqlee, dibadda ha u dhoofo
Ha dalxiiso waa taan wax badan, daaya ku lahaaye
Dood kalana waa reerka yidhi, dunidda aafeeya
Iidoor wuxuu damacsanaa, diirka ka cadeeye
Kii dibada joogiyo midkii, duunyo dhaqanaayey
Dukaamiyo dilaal iyo xamaal, dumar wuxuu haystay
Dawar wuxuu kusoo helay, intuu dunida meeraayey
Isticmaarku wuxuu soo dariyey, dab iyo gaadiidba
Dad iyo duunyo wuxuu maal lahaa, doolar iyo xoolo
Waxay docanayeen tobonka sanno, soo diyaarsade e
Wuxuu dilay kun daaduuban, iyo kuman daroogaysan
Iyo kuman intay dabar go'een, duraydu yeedhayso
Iyo kuman amxaarku u dawaro, daafidii Adari
Iyo kuman xabsiga loo diroon, ciddi danaynaynin
Iyo laba kun oo duurka galay, ooy raadco daba joogto
Intaasuu dadkaagii noqdiyo, doxorkii Iidoor e
Haday dibintii huurada lahayd, deeray ku hayaane
Lafaha daadsan, daaraha burburay, dumarka ooyaaya
hablihii darafta laalaadin jiray, diilalyada haysa
Waa kuwaa siddii adhi dibjiray, dooxa yuurura e
Darxumiyo rafaadkay qabaan, dacaska loowaayey
Adigaa qaxooti u diraye duxi, ma kaa raacday?
Waa taan wax badan kuu digay, eed diidday waanada e
Waa taa dubihii kaaga dhacay, duudka feedhaha e
Duufkiyo ilamada kaaga taal, daamankiyo laabta
Dacalada ka leef waa waxaan, daaya ku lahaaye
Dagmo kibirtay abidkeedba waa, inay duloowdaaye
Reer Caad dabkii lagu rogaad, idina doonteene
Deeqlihii ku uuntaad afxumo, ugu dadaasheene
Inaan Sayidku kugu soo degdegin, waxaw daliilkiiye
Intuu kuu dulqaataad ogayd, daalin baad tahaye
Dulqafaar kuwii lala dhacay yaad, duray wadaagtaane
Diintii Rasuulkiyo sharciga, waad ka durugteene
Wax badan baad dad iga iibisay, duunyo iyo maale e
Afrikada raggii laga diree, dibada loo qaaday
Idinkaa dilaal yahoow ka gaday, duulkii Reer Yurub e
Danbi kama xishootaane waad, dalaq tidhaahdaane
Wax dhaaxaa dadaal iyo wanaag, deeq laguu furaye
Dakadaha wax badan baa ascaar, kaaga soo dagaye
Dadka deyrka yaalana adaa, ugu dan roonaaye
Deeqii la xaasido Alluhu, waaba dumiyaaye
Maamaahda duuga ah haddaan, dacal kasoo qaado
Qalbigaa dabool laga gashaa, duul hadduu lumiye
Shinbir duulis badanoow haddaad, dagi aqoon wayday
Mar unbaad libaax labadii daan, dalaq tidhaahdaaye
Duul kuwaa ka dhigan waaw eg yahay, Daba Cayuunkiiye
Soomaali oo rag iyo dumar, gees isugu duuban
Dawlad qaran ah reer baan ku dumin, taa caqligu diidye
Damaacigii is gaysaba miyaa, diifka ku cunsiiyey???
Haddii aad duqoow leedihiin, dowga garanaysa
Dugsiguu fadhiyey waalidkiin, kuma duqayseene
Haddii aadan dad kale eersanayn, dan iyo yeelkaaga
Nimanyahoow af laba daan leh, baan muranka daynayne
Hadba dunida duulbaa iblays, dacal ka taabtaaye
Wax badan baa dadaal iyo wanaag, deeq laguu furaye
Wax dhaaxay dirgado kuu dhiseen, dawladii sare e
Intuu odaygu daayaba hayey, yaad Dalal is moodeene
Dagaalkii sokeeyeed jeclayd, daadku ku xambaarye
Dunjigeedba Soomali oo, ul iyo diirkeed ah
Dadkoo nabad ah waataad xumaan, ugu dadaasheene
Samaroon dacaayad iyo cay, waw dudubiseene
Daaxuur baa dagtood dinbadnihii, daalku kuu dagaye????
Degmo kama jeclide kusii, dalagi beertiiye???
Waa kuwaa dibtaba kaa jariyo, saynta dabadiiye
Sida doogsin roob kaaga dharag, dumarkii Reer Nuure e
Ma inaad ergo usoo dirtay, dani ku yeelsiisay?
