Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow" | 

  Hordhac

    Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Cidi Ma kuu sheegtay    Dib U laabo


Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

Ismaaciil Xayd Xirsi oo "Aflow" ku magac dheeraa wuxuu ahaa
abwaan weyn oo suugaan-yahamiinta Soomaliyeed ku halqabsan
jireen. Cabdillaahi Suldaan Timacadde oo ku halqabsanayaa
waa kii lahaa;

Mudanoow Afloow iyo sidii Muxumud maw sheegay

Muxumudna waa Ninkii caanka ahaa ee Muxumud Liibaan
Jadeer oo ahaa Macallin maansa yahayn ah.
Ismaaciil Xayd oo abti u ahaa Maxamuud Cabdillahi Singub
ayaa isaga oo ceelka Bullaale fadhiya oo Ogaadeen gabay
shubayaan ayaa rag u qaateen inuu baqayo markuu gaabsaday.
Cabdillahi Ciise ayaa kacay oo yidhi "wixii gabay aad Ogaadeen
u tirisay haddaad tirintooda ka baqdo inaan Xabad kugu dhufan
bay intaa walaashaa iiga furan tahay".

Markii intaasi dhacday ayuu marshey gabaygan oo uu libinta
Isaaq (siiba Garxajis oo libino dhawr ah ka hayey ogaadeen)
ku tilmaamayo.Wuxu yidhi Ismaaciil, Alla godka ha u nuuree
(Gabaygu ma dhamma)

Cismaanoow adeer maansadaan Carabayeynaayey
Waanigii casilay meesha iyo caydhki Karameede
Calaamooyin igu baaridey baan idin cashaysiine

Ka curaagta caawaan sidii ceel idiin dariye
Cashar dhigato maal laga helaa waaba caariyo'e
Cabdi Dhariyo Sheekhaash kolkaan ciiriga eryaayey
Kuwaan caanahoodii genbiyey cidi ma kuu sheegtay

Kolkii Caabud-Waaqiyo xer iyo Gaadsan la cantuugey
Ee Ina Caruus iyo la diley Caalinkii dunida
Nin Cibaaralii kama gabyee cidi ma kuu sheegtay

Casarkii kolkay Weehadeey cabasho ooyeysey
Hadday soo ciyeen wiilashii Cadaw xaraynaayey
Raggii haadku ciirada ku rogey cidi ma kuu sheegtay

Caydii Jiciir lagu dhuftiyo cabashadii gaadhey
Ciyaalkaa ku tuurtuuri jirey Gobabki cawlaaye
Kolkaad Cimilka wada oodateen sida Midgaan caydha
Ee Culuqa soo doonateen cidi ma kuu sheegtay

Cayuuntiinna Shaashka leh kolkaan cadho u qaadaayey
Casarkiiba waati aan ku furay calamadaydiiye
Calaydh iyo Bankii Qaydar baa loo caddaan wadhaye
Kolkay Baarqabaddu caranayeen cidi ma kuu sheegtay

Candharaafyadii baa hadhiyo Reer Cismaannada'e
Kolkaan beel cidaadaha ka dhigay cidi ma kuu sheegtay

Cukur iyo Dhegoodbaa ku galay caaraddii hore'e
Konkaan cududa weynoow Ratiga Caynka hore gooyey
Een Adhi Camuuddaasa dhacay cidi ma kuu sheegtay

Colkii xigeyna waataan qabsaday cuurka Reer Dalale
Rimaydii cagaagtay iyo Nirgihii caga-gubyoonaayey
Cartan ololka goorti ay sidii Culumo eedaantay
Cara dhiciya maantaan lahaa cidi ma kuu sheegtay

Nimanbaannu Caadh go'a ahayn Caliyo Haaruune
Cabdillaha Allaa nagu ridiyo Cumar rugtiisiiye
Haddaan Awrku noo ciidan-gelin Camar ma gaadhneen

Cagtuna way dalooshaa sidaan Ciid u weeraraye
Caruusada habeedda leh kolkuu Ciidagale dhaafay
Ee Doosha laydiin cuskaday cidi ma kuu sheegtay

Nin carceeray baan ahay afkaa layska calashaaye
Cadda keliya uunbaan ka dhigay curubti Daaroode
Cankana maalinbaan idin gashaday sida Caddiimeede
In warkaygu Caw-Baarre tegey cidi ma kuu sheegtay


				

Af Kala Qaad   Dib U laabo


Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

Cabdi Gahayr iyo Camanje ayaa isu gabyey markaasaa Camanje
tirshey gabay hal-xidhaale ah. Cabdi Gahayr uma jawaabine
wuxu yidhi ninku aakharuu ka gabayey oo anigu u gabyi maayo.

