Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Ismaaciil Maxamed-Cali | 

  Hordhac

Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan

    
    
        Taariikh Suugaaneedkii Abwaanka da'da yar ee C/QAADIR CABDI HASSAN(RAAM)
    
    2/9/2008
    TAARIIKHDII C/QAADIR CABDI HASSAN(RAAM)
    
    C.qaadir waxuu ku dhashay diridhaba ethiopia sanadkii  1987kii
    kadib kusoo noqoshadii dalka waxuu ku noolaa magaalada gebiley somaliland halkaasuu ka galay
    waxbarashadiisii dugsiga hoose/dhexe ee sh. muxumed warsame halkaasuu ka baxay fasalka sideedaad
    
    kadib waxuu usoo wareegay magaalada hargeisa oo uu ka galay secondary-ga dugsiga sare ee
    SUNSHINE SECONDARY SCHOOL oo
    imiga qalinjabinayo
    
    wakhtigii ugu horey ee fanka uu bilaabay oo ku aadnaa markuu dhiganayey dugsigii dhexe ayuu
    sidoo  kale uu xiisayn jiray inuu wax badan ka ogaado nolosha miyiga  taasuu imiga diyaarinayo
    qoraalo
    iyo buug uu kaga hadlayo nolosha geeljiraha iyo miyigaba
    
    inkastoo fanka uu aad u xiisayn jiray oo uu had iyo goor  dugsigiisii
    dhexe iyo sareba  alifi jiray ruwaayada uu kaga hadlayo tacliinta iyo dhaqankaba  sidoo
    heestiisii ugu  horeysay ee uu curiyo oo ku aadnayd  fasalkiisii sideedaad ayaa waxay
    ahayd mid u furtay albaabkii suugaanta iyo himiladiisii hiigsanayey
    
    
    
     
XIDIGTII HABLAHA   Dib U laabo
    
    
    heestiisii ugu horeysay waxay ahayd hees la odhan jiray
    XIDIGTII HABLAHA KACAY
    runtii waxa ku dhaliyey inan ay isku iskuul ahaayeen oo sheeko ka dhaxeysay u tiriryey
    
             xuural-cayntii aduunkaay
             xiligoo barwaaqaay
             xariiirtiyo dahabkaay
             xusuustii  jacaylkaay
             tusaalihii  xishoodkaay
             xulashadii  hablahaay
    
             xushmad lagu dheehaay
             xabag-barsheedaay
             inantii  xaragadaay
             xuduntii quruxdaay
              xayndaabkii asluubtay
              xidigtii hablaha kacaay
    
             siduu xubigu ii helay
             hurdo uma xiisoon
             xalay iyo habeen
             xidigahaab tirsanayey
             ma xuural-cayntiiyoo
             xay loo daawanayaa ?
    
              xiribihiyo indhaheeda
              xaashe'e deerada ah
              ma xeradiisa dayaxoo
              galsho isu   xeeraa ?
    
              xaragada talaabada
              xubnaheeda laafyaha
              ma xamar uguboo
              xarfo dhex socdaa?
    
              mise dhabi xanfar lushoo
              kolba xag u liiciyo
              xayaab rako laacoo
              is xeydaaminayaa ?
    
             timahani xanjaadkiyo
             laba xusul dherersaday
             ma xaadii goraygiyo
              haldhaa soo xinaystaa  ?
    
            xiiqiyo haraadkana
            deymadaada xalisee
            ma biyo xarfanayiyo
            xareed lagu oonbaxaa ?
    
              xinjirtiyo dhiigiyo
             xididaday raacdee
           ma dhilawyahanka xagasare
            geedaha isu xeeraa  ?
    
             xarafkeeda hadalkuna
             xagay ka dhawaaqdaba
             xabadkay rushaysee
             ma xays hooray baa  ?
    
    
    
    
     

Maayad    Dib U laabo

    
    
    Heestan la yidhaahdo  Maayada waxa igu dhaliyey inaan curiyo maalin ayaa anigiyo laba
    inamood oon saaxiibo nahay aan tagnay aroos ka dhacayey magalada wajaale gelinkii
    danbena aan ka amba baxnay hargeysa
    
    waxaan arooska joognaba waxaan mar kaliya indhahaygu qabteen inan la moodo leydh ka baxaya
    meel madow sankeeda liidka ah suniyaasha qaansaha sanqaroorka ku yiil runtii igu beeray
    dareen taasoo sababtay inaan is barano  iina sheegtay in iyana ay ka timid Hargeisa
    xaafada new hargeisa magaceegana iigu sheegtay mushtaaq  balse habeenkaasii calaf iskuman
    yeelan inaan in badan sii wada sheekaysano oo gaadhigoogi ay markiiba raacday
    
    meel dhool ku da'ayoo
    miraaluhu darooroo
    mayayguna barkadayoo
    mahiigaan ku tiixoo
    dirirkuna maansheeyey
    gudgudena masruufay
    
    maayadiyo durdurkiyo
    mowjadiihii daadadku
    u baratameen masaafad
    
    moqorkiyo xareediyo
    laasasku maaxdeen
    oo maalmo jiifeen
    
    mashxarada onkodkiyo
    milicsiga hilaaciyo
    musharax tahay cadceedu
    dayaxuna minxiis yahay
    oo isu meeray ilayskii
    
    ayaan kugu maseeyaa
    inanyahay marreegtad
    igu seeto marteediyo
    halkaad igu musbaartaan
    wali aan ku maaganahee !
    
