Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

  

Maansada Ibir

    Iyadoo xornimada Somaliland aan dhayal lagu helin iminka iyo markii horeba ayaa 
    dad ka tirsan Somaliland hunguri kaga jiraa ka qayb qaadashada shirka
    Kenya ee Soomaaliya,isagoo khusayn Somaliland.Hadaba Cabdi wali A.Cilmi
    wuxuu cabirayaa dareenkiisa dadkaa iyo u mahadin Ilaaha oo mar labaad 
    dib inoo hantisiiyey Somlailand.
    Wuxuu yidhi:
    
    
    RAGBAA SEDKUU XAMAR KA DEYAY, SABABI DOONAAYE
    
    KUWAA SOORTU NAGA QAADATAA, SEEFTA LOO TUMI E
    
    BUUBAA SIDIISAA KUWAA, DHALO BUSHMAA SAARAY
    
    EE CARABTA SACAB HOOS DHIGTEE, LEEFAY SIBIRTOODA
    
    SIFFIR IBIR AH OO WAYN NINKAA, MADAXA LOO SAARAY
    
    NINKAA SAANCAD DOORTEE DHASHII, GAALA WADA SIIYEY
    
    KALUUN OO SAWAABANI HADDUU, SEEGAY ERAYGIISA
    
    UU MOORGAN GACAN SIINAYOO, CADOW SALAAMAAYO
    
    GIDDIGOOD WAXAAW SOOHAN XADHIG, QOORTA LOO SUDHI E
    
    -------------
    
    SAMAC IYO HADDU SUULO ARAG, OO CAGLIGU SEEXDO
    
    WANLAWAYN SIDII BUU MAR KALE, SILICU AAFAYN E
    
    SIDII BAY MAR KALE BEEN SAMAYN, SEBIGU YEELAYN E
    
    SIDII BAY QABIIL SAL UGA DHIGI, DOWLAD AAN SOCON E
    
    SIDII BUU ANAA SUMALKA DAQI, SOO BANDHIGI YEY E
    
    MADAXNIMO SIDII BUU U JAMAN, SUUDI YALAXOW E
    
    SED BURSIGA SIDII BUU U MUHAN, INA SALAAD BOOY E
    
    SIDII BUU GALAYDH DEREJO SUGI, CIDINA SIINAYN E
    
    SIDII BUU INTUU SCAB U TUMO, GEELLE SADAQAYN E
    
    CIDNA SAMO U QABO KA MAAHEE, WAA SAMEE LACAG E
    
    JABUUTINA SIDAY INAGU TAHAY, DAAHA LAGA SIIBYE
    
    -----------------
    
    SOMALILAND OO JIRTOO, CIDI SALUUGAYNIN
    
    OO SAMAYSAY DIMUQRAADINIMO, DOORASHADA SUUBBAN
    
    OO DUNIDA SACAB LOOGA TUMAY, SOCOD WANAAGEEDA
    
    OO NABADDU SAAMAYSAY OO, HORUMAR SOO GAADHAY:
    
    SINNAAN IYO WANAAG GUURTIDAA, SAMA AWAALAYSA
    
    SADDEXDAA XISBEE LAGU TARTAMAY, WAA HANAAN SARE
    
    AFRIKABA SIDAA LAGUMA ARAG, SEBENNO DHAADHEER E
    
    MAANTANA SAGAAL CIIDAN BAA, SOOHDIMA TUBAN E
    
    QARANIMADA SOMALILAND, SAATIR BAA QORAY E
    
    ILAAHI INAGA SAARAY XAMAR, MAHADDA AAN SIINNO.
    
    
    
    
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.