Ismaaciil Xayd Xirsi oo Berri-Carab ku maqan ayaa loo sheegay
oo la yidhi nin Camanje la yidhaahdaa soo baxay. Gabay dheerbuu
soo diray oo laga hayo;

Haddii Wiil Sinsaara u duwa oo Sikhina loo waayey
Anigaa sibsibadaw? biyeyn oo waa saqiir dhalahe
Igu sima anigaa Caabbiyoow la ila sugayaaye
Iskana seexda Suuqii halkiyo Saadanbaan imanne


Camanje intuu iska tegey buu yidhi;

Wallee kuguma sugo saaxiryohow Seyladdii Herere.

Gabayganuu markaas u tiriyey ninkaas. Gabaygan intiisa
danbe ayaa nin arab ah (Xaaji Cali Geelle) lagu sheegaa
inuu tiriyey balse culimada Suugaantu Xagga Afloow bay u
badiyaan Allaase naga og.

Abasguul Isaaq inaan la simo igama eegtaane
Aanada rag kale haw dhintee eray kalaan baanay
Hadday Ayra Geel kuu dhashood waaya badan eegto
Uumiga Kaliileed hadday Aammineey curato
Oo ibaha Naasaha la jaro waa af-kala-qaad

Markabkoo Alleyl dhacay hadduu Shooladda afuufo
Eglan iyo Walaa buu maraa Toban ayaamoodee
Kol haddii Ingiinku u fakado waa Af-kala-qaad

Nin Makhaaxi iibsadey haddii loogu iman waayo
Goortii Albaabada la xidho waa af-kala-qaad

Afar Boqol ka badan maansadaan uurka ku hayaaye
Isaaq iyo Ugaadeen haddii laysu soo urursho
Ninka amiga maahee gabyaa waa af-kala-qaad

Awr badan Waraabuhu hadduu waa Ajale laayo
Ma uu aamusnaado ee kolkuu uubatada qaado
Kolka Aarka weyni u yimaad waa af-kala-qaad

Waataan Ugaadeen noqdaa ahabta diidaaye
Waataan Ingoonliyo Habaas kala afuufaaye
Waataan Awaaraha Badhyaha dibugu aastaaye

Waataan sidii Eey anbaday Ila ka yeedhaaye
Waataan Aduunkoon la dhicin ka arradnaadaaye
Waataan Agoon xoolaheed ku intifaacaaye

Abtirsiinyo waataan Hartiga uga ekaadaaye
Araddayda waatay dhashaa inan Mareexaane

Diredire   Dib U laabo


Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow" :

Laba Jilib oo Sacad Muuse ah ayaa nin kala tirsanaysey.
Ninkaas oo gacanta xabshida ku baxay waxa qoladii laga
dilay ku eedaysay qolada kale inay iyagu Amxaarada ku direen.
Ismaaciil Arrinkii waxa uu ka tirshey gabaygan oo markii uu
tirshey la isku laayey. Markaas ayaa la dacweeyey Ismaaciil
oo xabsiga loo taxaabay Isaga iyo Nuur Xaashi iyagoo lagu
xidhay Xabsi Cylon (Siralanka) ku yaal.