    dhirtoo oo magooshoo
    midhihii hoobaantuna
    dhulka xubin kamiismeen
    
    madheedhkiyo tufaaxiyo
    geedahoo isu marmoo
    milicsaday cadceedoo
    laamahoo muuqaalka
    dhaayahu marxabeeno
    midigiyo bidix xidhay
    
    ubax meesha guradiyo
    muquuniyey guudkoo
    badhba muunad leeyiin
    
    sagalkiyo moodoo
    muudsaday dhalaalkoo
    midba dhinac ka nuurtoo
    
    jeegaantoo midabadiyo
    kaaha loogu maqaarey
    muriyad dhulka u ah]
    
    ayaan kugu maseeyaa
    inanyahay mareegtaad
    igu seeto marteediyo
    halkaad igu musbaartaad
    wali aan ku maaganahee
    
    inkastoon malayn karin
    meteli karin quruxdaa
    gidi maantoo idil
    hayeeshee midhbaan odhan
    
    waxaad tahay qof maankiyo
    maskaxdiisa kaashada
    oo maaley aqoontoo
    uguna muhato dheeroo
    macluumaad xambaarsanoo
    mufakir ah oo muraadleh
    
    waana mu'min khaalisoo
    muslimo lagu anqariyoo
    marna xishood lagu gardadsho
    maro xariira lagu qeydoo
    mabsuud lagu daadihiyey
    
    sida minitka saacadiyo
    muraaxadoo kalaad
    wadnaha ugu meertaa
    
    mowjadaha dhiigaad
    ku milantahayoo
    midabkaagu waa nuur
    milicsiga u rooneey
    
    ma ogtahay mushtaaqey
    mahadhada xusuustaan
    hadba soo mirkacayaa  !!!!
    
    
    
    
    
    
BAATIR IYO BAARQAB   Dib U laabo

    
    waa hees lamaane ah oon curiyey  kalana roganayaan nin iyo naag  waxaanan leeyahay
    
    NINKII :
    
    sida baatir ayroo
    dhul barwaaqo joogtoo
    illuhu burqanayaanoo
    berduhu is cidhiidhshay
    bidhaanteeda leedahay
    
    adaa bilic-haldhaaloo
    bogeyga calanku
    kaaga babanayaa
    
    ku boqraye adigaan
    caleenta bilicsan
    baarka kuu sudhayaa
    
    GABADHII :
    
    sida baarqab awrkoo
    boqol haraad la raacshoo
    banka wada daaqiyiyo
    cadceed soo baxaysaad
    bidhaanteeda leedahay
    
    adaa bilicda aarloo
    bogeygu iftiinku
    kaaga baxayaa
    
    ku boqraye adigaan
    ubaxani bilicsan
    boga kuu sudhayaa
    
    NINKII :
    
    sida balanbaalistoo
    belayada xareeday
    babaaygu ku liicay
    laanbalaan ku boodaad
    bidhaanteeda leedahay
    
    adigaan badweyntani
    biyahani i muquuray
    kaaga baaqayaa
    
    ku boqraye adigaan
    caleenta bilicsan
    baarka kuu sudhaya
    
    GABADHII :
    
    sida ceel bardaaloo
    bustaaanadeedii
    barqo roobkii helay
    biyo dhigay dhijaamahad
    bidhaanteedii leedahay
    
    beerkay adaa luloo
    aragaaga bilanbaan
    beryo quudan jiraye
    
    ku boqraye adigaan
    ubaxani bilicsan
    boga kuu sudhayaa
    
    
    
Boqorada   Dib U laabo
    
    
    waa hees lamaane ah oon curiyey  kalana roganayaan nin iyo naag  waxaanan leeyahay
    
    NINKII :
    
    sida baatir ayroo
    dhul barwaaqo joogtoo
    illuhu burqanayaanoo
    berduhu is cidhiidhshay
    bidhaanteeda leedahay
    
    adaa bilic-haldhaaloo
    bogeyga calanku
    kaaga babanayaa
    
    ku boqraye adigaan
    caleenta bilicsan
    baarka kuu sudhayaa
    
    GABADHII :
    
    sida baarqab awrkoo
    boqol haraad la raacshoo
    banka wada daaqiyiyo
    cadceed soo baxaysaad
    bidhaanteeda leedahay
    
    adaa bilicda aarloo
    bogeygu iftiinku
    kaaga baxayaa
    
    ku boqraye adigaan
    ubaxani bilicsan
    boga kuu sudhayaa
    
    NINKII :
    
    sida balanbaalistoo
    belayada xareeday
    babaaygu ku liicay
    laanbalaan ku boodaad
    bidhaanteeda leedahay
    
    adigaan badweyntani
    biyahani i muquuray
    kaaga baaqayaa
    
    ku boqraye adigaan
    caleenta bilicsan
    baarka kuu sudhaya
    
    GABADHII :
    
    sida ceel bardaaloo
    bustaaanadeedii
    barqo roobkii helay
    biyo dhigay dhijaamahad
    bidhaanteedii leedahay
    
    beerkay adaa luloo
    aragaaga bilanbaan
    beryo quudan jiraye
    
    ku boqraye adigaan
    ubaxani bilicsan
    boga kuu sudhayaa
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.