Danqashada Hawiye haatanay, dibinta ruugaane
Xarar Dheere duulkii fadhiyey, maqal dareenkiiye
Iyaguna dakanadooda way, daba galaayaane
Dadka kale sidii la arki jiray, yaad u dagaasheene
Ninka seedigii dilay haddana, daabcadda u qaday
Ee qoodhihii dadab u jaree, dacal ku soo qaaday
Ee walaashii soo dul dhigay, oo ilmada duugi
Ee yidhi dantaadii bal qabo, dooxay inankiiye
Waa waxaan dalkeenaba ka dhicin, doorkan ka horoow e
Ka dumaali ama guursanow, dan iyo yeelkaaga
Daarood waqii kuuma shirin, kuma doonayne
Wax dafiic ah buu kuu arkiyo, tuulo dabayaale
Mid haddaad is dagaashaan ka kale, kuma dareemayne
Maantana dalkuu kugu arkaba, wuu ku dilayaaye
Danbigaana adigaa leh ee, dan iyo yeelkaaga
Dadkoo nabad ah waa taad, dafaha duni ka qaadeene
Dacawada godkeedii raggaad, dubuq ku siinaysay
Eegay ku daydayahayaan, ooy ku dabayaane
Dabac kama sugaysid iyo inuu, diirku kuu naxo e
Danbigaaga adigaa iska lahee, dan iyo yeelkaaga
Aftartaa wax layskuma daree, deel ma ka higaadshay
Ma daleeyay maansada intaan, diiradda u eegay
Degdeg hadalku iigama baxee, daabac ma u yeelay
Ninkii doonayaaba ha maqlee, dibada ha u dhoofo
Ha dalxiiso waataan wax badan, daaya ku lahaaye
Dood kalana waa ciidamada, daafaca u jooga
Cabdi Casiis dagaalkii Togdheer, daalinkii jabiye
Intaan laba tuke is dayin yey, dabada taageene
Waataa Jigjiga loo dawaro, duruqlahoodiiye
Darbaddii labaad baad ku timid, damashii weyneyde
Daakhilkii Hargaysaad tagteed, daaqadahaad furatay
Haddaad mooday mid dowrtay, aan ciddi danaynanin
Ragbaa calanka inay daafacaan, loo diyaar saday e
Dalka haddii nin khaa'imo ku kaloo, daacadaa jira e
Qaar duca qabaa nooga yimid, dowladii sarre e
Dayax aan dhacayn baan Allana, uga duraantaaye
Kolkii Jananku siddii aar wax dilay, kugu dinaahyeeyey
Ilaahay hadaayee kolkuu, amarka deqsiiyey
Ee kaarayaashii la daday, daaha laga qaaday
Dagaal galiyihii Jees kolkuu, garabka duubaayey
Diigaanyo ciidan ah kolkuu, idinku sii daayey
Daloonada iyo sheedaha kolkaad, dadab u rooraysay
Ee koore saanyani dul baxay, waan ku diirsadaye
Ma inaad qoryaha daadiseey, dani ku yeelsiiasay?
Danbaab lama hadlee Maxamed Sheekh, daafac magaciiye
Darajuu bilayskii ku helay, shalay dagaalkiiye
Saldhigay u dalandoolayeen, dacarta leefsiiyeye
Dakhariyo daraawiishtii way, wada dadaaleene
Doqon ma waaye iyo kaalmihiyo, dacaladii baanka
Meelahay rabeen inay degaan, daadshe meyd badane
Duli lama amaanee Cabdoow, ciidankii dirirye
Iidoor beenta ha daldalo, dibadihiisaase
Dayax gacmeedyadii baa sawiray, diray Maraykaane
Damaashaadka waa kii shacbigu, daaraha u koraye
Haddii aad dagaal la hortimaad, amase duulaanba
Dalka inaad ka tagi waad ogayd, Dabacayuunoow e
Nin waliba wixii dili lahaa, yuu dib uga yaabaaye
Ayaxaad dareenteen miyaa, digada kaa yeelay
Diintiyo shareecada haddaan, dib ugu soo laabto
Abidkiinba gaal dooralaaad, daba ordayseene
Dad horraa ku sheegiyo Sayidkii, daacada ahaaye
Haddaad Maxamed diideen, anaan kugu dukhuulayne
Maantana masiirahaygii dafire daalimiintaniye???
Dulucdeeda maansada haddaan, dib ugu soo laabto
Waan kula dardaarmiye Caloow, maqal dabuubtayda
Oo daacad baan kuu ahaye, duuba hadalkayga
Dhaaxaad degaan iyo kufriga, daris ahaydeene
Dabcigaaga nimankii yiqiin, amase dookhaaga
Dilaal iyo khamriba waad ka heli, duulkii Reer Yurub e
Dusuuda u xashaa iyo si kale, kuugu dabacyaaba
Ingiriiska kuu doodayaa, meel uun kuu dirane
Dibadaha u dhoof howshii kale, laysu dacareeye
Dumarkiyo caruurtana ka taga, waanu daadihine
Haddaad diido ama yeesho, waa dan iyo yeelkaaga
Dibse haddaad usoo noqoto, waa dabar go'iinii dheh
Soo Socda Dib U laabo
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Hoyga Suugaanta
Mareegta Aftahan
Mareegta Kaydka Suugaanta
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan.
All Rights Reserved.