Wuxuu Yidhi:

Galawgaw Alaakiya col aan wax uga oognayne
Aniguna halkii eed leh waan ololinaayaaye
Indhaweydba waan aamusaye dhamacda maan oogo

Maan uumiyaha kala fadhiyey Eebadaw rabiyo
Reer Shiil Alaalaha ka badan Ubaxa Geedaaye
Hadana Awrta reer Geelle iyo oodankay tegiye

Iraada-Alla waa niman gacmaha Eebbahay xidhaye
Ulla tuuri maayaan oo horaa loo ishaaqsadaye
Awlaxa Jibriil iyo ka yari ood ma jebiyaane

Afka duubye Heebaan Jikraha hayska iibsado'e
Waa loo Abaabaynayaa Aabbahood maqanne
Waana loo Afjaaqaye Kufrigu maba ogaadeene

Afka Qaydar buu joogey iyo Adhaxda Guuyoowe
Haddaan niman Asiib iyo ku noqon Malag abraaraaya
Maxaa Ugun Dhurwaagu ugu cunay amar miyaa geeyey .

Jug Ma riday   Dib U laabo


Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow" :

Geel Dhalma-Badane la yidhaahdo ayaa Ogaadeen laga
dhacay kaasoo ka horreeyey kii Ogaadeen dhaceen ee
Indhabadane. Ismaaciil intaan Geela la dhicin ayuu
ku guubaabinayaa tilkiis inay Geelaa ogaadeen dhacaa
wuxuuna yidhi;

Iyadoo Huruudlaa la dhigay Heeshigii Madale
Anuunbaa huqdeedu i dishee hadiba maysaane
Hul-Guduudan goortay tagtaa la higsan doonaaye
Soo hoyatey Hoobaan ninkii heli karaayoowe.

Markii Geelii la dhacay buu yidhi;

Jidhidii Abuuriin waxaan Jiida ka hayaaba
Jimcahay aroortaba waxaan Jemel ilaashaaba
Joomaha Xagaagii waxaan juuc u mudannaaba

Sida Aarka joofka leh waxaan ugu jibaadaaba
Jirka Weyni goortuu da'ay ee Juuca lagu guuray
Jug ma ridey sidii Dawladeed waan u jeel qabaye

Hal Geelii ka mid ah ayaa Ismaciil u socon weydey oo ay soo
Hitiqiyeen. Hashii markay Sabadii timi ayaa nin Ina Nuur Xaashi
la odhan jirey kaga murmay Hashii markaasu yidhi;

Saq Dhaxaadka Nuuroow Hashuu seleley Maadhiinku
Sibraheeda Maarruhu Hashuu Saalo dhiaganaayey
Bil Siddeed ah Nuuroow hashaan socod libaaxyeeyey

Markuu fuluhu saayirey hashaan saymo bahal yeeshay
Soddon reer Wajaale ah Hashaan Subax u liishaamay
Sabadii markay timi miyaa samay la ii sheegtay

Amrkuu intaa yidhibaa Nuur Xaashi yidhi geelayga Toban
halaad iyo Hashii kala soo bax.


Waranka soofeeya   Dib U laabo

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

Ismaaciil Xayd Xirsi (Afloow) ayaa loo masaafuriyey
Xabsi ku yaal Cylon ama Siralanka ka dib markii lagu
eedeeyey inuu laba jilib isku diray. Ismaaciil oo la
yaabban oo garan waayey meesha la geeyey ayaa gabay
tirshey ay erayadiisa ka mid ahaayeen:

Eeboow geyiga Aakharo iyo Dunida guudkeeda
Miduunbay galladi noo ahayd inad na geysaaye
Goodaaddo dhexe waa halkaan galabta joogaaye

Nin Xadhigii u dhamaaday oo meel kula jira ayaa yidhi
waan tegayaa markasuu sii farayaa gabaygan. Nin ay
Ismaaciil Walaalo ahaayeen oo fariid ahaa ayaa markaa
geeridiisa loo soo sheegay ayadoo nin uu saluugay oo walaalkiis
ahi reerihii u hadhay. Gabaygaas wuxu ku yidhi abwaanku Alla
ha u naxariistee;

Walbahaari maayoo naftani waaxidkaw talinne
Walaala iima joogoo uumiyii waa horuu lumaye
Hadduu Faarax waylaaqtan geli ma an wigloodeene

Waddadii Hargeysiyo haddaad qabato Waaleedda
Warkaw lali wejiga Reer Xirsiyo wadarta Reer Yuusuf
Waabka ugu sheeg Beesha oo weeran baad tegiye

Haddaad Shidho waraarkeed gashaan Weyda ka xishooda
Wanka weyn ninkii heli karoow Waxarka haw leexan
Wab markaad ka siisaan Rijaal mari wadiiqiinna

Yaan laydin Wadhoolinin ee dhiiba weydaarta?
Ka wareegta oo Reer Isaaq weheshadoo raaca
Waxba hadaydnan noo dilin cabbaar Waranka soofeeya

Warqadna nooga jara Gaaladiyo Waalligiyo Saydhka
Jeeroon Warfaayoow nimaad Wiira la hagoogta


Kala Qolo   Dib U laabo


Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

Ina Cali Beenaley oo ku faanaya qabiilooyin Ogaadeen
ah oo Gaashaanbuur noqday ayaa tirshey gabay uu ku
faanayo nimankaa is biirsaday isagoo leh;

Saleebaan Suldaannada Xandula Saajacyada dhaartay
Iyo nimanka Suubaan ah iyo Seedda Cagaweyne
Sirmaqaatayow Hidi dhalay iyo Sadarka Qoobdheere

Saaciid Awoowgeey ah iyo Weliba soo raacyo
Safka Ba-Habar-Celi Diiniyada saajacyada dhaartay
Intaasoo sokeeyowdey oo Saanaddu u buuxdo

Wallee Saabur buu noqon ninkay Subax haleelaane
Wallahaan Sagaal kaga magdhebi Saaq ninkii qabaye
Saddex maran ninkii naga hayey bay sababti joogtaaye
Dadoow Samir Bahoo suuftinaa Saaftay dunidiiye

Ismaaciil Xayd "Afloow" aad ayuu ula yaabay dadkaas
biira-biiraha ah ee weliba faanaya isagoo tirshey
gabaygan aan dhammayn;

Ma dhammaato oo hawl Adduun oo meelunbaa dhimane
Dhalanteedka waa lagu salliday dheeligay tahaye
Dabayshaa dhankaa iyo dhankaa la isu dhaafshaaye
Caanuhu Dhanaan waa noqdaan berina waa dhay'e
Dhulku waayo waa roob beryana waa abaar dhagahe
Kolba waxaygu soo dhaca war aan iga dhammaanayne
Dhigbare? kolkii lagala yimid tan iyo Dhaymoole
Ee lays dhuraayaa Dorraad dhama'sanaydeene
Dhammuuqsade Xarboow wiilashii dhiirranaan jiraye

Gabay kaloo isla munaasabadaas ahaa wuxu abwaanku ku yidhi.

Qayli iyo Maraykaan haddii la isku qodobbeeyo
Iyaba waa qilaaf laba Maroo qaarba cayn yahaye
Qaraamaad Qacleey iyo Hadhuudh Qabadigii Heedda

Quddayow la soo ururiyiyo Dhuuni Toban Qoys ah
Ogoobey ninkii quud ka deyey waw qashiinnimo'e
Qaska Waranka nimankii Futada laga Qoddeynaayey

Sidii Qaalin Layli ah kuwii qun u hagaagaayey
Waa Quduro oo waa iyagaa qaatay Maarraha'e
Indhawbey qacdii iyo qucdii ka qatanaayeene

Indhawbey Haweenkay qabeen Qani is moodeene
Guuleedkan kala qaystay bay ku qoslanaayaane
Markii labada qoorood heshiis qadada loo doortay?

markaasaa sidii Qabay dhanaan la qabsan doonaaye
Alloow yaa intaan qabar ku dhicin kala qollaysiiya
Oo Qoysba Qoyski uu ahaa Qaalinka u raacsha

Sidiibay u dhacdoo Is-bahaysigii waa burburay.
Ina Cali Beenaleygii IsBahaysiga ku faanayeyna
waxa uu tirshey gabaygan;

Baho inay Tamiimaan la waa ama tis-qaadaane
Toddobaatan uu oday dhalaa igala taag roone
Tollaala'aye waa waxa i hodey taaha reer hebele
Tunkana waxa na soo wada qabsaday taaggi reer Dalale

Ismaaciil baa ku noqday gabaygii oo yidhi ;

Godob nimaad lahaydeen haddii Geeri lagu sheego
Ogoobeey Gibladu waa Asuul inaad garaacdaaye
Gunnad iyo hadaba Beenaleey Geel ha dhiciyeene
Intay debedda Gaadh ula baxaan gabay ha sheegeene

Ammaan Geel   Dib U laabo


Ismaiciil Xayd Xirsi "Aflow"

abaygan wuxu Ismaaciil ku ammaanayaa geela.

Macnuu gabaygu kala leeyahay iyo gar iyo miidaane
Layskuma mardaafo'e haddii aan miimka ka abbaaro
Hadba xarafka kii muunad leh baan madarka keenaye

Kolkii samada mayaygoo curtay iyo mooya laga waayay
Ee adhi maqaar buu noqdee lo'ina meermeertay
Maylaha go' qooqani kolkii uu micida ruugaayey

Margiyaalahaa weehadeey kuu manfac ahaaye
Mulaax waxay fadhiday Jaamacow madaxa tuureede
Iyada iyo maroodigu suday miri ogaayeene

Kolba se maangadii ooman ayaa may la tu'iyaaye
Kaliil murugtay hawd maakhira ah ayuu magac ku yeeshaaye
Abaar muruxday jiilaal manqaxay geedo midhif beelay

Ikhwaanow magaalada dhashiyo waa macdaarada e
Miska dhabarka Caliyow haddii maraqa loo saaro
Marko loo dhabaan dhabay kolkii laga malaasaayay

Muutka laga cadee ??? sida mahiigaane
Maydh dibada rooray dhashay iyo may ciskan irmaane
Minawaarka xooga leh kolkii haanta lagu miisay

Moodhi kaar sidiisuu biyaha mirir ku gaadhaaye
Mardabaanaduu dhaansadaa milicda jiilaaale
Sidii ciil ma'awiya reerahuu maasho qoyn jiraye

Mariykaanka waaguu xarbiga mihindiska u saaray
Miyi kuma jihaadin ee kufriguu miciinsadaye
Midaanka Sheekh iyo Burco iyo marinka Oodweyne

Marmar taaganlaw waa shan qaad meel walba u kacaye
Kolba se moosinkuu qaadayo ayaa laga macaashaaye
Malkadii Hargeysa iyo Jigjiga moodka waxa keenay

Adari Maarsay ka dhigay muranku waa ceeba
Waa muruq adoonlow rartiga madaxa waaweyne
Murjin se lagama yeelin ee cididan laysku wada maaray

Mudka iyo sakaarka iska baxay maylinada hooray
Malkada lawga kuruskan mudha ah maydhaq iyo duudka
Margiga taagan luqunta kolkuu maaga fidinaayo

Isha madow dibnaha loo melmelay dhegaha loo miiqay
Melmasaalka loo uumay ayaan magane yaabayaaye
Moohaar se ma qaadeen cagtan oon mar u balaadhnayne

Intaas oo macnuu leeyahay ood maanta caasidaye
Markab buu se aduunka u yahay macalinow geele
Mulikaadka adigaa sita ee waa murkoo kale e

Musheekhdaba su'aal oo wixii kaleba waa moode
Kol waxaan muquunaba galayn sidigta maageedh e
Inaan ???? laga maag baxayn waa laguu marag e

Wax se naga maqnaa dhawr kun iyo mi iyo dheerade
Nin waliba macniga loo dhaqdau ayuu maanka ku hayaaye
Anagana maqaafo iyo colka ayaa lagu malaystaaye

Riyaha macaan laga helaa maradu go'ysaaye
Waxa se qalinka meemka iyo ra'dii loox u marinaysay
Maqribka iyo al_laylka waxaad ugu madiixaysay

Mashaysii ardayda waa cilaan in aad inaad ku maashaaye
Muraadkaa ku toos Awgayow ha i makeekiyine

             
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Hoyga Suugaanta

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.